cadnaan1

Wasiir Somaliland oo ka towbad keenay fikirkii gooni- goosadka ahaa.

Recommended Posts

cadnaan1   
44 minutes ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Riyadii waa laga soo baraarugay, only sewage-dwelling rats naf lacaari ah la baqtinooyo. Hence:

 

Wasiirka sir badan ayuu kashifay oo wuxuu yiri xataa madaxweynayaasha iyo siyaasiyiinta wey ogyihii inaysan aqoonsi soo socon laakiin everyone is making their dollars from cashuurta masaakinta oo ay uga badalayaan been hawaas iyo fairy tale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Soo jiidashada waxaa keenaya aragtidayda.

Muqdisho waxaa jooga masuuliyiin kasoo jeeda waqooyiga oo runtii shaqo wanaagsan oo soomaalidoo dhan jeclaatay dadkooda iyo dalkooda u qabtay.

Nin kasta iyo gabar kasta oo snm beenteeda ku daalay, dadkooda soomaaliyeed waxay awoodaan ha u qabteen waa waajib dusha u saaran ilaa yomu-diin.

Hadii aad daciifto sida oodweyne maalaa-yacni haku rafan, ninkaas fadhiga uga istaagay waa ina adeerkiis 30 sano ictiraaf raadinayay oo waliba madax ahaa.

Soo dhawaada walaalayaal waa wax lagu farxo qof midnimo jeclaaday.

Principle??
Qodobka koowaad oo gun-dhigga u ah mabda' waa inaadan lahayn dan shakhsi ah

Hadii aad waydo jago kuu qalanta beeshii haku noqon ama sidii professor samatar xaduudka tuko raq adhi ha gayn waa munaafaqad foolxun (ilaahay sharafta nagama qaado) soomaali ka bilaabo kuna dhamaad.

1 minute ago, MoheyedinIssa said:

Horta USC iyo RRA maxaa SNM kaladhaxeeya? 

Waxaa ka dhaxeeya dalka iyo soomaalinimo waa hadaan si sax ah u fahmay su'aashaada.
 

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

People like this have special name in Europe. They belong to some extinct or semi extinct tribe or language. They can change between very big/important principle/issues easily. To these kind of people, the time the issue would have been principle is passed.

Its good to study and research one's background, if they make life changing matters of principle look and feel easy.

The best part at least is these kind of folks do not join Al Shabab, at least openly and directly as they do among political groupings.

Belgium suffers a lot of these kind of politicians.

So does the Baltics and Poles/Ukrainians.

There are 2 Americans, one Lithuanian, one Georgian in the Uknrainian government.

In the past government Sackashivili the ex president of Georgia, another country was Governor of Odessa region in another country. Only excuse, he did his schooling in Soviet Ukraine.

 

 

 

  • Haha - That was funny. You made me laugh! 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oodweyne,

These are Bloomberg without money or name brand.

Is quite coomon in countries with not long history in one shape.

Example: Hungarian Empire joined with Austria to make Austro-Hungarian Empire. After generation or so that was gone and look now: Hungarians in Hungary, proud of Turkic nomadic heritage even though is long long time ago. Self assured culture and country of Hungary. Friends to EU/NATO and Russia and Turkish on its own terms.

Hungarians in Serbia have their own political party and except with Kosovo they were changing sides, now seem to be solid with Serbs.

Hungarians in Ukraine were OK when Ukraine was under control of Russian Ethnic, but now Ukraine is under Ukraine/Polish Ethnic with Jewish nationality alliance. Hungarians have geographic separation from Russian Ethnic which they are always natutral allies by choice otherwise they have different origins, language and religion.

You have politicians in that part of the world between Slovaks, Czecks, Hungarians, Poles, Ukrainians....are available all the way from Germany to Bulkans who ever can pay or position for corruption (means pay).

Eritreans (Xabeshi part not Others) were like that from Mugadishu to Khartoum through Addis Ababa and even Kenya.

Served as soldiers from Mugadishu to Tripoli. Served as government officials and commanders for all 3 regimes in Ethiopia.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Isweydii, Ina-Gummeedow, maxaa loo waayey mid kursiga dowladeed ku fadhiya oo Hargeysa xil kahaya oo masuul ah oo dabadeedna iskaga taga oo yidhaahda Somaliland waan ka baxay, oo xilkii aan u hayey ummadda iyo dowladda Somaliland-ba waan isaga tagey? Oo manta laga bilaabo, iyo wixii ka dambeeya, siyaasad ahaan, "Midnimo"

Waa su'aal fiican ina gobeedow waxaad ogaataa, dadku maamulka yar waa u meel gaar ay biilka ku ilaaliyaan, curashada roobka waxaa kasoo hor mara naacaw udgoon waana mida keenaysa in lasoo roob-raaco.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
On 4/3/2020 at 12:37 AM, cadnaan1 said:

 

Thanks, He is awaken, I would love to meet him and coffee.

He is brave man to speak the truth 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   
17 hours ago, Oodweyne said:

^^^^

Gooni,

Saaxiib, marka aan ku idhaahdo waxa aad tahay hacoo aqligii ka foorarsatey, ama waxa aad tahay "qowsaar askari" u ahaan jirey Afweyne, maantana "tagsi-wade" ah, oo darbiyadda ku dawakha marka uu kala garan-waayo shaaricii uu mari lahaa, tan aad halkan ku soo qortey ayaa u daliil ah. 

Taas-na waxa aan u leeyahay hadii kuwan Hargeysa kasoo cararaa ay"roob-doon" yihiin oo ay Xamar u arkaan meeshii ay usoo socdeen, Hargeysa-na ay aheyd meel ay biilka caruurtooda ay ka qaadanayeen inta "naqdu" ka soo baxeyso Xamar, ma isweydiisey sidii aan horey kuugu sheegay sababta ku soo celisa raggan Hargeysa marka ay shaqadda ama xilka ay ka hayaan Muqdishu uu ka dhamaado ama laga qaado xilkaas?

Su-aashaas fudud ma isku tijaabisey in aad jawaab waafiya aad u hesho?

Waan kuu tirin karaa inta siyaasi ah ee madax-waaweyn kasoo noqdey maamuladdii mac-malka ahaa ee Xamar loo sameeyey oo markii xilkii uu ka dhamaadey ama laga qaadey dib ugu soo cararey Hargeysa iyaga oo "cafis Madaxweyne" kusoo noqonaya. Halkaana, waxa aad ka aragtaa raggan aad leedahay "midnimo" ayey soo doonteen oo ay Xamar u yimaadaan in yihiin laba nooc oo qudha oo mid sadaxaad aanu ku jirin:

Kow - In aaney aheyn niman mabda siyaasadeed gabi ahaantiisba oo ay aaminsan yihiin aanu jirin. Oo ay yihiin oo qudha "calooshood-u-shaqeystayaal" marba meeshii ay wax luf-luf ah ka heli karaan u yaacaya.

Laba - In ay yihiin niman is og in aaney cidna matalin (Somaliland gudaheeda), sidaa-daraateed-na waxa ay ku hadaaqayaan marka ay Xamar joogaan aanu aheyn wax cid la qabtaa aaney Somaliland joogin. Ee ay tahay oo qudha "iidheh" iyo "xayeysiis" ay isleeyihiin roodhidiina kaga salaxda walaweynta lacagta siineysa siyaasi kasta oo Hargeysa kasoo saaqidey oo yidhaahda "Somali-weyn" ayaan aaminsanahay.

Waakaas nuxurka aad la rafaneysaa in aad fahanto inta uu le'eg yahay, saaxiib.

Intaas dheeradka ah ee "sadaqadda garashadda ah" ee aan ku siiyey si tabaruc ahaana ma garatey, saaxiibkeygii Ina-Gummeedka ahaayow? 

Saaxiib
Su'aalahaagu dhumuc ma leh umana eka su'aalo xog-ogaal iyo aqoonyahan midnaba.

Nimankan iyo gabdhahaan muqdisho taga oo waqooyiga kasoo jeeda, wixii dawladaan ka horeeyay ma muuqan karin sababtoo ah waxaan jirin nadaam iyo madax banaani shaqo oo ay ka dhex muuqan karaan.

Iminka xalka soomaaliya waxaa laga rabaa koonfurta iyo waqooyiga oo isku duuban

Maalinba maalinta ka dambaysana way soo buskoonayaan.

Balse berigii hore waxay soomaaliya u muuqatay in koonfurta kaliya xal keento snm'na ay aqoonsi beena shacabka ku maaweeliso.

Arimahoo dhan markii lasoo koobo waxay ahaayeen tacab khasaar.

Midan aad leedahay cafis bay waydiistaan hogaamiyaha snm markay muqdisho kasoo noqdaan way ku saxan yihiin

Meeshaad ku dhalatay waa inaad ku nasataa markaad waynaato ama soo daasho.

Cafisku sadexda habrood, dadkii ay dhaleen yuu ka dhaxeeyaa, wax wayn ma'ahan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Xilka qaranku ma'ahan shaqo qof iska leeyahay, waa shaqo mar walba qabyo ah, oo qof sii wada u baahan, laga bilaabo madax-weyne ilaa agaasime waaxeed.

Warkaanu malaha tix-raac iyo shaabaddii dawladda ee waa ku tiri ku teen.

Hadii ay dhacdo in shaqada laga badelo, labo wajiba way u furan-tahay, wax mushkilada ma leh aragtidayda

Inuu snm ku noqdo oo sidii caadada ahayd towbad keeno asagoo ula jeeda inuu reerkiisa iyo gobolkiisa ku noolaado.

Inuu masuul xil laga qaaday noqdo oo mucaaradka dhinac kaga biiro, asagoo muqdisho jooga CV iyo khibradna helay, labadaas wajiba way u furan yihiin.

Haday hargaysa, burco iyo gabilay ka yimaadaan, la oran maayo meeshii loo dhiibo yaan laga qaadin si aysan dib ugu noqon snm, gobolada waqooyi ceel lagu dhaco ma'ahan wali soomaaliya kama go'in.

Tan in badan aan ka maqalno snm oo ay leeyihiin dadka xamar jooga nama matalaan waa runtood.

Sababtu maxay tahay marka?

Ma jiro senatooro iyo xildhibaano matala goboladii ay kasoo jeedeen ama shacabku karti ugu codeeyeen waa guud ahaan wadankoo dhan. 

Nadaamkaanu waa 4.5 loogu tala galay inay qabiilada muraayad u noqdaan, shaqadooduna aysan intaas dhaafin.

Reer hebel intee senator iyo xildhibaan bay leeyihiin waa wax iska ramsi ah oo hargaysa iyo meel kastaba looga xisaabtamo.

Hadaba maxaa la gudboon snm?

Aragtidayda koonfutu waxay dooratay inay madixii soomaaliya noqoto, waxaana isugu yimid qabiilo badan oo soomaaliyeed. 

Snm waa inay kartidooda daacadnimadooda, nasiibkooda, iyo codkarnimadooda, dalkooda wax ugu qabtaan, hankoodana gaarsiiyaan ilaa madaxweynaha soomaaliya.

Marnaba yaysan dhihin anagu xaad baan leenahay oo dadka kale uma ekin, ama marti wax la siiyay ha naloo ekaysiiyo.

Meesha shaqa aad u adag yaa taala wakhtigii tiyaartarka la aadi lahaa lama gaarin wali.

Hadii kale waxay la mid noqonayaan wax tabar daran oo aan misaan lahayn, ama shimbirtii dibigga geesihiisa saarnayd maalintii oo dhan asagoon dareemin, oo casarkii ku tiri waan iska caraabayaaye nabad galyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.