Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuur Cadde oo isbitaal loo dhigay Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

London (SMN) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen [Nuur Cadde], ayaa isbitaal loo dhigay Coronavirus.

Xaaji Maxamed, oo ah wiil uu dhalay bukaanka, ayaa sheegay xaalada aabihii ay kasoo fiicnaaneyso sidii hore.

Wareysi uu siiyey BBC-da ayuu ku xusay in dhakhaatiirta isbitaalka oo ku jiro ee ku yaala xarunta UK ee London ay aad ula tacaaleyso.

Dadka Soomaaliyeed ayuu ugu booriyey in ay u soo duceeyeen ra’iisul wasaare Nuur Cadde iyo dadka kale ee la xanuunsan cudurkaas.

Nuur Cadde, oo degan cariga Ingiriiska, ayaa ra’iisul wasaare kasoo noqdey Dowladdii ku meelgaarka ahayd ee Soomaaliya.

Sikastaba ha ahaatee, mas’uulkaan Soomaaliyeed ayaa kamid noqonaya tiradda Soomaalida ee uu soo ritay caabuqaan dilaaga ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this