Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka madaxtooyada oo la wareegay amniga Fiqi oo la filayo in maanta la doorto

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – Musharax Cali Saciid Fiqi ayaa waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Baydhabo loogu doorto jegada Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Cali Saciid Fiqi ayaa 19-kii bishan lagu dhex arkay liiska Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Koonfur Galbeed, iyadoo uu ka mid noqday musharaxiinta isu soo sharaxay Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Madaxda Dowladda Federaalka ay ku qanciyeen in uu isaga soo taggo Magaalada Brussels ee Xarunta Belgium-ka, halkaas oo uu ahaa safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, isla-markaana uu ka mid noqdo Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed, si uu ugu tartamo, uguna fariismo kursiga ugu sareeya ee Baarlamaanka.

Musharax Cali Saciid Fiqi ayaa maalintii Axada soo gaaray Magaalada Baydhabo, markii uu kaga soo gudbay dhinaca Magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Shaati-gaduud.

Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa la wareegay inay suggaan amniga Cali Saciid Fiqi, oo dhawaan iska casilay Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub.

Ilo-wareedyo muhiim ah ayaa sheegay in musharaxa la dejiyay Xarunta Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed, oo dacalka ku haysa Madaxtooyada Magaalada Baydhabo, waana halkii la dejiyay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), markii loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, 19-kii December ee sanadkii 2018.

Illaa shan Xildhibaan ayaa u sharaxan Gudoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad iyo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad.

Xildhibaan Cali Saciid Fiqi iyo Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nuur ayaa isu soo sharaxay jegada Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo Xildhibaanad Aamina Isaaq Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed u taagan yihiin jegada Gudoomiye Kuxigeenka 1aad, halka Xildhibaanad Shamso Maxamed Yarow ay u taagan tahay jegada Gudoomiye Kuxigeenka 2aad.

Haddii aynaan wax mucjiso ahi dhicin musharax Cali Saciid Fiqi waxa uu maanta noqon doonnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this