Sign in to follow this  
Deeq A.

Jawaanno Qaad ah oo xalay lagu gubay magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
3.jpg?w=1000&ssl=1

Laamaha Amniga Puntland ee Gobolka Mudug, ayaa xalay  goob fagaare ah ku gubay Qaad si qarsoodiya loo soo geliyay gudaha magaalada Gaalkacyo, kaasi oo haddana si qarsoodiya loogu iibinayay goobo ku yaalla Gaalkacyo.

Maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo, oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Booliiska Gobolka, ayaa xalay Taliska Qeybta Gaalkacyo ku gubay jawaanno Qaad ah oo si sharci-darro ah loo soo geliyay gudaha magaalada, kuwaas oo lagu iibinayay gooba qarsoodiya.

Mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo, oo goobtaas ka hadlay ayaa Laamaha Amniga, gaar ahaanna Booliiska uga mahadceliyay sida ay uga hawlgaleen in Jaadkaas gacanta lagu dhigo, maadaama Xukuumadda Puntland ay horay degaannadeeda uga mamnuucday.

Sidoo kale, waxay digniin adag u direen dadka Qaadka sida sharci-darrada ah u soo geliya magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug, waxaana ay ku hanjabeen in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo falkaas lagu qabto.

2.jpg?w=1000&ssl=1 5.jpg?w=1000&ssl=1 4.jpg?w=1000&ssl=1 3.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Jawaanno Qaad ah oo xalay lagu gubay magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this