Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

All Muqdisho schools closed

Recommended Posts

Since cudurkaan xun laga helay hal qof Xamar karantiil ku jiray, it is a cautious, necessary step of action to close regional schools in Banaadir for now.

Amarkii R/wasaare Khayre ee xirida goobaha waxbarashada oo dhaqan galay

Waxaa maanta inta badan magaalada Muqdisho ka dhaqan galay amarkii xalay ka soo baxay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ee ku aadanaa in la xiro goobaha waxbarashada, sababo ku aadan cudurka Coronavirus.

Xarumaha iskuulladda iyo kuwa Jaamacadaha ayaa maanta badi hirgaliyey amarkaasi, iyaga oo fasaxay ardayda, lana wadaagay fariinta ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ee aheyd in la xiro muddo illaa 15 cisho ah, si looga hortago faafinta cudurka Coronavirus.

Tallaabadaasi oo muhiim u ah xakameynta cudurkaan oo fara ba’an ku haya caalamka ayaa waxaa sidoo kale si aad ah u boggaadiyey dadka Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka ayaa horay u soo saartay amar lagu joojinayo duulimaadyada caalamiga ah ee ee garoonka Aadan Cadde, kaas oo caawa kadib dhaqan-gali doono.

Sidoo kale taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta hakiyey muddo 15 cisho ah howlaha waaxda faraha ee hay’adda CID oo bixisa warqadda dambi la’aanta.

Dhammaan tallaabooyinkaan ayaa qeyb ka ah qorshaha ay dowladda dhexe ee Soomaaliya uga hortageyso COVID19, iyadoo sidoo kale ku dhawaaqday inay u dooneysay la tacaalida cudurkan lacag gaareysa 5 milyan oo Doller-ka Mareykanka ah.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

This makes me smile. We must stop this virus because if we don't, it will complete destroy our people. We don't have the healthcare resources to reduce the impact. Many will die. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.