Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo caafimaad u rajeeyay Nuur Cadde

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa Alle uga baryay in uu caafimaad deg deg hah siiyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka mudane Nuur Xasan Xuseen “Nuur cadde” oo ku xanuunsan magaalada London ee cariga Ingiriiska.

“Waxaan Alle ka baryayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka, mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku xanuunsanaya London. Waxaan khadka teleefanka kula hadlay qoyskiisa aniga oo gaarsiiyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin,” ayuu yiri Khayre.

Nuur Cadde ayaa isbitaal ku yaala xarunta Ingiriiska waxaa loo geeyay xaalad la xiriirta xanuunka dunida faraha ba’an ku haya ee Coronavirus, wallow qoyskiisu sheegay in xaaladiisa caafimaad ay kasoo roonaaneyso siddii hore.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this