Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Oo Uu Ku Dhacay Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dalka Ingiriiska uu ku xannuunsanayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Raysal Wasaare Kheyre ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal kooban oo uu ugu duceynayo Nuur Cadde, isagoo sheegay in xubno ka tirsan qoyskiisa oo uu la hadlay ay u xaqiijiyeen xanuunkiisa.

“Waxaan Alle ka baryayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka, mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku xanuunsanaya London. Waxaan khadka teleefanka kula hadlay qoyskiisa aniga oo gaarsiiyay in dowladda & shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Dhinaca kale warar Xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Nuur Cadde uu ku dhacay xanuunka Coronavirus, oo ku fiday dalka uu ku noolyahay ee UK iyo guud ahaan caalamka.

Nuur Cadde iyo wiilka uu dhalay oo Daahir Nuur lagu magacaabo ayaa ku jira cisbitaal ku yaalla magaalada London.

Nuur Cadde oo 83 sano jir ah ayaa sannadihii 2007 iyo 2009 ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda KMG dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf.

UK ayaa ka mid ah dalalka uu sida aadka ah u sameeyey cudurka Coronavirus, waxaana xusid mudan in Soomaali badan oo ku nool dalalka caalamka uu ku dhacay, haba ugu badnaadaane Soomaalida ku nool dalka Sweden, oo noqday dalka ugu badan oo Dad Soomaalida ay ugu geeriyoodeen cudurkan loo bixiyey COVID-19

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this