Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Soomaaliya airspace closure oo dhaqangalay

Recommended Posts

Diyaarad ka timid Imaaraadka oo laga celiyey Hargeysa iyo go’aankii DF oo dhaqan galay

Diyaarad rakaab ah oo ka timid dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo warramayaa in saaka loo diiday inay ka degto garoonka diyaaradaha Cigaal International, magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarada oo ay laheyd shirkadda Flydubia ay dib ugu laabatay dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo aan dajin rakaabkii ay siday.

Sida ay ogaatay Caasimada Online hay’adda duulista rayidka hawada ee dowladda Soomaaliya ayaa duuliyeyaasha ku wargelisay in diyaaradeedu aysan ka dagi karin magaalada Hargeysa, iyadoo la fulinayo amarkii ra’iisul wasaaraha ee ka hortaga coronavirus.

Arrintaan ayaa sidoo kale ku soo aadeysa, iyadoo maanta uu dhaqan galay go’aankii ay dowladda federaalka ku hakisay dhamaan duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in illaa iyo hadda aysan wax diyaarad ah ka soo dagin garoonka  Aadan Cadde, kadib go’aankii dowladda federaalka.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa Isniintii shaacisay in xanibaada ay socon doono muddo 15 cisho ah, sababo la xariira cudurka Coronavirus.

Tallaabadaan ayaa qeyb ka ah qorshaha ay dowladda uga hortageyso cudurkaan, iyadoo dhammaan albaabada isugu laabtay goobaha waxbarashada ee magaalada Muqdisho.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
15 hours ago, Che -Guevara said:

I am beginning to warm to Farmaajo, Kheyr, and co. They somehow managed to unite a lot of people that are usually at each other.

Like this secessionist writing this garbage miyaa, who is angry at Muuse Muqayil for thinking he can allow diyaaradaha from Imaaraadka iyo Xabashiland to land in Waqooyiga and spread cudurkaan xun:

Siyaasad Garan Maynee Dumarkeena Aan Caadifadii Uga Sheekayno

Aar siyaasad garan maynee dumarkeenii aan caadifadii uga sheekayno iyo Sheekooyinkeenii Caadada inoo ahaa ee aan 30 sano iska wadanay?

Dawladkasta oo dadkeeda aan u danayn ilaahay dadkeeda wuxuu usoo diraa shimbir mararka qaar ka badbaadiya hagardaamooyin ay u horseedeen ama u horseedi rabeen kuwii talada ay bideen!

Bilaahi calaykum hadii shacabka somaliland ay u danaynayaan ma waxay odhan lahaayeen Coved19ka Itoobiya iyo Dubai hasoo duulo oo hasii duulo?? Ma shaydaan ayaau waxyooday in fayraska labadaa dal dhex jibaaxayaa aanu dadkeena waxba yeelayn?

Hadii Awal ay shacabka ku beer laxawsan jireen Somaliya waa Cadawgeena maanta dadka maxay ku odhan?? Ninka Coved19 dadka kusoo fasaxay ee yidhi joojin mayno Diyaaradaha Dubai iyo Itoobiya iyo ka ka joojay keebaa cadawa maanta??

Aniga aragtidayda Somaliland waxa u cadaw ah ninka dadkeeda u kala sadburiya kala dhawaysta wixii ay u sinaayeena qaar sigaara u siiya xil iyo xoolo ka ay noqotaba!!

Aniga aragtidayda waxa u cadawa ninka maalin walba qayb kala kexeeya intii dawladan yar wada samaysatay!!

Aniga aragtidayda somaliland waxa cadaw u ah ninka dawladaa 30 jirka ah ka dhigay sobool aan hal adeeg bixin karin oo aan bulshadeeda waxba kaga filnayn!!

Aniga aragtidayda somaliland waxa cadaw u ah Ninka Cashuur kasta libin laabay waxbana aan kaga soo celin bulshada rayidka ah!!

Aniga aragtidayda somaliland waxa cadaw u ah nin miisaaniyad kasta oo koradhay aan macalinkiisa iyo ciidankiisa waxba uga kordhin!!

Aniga aragtidayda somaliland waxa cadaw u ah
Ninka hordhiga iyo firdaaminta taaganta ka door biday inuu maalin walba ka sheekeeyo dhacdooyinka maalmo tagay!!

Somaliya la iskaga celin maayo been iyo muusanow joogto ah oo shacabka lagu wayrixiyo Awoodeedana laguma qarin karo in Xaqiiqooyinka muuqda laga been sheego oo la yidhaa dawlada taagta daran iyo KM ma dhaafto

Somaliya waa awood sii kordhaysa subaxii Rabi keenaba markaad eegto siyaasada gudaha iyo ta dibadaba!!

Xasuus reebyo badan oo aan duubnaa Xaqiiqooyinka maanta waxba ka tari mayso ee taa hala ogaado!!

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Another angry jaad-induced secessionist mantagaan iyo qashinkaan la soo shirtagay:

Towarka Xamar Oo Bilaabay Budhcadda Hawada – Air-pirates

Wararka radarka duulimaayada hawada ee mandaqadda Geeska Afrika

ayaa sheegay in saaka 4 tii subaxnimo ay diyaard Flydubai leedahay ka soo kacaday Dubai Airport iyadoo ku socottaay Hargeisa Airport. Haseyeeshee, diyaaradaasi iyadoon wali  Hargeisa  soo gaadhin ayay hawada ka noqottay, waxany dib uga degtay Dubai Airport.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Tawarka Airportka Mogadishu diyaaradaas iydoo hawada maraysa laga hadlay oo loo sheegay in Hawda Somalia iyo Somaliland ay xidhantahay cudurka Covid 19 awagii.

Waa Budhcad Hawada ka dillacday oo Radio tuugo ah sidata.

Intaa ka dib, baylootkii diyaaradda waday qaraar wuxuu ku gaadhay inuu diyaaradda dib Dubai ugu celiyo isagoo danaynaya nabad-galiyada rakaabka diyaaradda saaran.

Sida muuqattay Wakaaladda Duulista ee Somaliland wax wargalin  ah may siinin FlyDubai si ay u beeninso sheegashada ay dawdadda Mogadishu sheegattay inay hawada Somaliland iyadu xidhay, kana taliso.

Waxaa kale oo iyana khubaradu sheegayaan Hargeisa Airport aanu lahayn qalabka diyaradaha meesha fog maraya lagula hadlo. Radio waa la iibiyaa oo suqyada ayuu yaalla

Sida laga war qabo, qolada Xamar waxay mudduba ku hawlanaaayeen inay adduunka ka dhaadhiciyaan inay iyagu hawada Somaliland xukumaan – waa sheeko humaag iyo been ah oonay waxaba ka jirin. 30 Sannadood masuul Mogadishu ku abtirsadaa Hargeisa iyo Airportkeeda  cag ma soomuu dhigin, waxa ka jirana waxba kama oga.

Sidaa awgeed, haddii ay Reer Xamarku ku adkaysataan  anay iygu hawada Somaliland xukumaan  oo ay diyaaradaha ka joojin karaan, maxaa Somaliland la gudboon:

·      Waa inay Somaliland hayadaha ICAO iyo IATA u gudbiso dacwad la yidhaa "Conflict of Airspacee". Taas oo lagu caddaynayo in hawada Somalia iyo Somaliland la isku haysto oon wax diyarad ahi soo gali karin. Waa in aduunka loo bayaamiyo aanay Somaliland damanad qaadi karin Nabadgalyda Diyaaradaha soo gala hawada Somalia iyo Somaliland.

·      Waa In ay Somaliland diyaradaha ka hawl gala mandaqadda digniiin kama dambays ah siiso,  ayadoo iga digaysa inaan hawada Somaliland iyo Somalia la soo gali karin iydoon ogolaansho laga haysan Xukuumadaa Jamhuuriyadda Somaliland.

Jecliyaa jabkooda s0237.gif s0237.gif s0237.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

why is this such a big deal?

Two great threads in SOL republic from both sides.

Some countries make exceptions, since the risk is part of life.

Kurdistan in Iraq could not close their border with Iran since their food comes from there.

Americans and Canadians had to make risky arrangement since can't survive a day without each other.

Azebaijan and Armenia closed all borders with exception of Russia since they have diaspora in the millions with Russia.

On the other hand prevention is better than cure/help Somalia would get, therefore not taking the risk is affordable.

 

Over all its not the end of the Somali world on this issue.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

I don't agree in dib loo furo hawada Soomaaliya for two short days. However, if it helps fellow Soomaalis to return home, I have no problem. Laakiin waa in baaritaan lagu sameyaa dadkaas.

ETn_h6_XkAAf0Yr.jpeg

DF Soomaaliya oo hal sabab darteed dib ugu fasaxdsay duulimaadyada caalamiga

  Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda federaalka ayaa maanta si kumeel gaar ah dib ugu fasaxday duulimaadyada caalamiga ah ee keenaya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkooda ku soo laabanaya.

Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka wasaaradaasi, Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo ku taariikheysan maanta ayaa waxaa lagu sheegay in muddo labo maalin ah dib loo furay duulimaadyadaas, sababo la xariira cabasho ka timid muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xaniban garoomo kala duwan ee ku yaalla caalamka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale shaacisay in muwaadiniinta ka imaanaya dalalka uu ka jiro cudurka Coronavirus ay qaadan doonaan amarada wasaaradda caafimaadka dalka.

Sidoo kale qoraalkaan ayaa waxaa lagu sheegay in labo cisho kadib la joojin doono duulimaadyada caalamiga ah, illa 15-kii cisho ee uu horay u amartay dowladda dhexe.

Ugu dambeyn waxaa warqadda lagu sheegay in guud ahaan dalka aan la soo galin karin wax aan ka aheyn daawo ama raashin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Diyaarad ka duushay Muqdisho oo ka dagtay Hargeysa iyo xayiraadii Somaliland oo shaqeyn weyday

Madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal, ayaa waxa ka soo degtay diyaarad ka soo kacday magaalada Muqdisho, xili ay Xukuumada Somaliland ee Muuse Biixi ay shaacisay inay joojisay duulimaadyadaasi.
Somaliland ayaa dhowaan soo saartay go’aamo ay ku joojineyso duulimaadyada waddamo ay ku jirto Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, maadama ay ku doodo inay tahay dal madax banaan.
Hase yeeshee, sida ay ogaatay Caasimada Online, madaarka Hargeysa ayaa waxa ka soo dagtay maalintii Khamiistii Diyaarad ka timid Muqdisho, iyada oo aan la kulmin wax cadaadis ah oo uga imaanaya maamulka Madaarka Cigaal.

Maamulka Diyaarada African oo la hadlay Caasimada Online ayaa u xaqiijiyey in diyaaradu ay duulimaadkeedi caadiga ahaa ku timid Hargeysa, iyada oo siday Rakaab keliya oo aysan wax xamuul ah kasoo qaadin Muqdisho.

African Express ayaa aheyd diyaarada kaliya ee maalintii Khamiistii ka soo kacday magaalada Muqdisho, isla markaana kasoo degtay Madaarka Hargeysa iyada oo siday Rakaab badan.

Talaabadan ayaa wiiqeysa Go’aamadii ay Somaliland ku sheegtay inay ku joojisay duulimaadyada Muqdisho, maadama dhowaan ay dowladda federaalku shaacisay in Kiis la xiriira Coronaha laga helay gudaha caasimada.

Mana jirto wax war ah oo ay Xukuumada Somaliland kasoo saartay Diyaaradan ka timid Muqdisho ee ka soo degtay Madaarka Hargeysa, isla markaana jabisay amaradeedii xayiraad ee Muqdisho.

Waxaana xusid mudan in Dowladda federaalku aysan joojin duulimaadyada gobolada dalka, halka ay gebi ahaanba joojisay duulimaadyadii Caalamiga ahaa, midaasi oo sababtay in Diyaarado kasoo dagi lahaa Madaarka Hargeysa ay baaqsadaan, xili ay Somaliland shaacisay in Madaarkeedu u furan yahay wadamada qaar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

DF Soomaaliya oo ‘hawada ka celisay’ diyaarad ku sii jeeday Hargeysa

Warar soo baxaya oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay hawada ka celisay diyaarad ka timid dhinaca dalka Kenya, kuna sii jeeday garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Diyaaradda oo siday qaad fara badan oo ah nooca loo yaqaano Miirooga ayaa lagu soo warramayaa inay u rarneyd ganacsatado reer Somaliland, balse waxaa hawada ka celisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo heshay xog-ta diyaaraddaasi, inta aysan dagin.

Sida ay ogaatay Caasimada Online diyaaradda ayaa dib ugu laabtay dalka Kenya, waxaana ka degtay garoonka diyaaradaha ee Wajeer.

Sababta ay dowladda Soomaaliya dib ugu celisay diyaaradda ayaa la xiriirta sida la sheegay xayiraaradda weli saaran duulimaadyada ee ka dhashay cudurka Covid-19.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac iyo Kenyaba oo la xiriira diyaaraddaasi dib looga celiyey hawada Soomaaliya.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli maalmahan uu yaraaday Qaadkii Somaliland uga imaan jiray dhanka Ethiopia, sababo la xiriira qalalaasaha ka socda gudaha dalkaasi.

Si kastaba ha’ahaatee tallaabadan ayaa sii xumeyn karta xiisadda dhinaca hawada hawada ee Soomaaliya iyo Somaliland oo dhowaan ay wada-hadallo uga bilowdeen dalka Jabuuti.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.