Sign in to follow this  
Deeq A.

Qofkii Ugu Horreeyey Oo Coronavirus Ugu Dhintay Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Dawladda Kenya ayaa xaqiijisay in qofkii ugu horreeeyey uu dalkaas ugu dhintay cudurka COVID-19.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa lagu sheegay in qofka dhintay yahay muwaadin kasoo laabtay Koonfur Afrika 13-kii March.

Waxa kaloo wasaaraddu sheegtay in qofkaasi oo rag ah da’diisuna tahay 66-sano jir uu qabay sidoo kale xanuunka macaanka.

Kenya ayaa diiwaangelisay ku dhowaad 30 kiis oo ah cudurka COVID-19

Dhinaca kale, dowladda Kenya ayaa dalkeeda kusoo rogtay bandow xiliga habeenkii ah kaasoo bilaaban doona 7-da fiidnimo ilaa 5ta aroornimo.

Arrintan ayaa qeyb ka ah tallaabooyin ay dowladda Kenya kula tacaalayso sidii au u xakamayn lahayd faafitaanka xanuunka Coronavirus kaasoo illaa iyo hadda dadka laga helay gaadhaya ilaa 30 qof.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this