Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoxoontigii Ugu Badnaa Ee Qoomiyadda Oromada Oo Maalmihii U Dambeeyay Soo Galay Hargeysa Iyo Halista Xannuunka Coronaviruska Wakhti Dalku Heegan Ku Jiro

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyadoo horeba loogu yaqiinay in wakhtiga bisha Barakaysan ee Ramaddaan ay soo galayso inay Dad badan oo ducaafo ah oo kasoo jeeda Qoomiyadda Oromadu ay Dhinaca Itoobiya uga soo talaabaan Somaliland ayaa durba ay hor dhacoodii qarqiyeen Hargeysa iyadoo lagu jiro wakhti aduunyaddii xuduudaha kala xidhatay.

Xaqoonti u badan Qoomiyadda Oromada ee Dalka Itoobiya degta ayaa maalmihii udambeeyay sida daadka uga soo galayay Xuudaha ay Somailand la wadaagto dalka Itoobiya kuwaasi oo ubadan dad waayeel ah iyo haween iyo Ubad aad u tabcaansan oo aad u jilicsan islamarkaana is xambaarsan kuwaasi oo ay intooda badan soo daad gureeyaan gaadiid Noohooyin ah oo hanaan kootarabaan ah u soo galiya Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa wakhti ay aduunyaddu kala shakisan tahay islmarkaana uu si ba’an ugu faafayo Xanuunka halista badan ee CORONAVIRUS. Dadkan ayaa si weyn looga dareemayaa Suuqyada Magaaladda Hargeysa Caasimadda Somaliland, oo ay culays badan ku soo kordhiyeen, islamarkaana waxaad arkaysaa iyagoo si balaadhan u gaaf wareegaya suuqyada iyagoo sidoo kalena daadsan dariiqyada waa weyn ee saxmadda badan ee Caasimadda la iskaga koosho. Waxaanay tani muujinaysaa qorshe la’aan baahsan ee Xukuumadda haysa, iyo sida aanay wax fikir ah uga lahayn Dadka Itoobiya inooga imanaya wakhti Itoobiya lagu sheegay Cudurka CORONAVIRUSKA.

Dhinaca kale, lama garanayo waxa ay ka yeeli doonto Xukuumaddu hadiiba ay dhacdo inay kaarantimayso dadka muwaadiniinta ah. Xukuumaddii hore Axmed Siilaanyo ayaa wakhtiyo badan marka ay dareento Culayska dadkan qaxoontiga ah waxay kaga jawaabi jirtay Raaf iyo inay dhinaca Itoobiya u daad gurayso.

Xaaladdan ayaa ku soo beegmaysa wakhti xukuumadda Somaliland shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday in manta oo Khamiis ah dhammaanba xuduudaha dalka la xidhay Ayaan la ogayn sida ay dadkan oromada ahi ugu hogaansami doonaan maadaama ay dhinacyo badan dalka ka soo galaan dhinaca xuduudda kooxo dadkan soo kaxeeyaana si xirfad leh dalka u soo galiyaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this