Sign in to follow this  
Deeq A.

Aabbe Somaliya & Qoyskiisa oo uu ku wada dhacay cudurka coronavirus oo digniin u diraya….

Recommended Posts

Deeq A.   
farxancali.jpg

Farxan Cali Xalane (35-jir) oo ah aabe soomaaliyeed oo ku nool dalka Norway islamarkaana isaga iyo dhammaan qoyskiisa uu ku wada dhacay cudurka coronavirus ayaa digniin u diray umadda soomaaliyeed, gaar ahaan skuwa ku nool dalka Norway.

Aabe Farxaan oo video uu soo dhigay bartiisa Facebook uga sheekeeyay qaabka uu ugu dhacay cudurkan iyo sida uu u saameeyay ayaa waxaa uu sheegay in uu aaminsan yahay in cudurkani uu markiisa hore kasoo qaaday xuduudda dalka Sweden oo uu u aaday adeeg.

Wixii maalintaasi adeegga ka dambeeyay ayuu sheegay in uu la xanuunsanaa cudurka coronavirus, isagoona qaadsiiyay dhamaan qoyskiisa oo ka kooban xaas iyo afar carruur ah oo kan ugu weyn uu 9 jir yahay, kan ugu yarna uu 3 jir yahay.

Iminka oo ay ka wada caafimaadeen cudurkaasi ayuu Aabe Farxaan waxa uu uga digayaa umadda soomaaliyeed halista uu leeyahay cudurkaasi, isagoona usoo jeediyay talooyin ay ka mid yihiin in ay raaxaan talooyinka caafimaad ee ay bixinayaan dowladaha ay la nool yihiin.

” – Waxaan isku arkay dhammaan calaamadaha cudurkaasi. Waxaan la xiriiray dhakhtarka, waxaana guriga la iigu soo dray kal-kaaliso i baarta oo markii dambe iga heshay cudurka”, ayuu yiri Aabe Farxaan.

Waxa uu uga digay soomaalida in ay guryohooda joogaan muddo 14 maalmood ah, haddii ay isku arkaan calaamadaha cudurka coronavirus.

Dhibaatada ugu weyn ee baraarug-la`aanta cudurkan ee bulshada soomaaliyeed dhexdeeda ayuu ku sheegay in ay tahay la socod la`aanta, warbaahinta iyo farriimaha dowadda, waxaana uu intaa raaciyay in ay soomaalidu yihiin dad war-ku-nool ah oo sheeko wax ku kala qaata.

Waxa uu kula taliyay bulshada soomaaliyeed in uusan cudurkan ku noqonin shook, balse ay ku dadaalaan sidii ay uga caafimaadi lahaayeen mar haduu ku dhoco.

Waxa uu ka walwalsan yahay dadka taagta daran ee uu cudurkan haleelo, misna usii dheer cuduro kale sida sokorta, dhiig-karka iyo asmada.

Sida ku cad warbixin caafimaad oo ku saabsan cudurka coronavirus oo ay soo saareen hay`adaha caafimaadka Norway ayaa waxaa lagu sheegay in ka badan 100 soomaali ah in uu ku dhacay cudurka faraha ba`an ku haya caalamka ee loo soo gaabiyay COVID19.

Tiradan boqolka kor u dhaafeysa ee soomaalida ah islamarkaana laga helay cudurka coronavirus ayaa daggan labo xaafadood oo dhabarka isku haya, sida lagu sheegay warbixinta, waxaana ay labadaasi xaafadood kala yihiin Grønland iyo Tøyen.

13 ka mid ah dadkan ayaa la sheegay in ay isbitaalka u jiifaan xanuunkan oo uu naqaska ku ceshoomay, balse warbixinta lahuma sheegin qof u dhintay wali.

Guud ahaan dalka Norway tirada ilaa iyo iminka la diiwaangeliyay oo uu ku dhacay cudurkan ayaa ah 4390 ruux, waxaana isbitaalka u jiifa 317 ruux halka tirada u dhimatay ay sii cago-cageyneyso 31 ruux.

Dadka cudurkan ugu dhintay Norway ayaa waxaa ay i badanyihiin waayeelo, waxaana kan ugu yar da`diisa lagu sheegay 61 jir.

Si kastaba, tirada soomaalida uga dhacday cudurkan ayaa ah mid aad u sarreysa tan ajaaniibta kale, waxaana dhawaan cabasho ay ka timid booliska kuwaas oo ku wareeray soomaalida oo aan qaadan ama la socon digniinihii xakameynta cudurkan ee loogu baaqay shacabka in eysan guryohooda kasii bixin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this