Sign in to follow this  
Deeq A.

Bandowgii Puntland soo rogtay oo si rasmiya uga dhaqan-galay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
bandoow.jpg?w=1000&ssl=1

Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, waxaa xalay si rasmiya uga dhaqan-galay bandow ay xilliyada Habeenkii ah soo rogtay Xukuumadda Puntland, si looga hortago faafidda cudurka Coronavirus.

Dhammaan dadweynaha ku nool xaafadaha kala duwan ee Boosaaso, ayaa guryahooda ku xerooday lixdii makhribnimo ee xalay  kadib markii Taliska Booliiska Gobolka Bari uu ogaysiis ku bixiyay in la fuliyo Amarkii dowladda, islamarkaana dadku guryahooda ku negaadaan.

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud, oo qoraal kooban soo saaray Saqdii dhexe ee xalay, ayaa sheegay in iyadoo la fulinayo Amarka dowladda Puntland, uu magaalada Boosaaso si rasmiya uga dhaqan-galay bandowgii xukuumaddu soo rogtay.

G/sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa uga mahadceliyay dadweynaha Boosaaso sida ay ugu hoggaansameen Amarka dowladda ee la xiriira bandowga xilliyada habeenkii ah, kaasi oo socon doona mudda 15 cisha ah, si looga hortago Coronavirus.

Waxaan U Mahadcelinayaa Shacabka Guud Ahaan Magalada Bosaaso Oo Ciidamada Si Wanaagsan Ula Shaqeeyay Wana Arin Ay Shacabka Bosaaso Lagu Yaqaanay In Ay U Hogasamaan Awaamirta Madaxda Dowlada Puntland” ayuu yiri Taliyaha.

Sidoo kale,Ciidanka ayuu ku Amray in ay si Wanagsan ula Dhaqmaan shacabka ku nool magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

PUNTLAND POST

The post Bandowgii Puntland soo rogtay oo si rasmiya uga dhaqan-galay Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this