Sign in to follow this  
Deeq A.

Caabuqa Carona kadib aduunku ma ahaan doono sidii uu kahor ahaa.WQ/Hassan Osman Ismaacil

Recommended Posts

Deeq A.   

Caabuqa Carona kadib aduunku ma ahaan doono sidii uu kahor ahaa.WQ/Hassan Osman Ismaacil

Caabuqa Carona kadib aduunku ma ahaan doono sidii uu kahor ahaa.WQ/Hassan Osman IsmaacilWax badan ayay taariikhdu inasiinaysaa oo warar ah oo kusaabsanaa dhibaatooyinka aduunka kazoo dhacay siday wax usu bedeleen . dhibaatooyin badan ayaa aduunka kasoo dhacay sida Dagaalada, Xanuunada, Abaaraha, Gaajada iwm. 
Markasta oo ay kuwaasi dhacaan nidaamka aduunku ku shaqaynayey wax waynbaa iska bedela Waxaynu tusaale usoo qaadan kanaa xanuunadii Daacuunka ahaa ee aduunka ka dhacay markay taariikhdu ahayd 542, 1346 iyo 1918. Dagaaladii aduunka ee koobaad iyo labaad iyo Dhaqaale burburkiidhacay 1929 iyo weliba dumistii Gidaarka Barlin Dhibtan uu keenay Xanuunka COVID19 waxa huibaal ah in uu keenayo misbedel laxaad mleh oo maduunka ku dhaca dhinacyada Dhaqaalah, xidhiidhka iyo Siyaasadda Caalamiga ah, arimaha Amniga iyo arimaha dhaqanka iyo arimaha Diimaha.

Xanuunkani wuxu mar qudha fadhiisiyey dhaqdhaaq kasta oo jiray, kalabadh dadkii aduunka kunoolaa ayaa guryaha lagu xereeyey, diyaaradihii aduunka oo dhan ayaa lafadhiisiyey, siyaasaddii ,ciyaarihii, dagaaladii iyo dhamaan wada hadaladii ayaa lajoojiyey. Shanta qaaradood ee aduunka ayuu muddo yarkuwada gaadhay.
Marna suurta gal maaha in wax waliba sidoodii kusoo noqdaan. Dad badan oo si hoose ula socdaa waxay filayaan in xanuunkani aduunka ka dhex soconayo inta sanadkan ka hadhay taasina hadday dhacdo dhibaatada ayay sii dheeraynaysaa.Waxaynu sugnaa waa nidaam caalami ah oo cusub oo ay isla bedelaan arimaha Dhaqaalaha, Awoodaha wadamada, Isbahaysiyo cusub iyo sharciyo lajaan qaada waaga cusub ee beryey.
WQ/Hassan Osman Ismaacil

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this