Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya Oo Dalkeeda Ka Saaraysa Kumannaan Arday Ah Oo Ay Ku Jiraan Ardayda Reer Somaliland Ee Wax Ka Barta Dalkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Waddanka Itoobiya ayaa dalkeeda ka soo kaxaynaysa ardayda ajaaniibta ah ee dalalka Geeska ee waxbarashada u jooga oo ay ka mid yihiin kuwa reer Somaliland ee dalkaasi deeqaha waxbarasho u joogay kadib markii xukuumadda Itoobiya sheegtay in xaaladda dalkaasi la galiyay ee ka hor tagga iyo la tacaalidda caabuqa Koroona Fayrsan ay ku khasbayso in ay culayska dalkeeda ka yarayso iyada oo ku war galisay ardayda dalalka Somaliland, Soomaaliya iyo kuwo kale oo Afrikaan ahba in ay dalka ka baxaan tan iyo mudada ay xidhan yihiin Jaamacadaha iyo Kulliyadaha waxbarasho ee dalkaasi dalalkoodiina ku laabtaan.

Ilo Wareedyo u dhuun daloola Arrintan ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyay in inkasta oo aanay wali xukuumadda Itoobiya si cad shaaca uga qaadin oo rasmi ahaan aanay warbaahinta ka baahin haddana ay jiraan xogo dhab ah oo la soo gaadhsiiyay ardayda iyo guud ahaan dadka Ajaaniibta ah ee dalkaasi jooga qaarkood kuwaasi oo lagu war geliyay in ay dalalkoodii ku laabtaan inta wax is baddalayaan ee xaaladda Koroona la tacaaliddeedu taagan tahay taasi oo saamaynaysa arday badan oo u dhalatay Somaliland kuwaasi oo wax ka barta Jaamacadaha iyo Koolejyada kala duwan ee dalkaasi kuwaasi oo la filayo in ay ku soo guryo noqdaan waddanka.

Qaar ka mid ah ardayda reer Somaliland ee ku sugan Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa oo aau xidhiidh la samaynay ayaa waxa ay noo sheegeen in warkasi soo baxay dorraad oo Salaasa ahayd lana xaqiijiyay in ay Itoobiya doonayso in Ardaydu dalalkoodii ku laabtaan. “Waxa halkan (Itoobiya) wax ka barta Arday kala duwan oo ay xukuumadda Itoobiya siiso sannad walba dalalkooda deeqo waxbarasho sida Somaliland, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Jabuuti iyo dalal kale waxaanay noqonaysaa in ay ardaydu dalalkoodii ku laantaan kaliya waxa la sugayaa amarka kama dambaysta ah waxaanse ogahay in ay arrintaasi jirto” sidaa waxa yidhi Axmed Cumar oo ka mid ah ardayda reer Somaliland ee wax ka barata dalkaasi Itoobiya.

Ku dhawaad in ka badan 1500 oo Arday oo reer Somaliland ayaa la sheegaa in ay wakhtigan wax ka bartaan Jaamacadaha kala duwan ee dalka Itoobiya kuwaasi oo diyaariya cilmiyo kala duwan oo ay intooda ugu badani ku joogaan deeqo waxbarasho oo ay dawladda waddanka Itoobiya si toos ah u siiso Jamhuuriyadda Somaliland.

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladdan ee aanu helaynaa waxa ay sheegayaan in qaar badan oo ka mid ah ardayda reer Somaliland ay durba bilaabeen in ay soo laabtaan iyada oo qaarkood shalay dalka soo gaadheen iyaga oo in badani ka soo gudubtay dhinaca xuduudda Wajaale

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this