Sign in to follow this  
Deeq A.

BBC-da oo xidheysa Idaacadda Caawa Iyo Caalamka ee laanta Afsoomaaliga+Madaxa luqadaha BBC-da ee Bariga Afrika oo ka hadashay sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

BBC-da oo xidheysa Idaacadda Caawa Iyo Caalamka ee laanta Afsoomaaliga+Madaxa luqadaha BBC-da ee Bariga Afrika oo ka hadashay sababta

 

Si loo asteeyo barnaamijkii ugu dambeeyay ee Idaacadda Caawa iyo Caalamka ee BBC-da laanteeda Afsoomaaliga, waxaa 27-ka March bixi doona barnaamij khaas ah.

Waxyaabaha lagu soo qaadan doono waxaa ka mid ah maqaal dhageysi ah oo dib u eegis loogu sameynayo taariikhda barnaamijkan habeen walba bixi jiray iyo sida uu isha ugu ahaa xog badan, falanqeyn iyo madadaalo ay dhageystayaasha ka heli jireen muddo tobannaan sano ah.

Waxaa kale oo barnaamijka qeyb ka noqon doona wareysi uu tifaftraha cusub ee BBC Somali Muxyadiin Axmed Rooble ku faahfaahinayo sababaha ka dambeeya xiritaanka barnaamijka Caawa iyo Caalamka iyo mustaqbalka laanta Afsoomaaliga ee BBC-da – iyadoo barnaamijyo cusub na la billaabi doono.

Xirida barrnaamijka waxay qeyb ka tahay qorshe guud ee BBC-du guud ahaan, iyada oo la xiray barnaamijyo kale oo dhowr ah islamarkaasna la soo kordhiyo kuwo kale oo u badan dhanka warbaahinta adeegga internetka (digital).

p04m1yt4.jpg

BBC Somali waxay sii wadi doontaa inay u shaqeyso dadka ku xiran iyadoo usoo gudbin doonta barnaamijyo isku dhaf ah oo maalin kasta bixi doona oo lagu soo qaadan doonaan xaaladaha taagan, falanqeynta wararka, farshaxanka, dhaqanka iyo ciyaaraha.

Barnaamijka Muusiga iyo Salaamaha ee bixi jiray habeenka khamiista ah wuxuu hadda kaddib soo gali doonaa galabta Khamiista ah.

Rachael Akidi, oo ah madaxa luqadaha BBC-da ee Bariga Afrika ayaa tiri: “xiritaankan wuxuu yimid xilli xasaasi ah, oo dunida ay la tacaaleyso xasarado aan lasii fileynin. Waxaan bulshadeenna Soomaalida ah usoo saari doonnaa barnaamij gaar ah oo si toos ah looga hadlayo arrimaha coronavirus. Waxaa lagu soo bandhigi doonaa wararkii ugu dambeeyay ee cudurkan safmarka ah iyo talooyin caafimaad”.

.Rachael Akidi, oo ah madaxa luqadaha BBC-da ee Bariga Afrika

BBC Africa waxay horayba maalgalin saameyn weyn leh ku sameysatay Telefishinka BBC Somali. Barnaamijkaas telefishinka waxaa la ballaariyay oo 30 daqiiqo laga dhigay sanadkii 2018-kii. Wuxuu na qeyb ka ahaa ballaarin lagu sameynayay barnaamijyada caalamiga ah ee BBC-da.

Taas waxaa sii dheer in BBC Somali ay maalgalin ku sameysay warbaahinta casriga ah ee adeegga internetka si loo kordhiyo dadka kusoo xirmaya website-ka, YouTube, iyo baraha kale ee warbaahineed.

Qorshaha xiriraanka idaacadda Caawa iyo Caalamka waa mid in muddo ahba ay ka baaraandegeysay BBC wixii ka dambeeyay markii la bilaabay telefishinka BBCSOMALI labo sanno kahor. Barnaamijka telefishinka waxaa la baahiyaa saacad kahor xilliga idaacadda sagaalka habeenino.

“Waxaana rajeyneynaa in xiritaanka barnaamijka Caawa iyo Caalmaka uu dhageystayaasha si toos ah ugu weecin doono telefishinkeenna oo laga daawan karo TV-yada maxalliga ah ee aan bah-wadaagta nahay ama bogga internet-ka ee BBC Somali website – isagoo toos ah iyo isagoo dalbasho ahba”, ayay tiri Rachael.

Muxyadiin Axmed Rooble, tifaftiraha cusub ee BBC Somali wuxuu yiri: “Waxaan diiradda saareynaa maalgelinta iyo horumarinta warbaahinta casriga ah ee digitalka si aan u gaarno uguna adeegno dadka nagu xiran, una soo-jeedano kuwo cusub oo kusoo xirma BBC Somali”.

“BBC Somali waxay dedaal ugu jirtaa inay la jaanqaado horumarka dhanka teknoolijiyada iyo warbaahinta ee dunida ka hirgeshay. Sidaas oo ay tahay, dhegeysteyaasheenna raadiyaha waa inoo muhiim oo waan sii wadi doonaa in aan u adeegno”.

BBC Somali waxaa la daah furay 18-kii bishii July ee sanadkii 1957-kii, haddana waxay gaartaa dadka af-soomaaliga ku hadla ee ku nool dunida qeybaheeda kala duwan iyadoo telefishin ah, online ah, iyadoo laga soo raacayo baraha bulshada iyo iyadoo laga dhageysanayo raadiyaha, oo ah meeshii ay ka billaabatay laanta afsoomaaliga.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this