Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Eebbe ha u raxmado ra'iisul wasaare Nuur Cadde

Recommended Posts

Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde oo u geeriyooday cudurka Coronavirus

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xassan Xusseen (Nuur Cadde) ayaa la xaqiijiyey in uu maanta ku geeriyoodey magaalada London ee dalka Britain.

War ka soo baxay Wiilkiisa Xaaji Maxamed Nuur Xassan Xusseen ayaa lagu ogeysiiyay shacabka Soomaaliyeed gaarida Nuur Cadde oo waayadii ugu danbeeyayba la il darnaa cudurkan  COVID-19.

Nuur Cadde ayaa dalka ka soo noqday Ra'iisal Wasaare intii u dhexeysay 2007-2009 dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Alle ha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed 

202041637213139551505395.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khayre oo war ka soo saaray geeridii ku timid Nuur Cadde

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay Allaha u naxariistee geeridii ku timid, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ahaa ra’iisul wasaare hore, kaas oo saaka ku dhintay dalka Ingiriiska.

Khayre ayaa marka tacsi u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay marxuumka oo u geeriday caabuqa Corona.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa marxuumka alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka marxuum, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyooday London. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelkana uu samir iyo iimaan ka siiyo.” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Nuur Cadde waxaa loo magacaabay ra’iisul wasaare bishii November sanadkii 2007-dii, xilliggaas oo uu dowladda KMG fadhigeedu ahaa magaalada Baydhabo .

Marxuumka ayaa sidoo kale ra’iisul wasaare ahaa tan iyo 2009-kii, ka hor wuxuu muddo dheer madax ka ahaa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Allaha u naxariisto qofna dhaafi maayo wakhtigiisa

Afar bilood markaad uurka hooyadaa ku jirto yaa nafta lagu geliyaa waxaana laguu qoraa, intaad noolaanayso, waxaad cuni lahayd ama arsaaqdaada, iyo waxaad dhali lahayd ama duriyad qadarta lagama cararo.

Laakiin ratiggaaga dabro ilaahayna tawakal waa hadalkii rasuulkeenii suubanaa nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee

Macnaha is ilaaliya oo ilaahay tawakala.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.