Sign in to follow this  
Daandurreey

horrifying story of rape, survival, waccelo and watching neighbors.

Recommended Posts

Dayniile.com Somalia's Rwanda. 1991 Mogadishu.

 

a shocking story about a 16 year old girl and her mukulaaal madoow (rapist dark-skinned moriyaan) story of 3 waccelo kids born out of wedlock, rape, murder and going insane and finally escaping by pretending to be selling tomatoes leaving her waccelo kids behind. all neighbors knew her captivity and watched and did nothing. it is very graphic so please be carful. oohin aa ku qabaneeso.

 

 

Qiso xanuun badan ... dhibaatooyinka loogaystay dumarka soomaaliyeed

----------------------------------------------

 

Qof waalidkeeda iyo walaalkeeda lagu hor dilay, hooyadeed-na lagu hor kufsaday , iyadiina afduub loo kaxeystay,caruur si sharci darro ah looga dhalay ( qiso xanuun badan).

 

Waayihii Colaada Soomaaliya (1991-1994) ayey qisadani ka dhacday degmada Xamarweyne ee Muqdisho.

 

 

Qeybta koowaad

 

Dhacdada 1-aad Bishii Agoosto ee sanadkii 1994-kii ayaan gaari ku kulanay gabar safar aheyd oo dooneysay in ay gaarto dalka Kenya iyadoo dooneysay in ay ka gududbto dhinaca Baardheere, hase yeeshee anigoo safarka gabadhaasi la wadaagay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo ayaan kala sheekeystay xaalad aan la yaabay ka dibna go’aansaday in yaabkaasi layla qeybsado, ka dibna markii aan Baydhabo gaarnay waxaan ku degnay isku guri, taas oo ii sahashay in aan gabadha ka wareystay waxa ku dhacay waxeyna iiga sheekeysay qiso layaab leh oo xasuus iyo xanuun badan.

 

Gabadhan oo aanan wax fasax uga heysan in aan magaceeda qoro, haatana aanan ogeyn meesha ay joogto darteed, magaceeda ma xusayo, laakiin sheekadeedii oo markii ay iiga sheekeysayba ii fasaxday in aan qori karo ayaan go’aansaday in aan qoro, waxey ku bilaabaysaa sidatan.

 

Waxaan ahaa 16 jir markii uu dagaalka ka qarxay magaaladda Muqdishu, waxaan ahaa gabar maqabiyo ah oo aan gurigooda ka soo bixin ilaa markii aan jirey 7 sano, waxaana ka koobneyn 6 caruur ah oo ila dhalatay iyo hooyo iyo aabe, reerkeena waa uu ladnaa oo waxaa lahaan jirnay dhawr dukaan oo ku kala yaaleen inta u dhaxeysa Ceelgaabta iyo Hotel 900 (Bar Noba Jante), ee agagaarka Masjidka Marwaas, markii ay dagaaladda dhaceen, oo dhibaatada badan loo geysanayey dadka aan beelahooda hubka heysan wuxuu qoyskeegii noqoday mid ka mid ah qoysaska dhibaatadii ugu balaarneyd loo geystay hadimada nasiibka u yeeshay.

 

Xilli galab ah ayaa waxaa gurigeena, oo ahaa sedax dabaq kuna yaalay agagaarka Koodka, noogu soo galeen koox maleeshiyo ah oo ka kooban ilaa 10 qofood, waxey irrida banaankeeda ka soo bilaabeen in ay xabado guriga ku soo ridaan, dhinacyadana waxey u ridayeen xabado kale, Ilaahooow Na Badaadi, waxaan na soo wajahday cabsi tii ugu darneed, waxaan galnay welwelkii ugu weynaa adduunka, maleeshiyadii 5 ka mid ah ayaa markiiba guriga horey u soo galeen, 5 tii kalana banaanka ayey ku sugaayeen si ay difaac ugu sameeyaan kuwa guriga soo galay, ugu horeyn waxey baas ku fureen walaalkeyga oo ahaa da’da kaliya oo iga weyn, curadka aabeheey ahaa, balse aysan hooyadeey dhalin, si xun ayey u dhaawaceen isagoo dhiig baxaaya ayuu kushiinka aktiisa ku rafanayaa, ka dibna hooyadey ayaa naxdin dhulka a dhacday, waana isku dhax yaacday waxey shegeyso iyo wax kale ayeyna ku wareertay.

 

Kooxdii waxey qori baadkiisa ku garaaceen aabe, waxeyna waydiiyeen inuu sheego meesha lacagta keydka iyo dahabka ugu jiraan, aabe si uu naftiisa u badbaadiyo ayuu u sheegay meelihii wax keyd ah noogu jireen oo dhan, waloow ay tuugadaasi arxanka darnaa ay aabeheey ka qaateen dhamaanba furayaashii, ka dibna gurigii oo dhan faagteen dhaceenna in ka badan $60,000 Kaasha ah iyo dahab kiilaad ah, hadana kuma aysan qancin oo waxey aabe ku cadaadiyeen inuu sheego lacag iyo dahab kale, markii uu u sheegay in aysan jirin meel ay wax lacag ama dahab ah ugu jiraanna waxey ku yiraahdeen Ashahaado, markii uu ashahaatayna ………oohin ………oohin …… waa ay dileen, waxey xabada kaga dhufteen wejiga iyo caloosha, ka dibna isagoo rafanaayo ayey ka dhaqaaqeen anigiina I kaxeesteen.

 

Inta ay qeyb tuugada ka mid ah ay dilayeen aabaheey, qaar kale waxey faraxumeyn ugu dhaqaaqeen hooyadeey, anigiina inta indhaha garbasaar aan watay la iiga xiray ayaa lay saaray gaarigii ay tuugada saarnaayeen oo hoos yaalay, waxeyna ii sheegeen in aanan hadli Karin, hadii aan ooyana ay i dilayaan, ………oohin………qof waalidkiisa la dilay, walaakiis la dilay, hooyadii hortiisa lagu faraxumeynayo isagana afduub gaari loo saartay sababta uu u oyn waayo anigu ma garaneyn, laakiin oohintii oo aan ceshan waayey darted waa yara miir beelay, waxaana ku dhacay gaarigii sagxadiisa.

 

Dhamaanba dadka deriska ah waa ay ogaayeen waxa nagu dhacaya, mana jirin qof wax gurmad ah noo sameeyay, waloow ay jireen dad ka xun waxa nagu dhacaya, hadana nooma aysan arwaaxi Karin……Ooohin……Oohin……Ilaah baa arxan ku filan.

 

Aniga sidii la ii waday waxaa lay geeyey guri weyn oo meel walba ay ka fadhiyaan tuugadda loo yaqaano ********ta, waxaana la ii sheegay in saacadaas laga bilaabo aan afduubanahay, xitaa ma fahmi Karin waxa loola jeedo Afduub, waayo Af Soomaaligaba dhib ayuu igu ahaa, waayo maqabiyo aan dadka la sheekeysan oo keligeed qol ku jirta ayaan ahaa.

 

Markii gurigii lay keenay, waxaa bilaabatay shuuxshuux iyo in faraha laygu soo taagtaago, qaar aa bilaabeen in ay dhahaan (Caawo Gaal aa god iigu jiree garuun haleykeeno) waxaa la is weydiinayaa goorta kawaanka la I saarayo, dabley kasta wuxuu jeclaan lahaa in mar uun uu maqlo waa la kufsanayaa si feelka dhiniciisa uga soo galo, laakiin ninkii kooxdaasi tuugada madaxa u ahaa ee aahabeey dilay, hooyadeey soo faraxumeeyey wuxuu go’aansaday inuu keligiis i heysto oo nimanka kale aysan ii soo dhowaan.

 

Habeenkii ugu horeysay ee aan ka walwalsanaa sida xaaladeyda noqoneyso iyo waxa ay reerkeyga ku sugan yihiin, meeydkii aabaheey meesha lagu aasay, walaalkey inuu dhintay iyo inkale, hooyadeey waxa gaaray, ayaa anigiina waxaan wajahay dhibaato weyn, balse waan is diyaariyey oo waxaan niyeystay in aan wajihi doono, kufsi iyo dil.

 

Ninkii madaxa tuugada ahaa wuxuu meel dhigtay derin, wuxuuan so oak dhigtay bac ay ku jiraan caws badan, wuxuuna igu yiri kaalay, markii aan u tagayna wuxuu ii sheegay in aan xaaskiisa ahay, hadaan diidana uu i dili doono, isla habeenkii ayuuna wuxuu igu amray in cawska oo ahaa Jaad uu cunaayey aan afka u gelgeliyo.

Hadalka ugu yaabka badnaa ee uu habeenkaas I dhahay wuxuu ahaa “Waan geerasheeynaa” aniguse maba aqoonin waxa uu ula jeeday, in aan fahmi karina isaga wuu ogaa, intuu igu qoslay ayuu I dhahay hadaadan garaneyn waa lagu baraa.

 

Aniga Jaadka waan la yaabanaa, waxaana is dhahay dadkaan waa reer baadiyeyaal waxey cunaayaan cawska sidii xoolihii, laakiin maba dareensaneyn in jaadka uu yahay wax lacag badan laga soo bixiyo oo suuqa lagu gado.

 

Isla habeenkii ayaa waxaa ii bilaabatay noloshii ugu mugdiga badneyd oo adduunkaan uu ku soo maro qof bani’aadam ah, hase yeeshee wax walba amar Ilaaheey ayey ku dhacaane, waan wajahay, waayo ma lihi awood ka weyn in wixii sameey lay dhaho aan sameeyo.

 

Nolosheyda waxey soo martay dhawr weji oo aad u xanuun badan.

 

Qeybta labaad

 

Iyadoo ay dhibaatadaasi jirto ayaa waxaa dhacday inuu bilaawday dagaalkii afarta bilood, markii uu dagaalkaasi socday muddo bil ah ayuu ninkii I heystay uu taabsaday guri ay ka qaxeen dadkii lahaa oo gogoshiisa iyo alaabooyinkiisa yaalaan, ka dibna wuxuu i geeyey gurigii, wuxuuna ii sheegay in xaaskiisa aan ahay, meeshii ayaana ku dhalay wiilkeyga curadka ah ee aan meherka ku dhalan balse uu aabihii joogo.

 

Inta aan umusha ku jirey ayuu ninkii maalin maalmaha ka mid ah wuxuu guriga keenay qeyb ka mid ah dahabkii hooyadeey, wuxuuna ii sheegay inuu aniga ii soo gaday, aniga dahabka waan aqaanaa inuu keenii yahay, laakiin isaga sida uu marba reer u dhacaayey wixii ayaa isaga qasmay oo maba kala oga sida ay kala yihiin.

 

Dahabkaasi neef weyn ayuu iga keenay oo intaan qeyb ka mid ah iibiyey ayaan markii uu guriga ka maqan yahay ku soo gadan jirey rooti iyo moos iyo wax la mid ah si aan wax xalaal ah u arko, oo dhuunteyda u maraan wax uun xalaalnimadooda aan ogahay.

 

Habeen walba ninka wuxuu iiga sheekeyn jirey inta dhibaato oo uu soo geystay, wuxuu iiga sheekeyn jirey sida ay dadka u dilaan, sida ay wax u dhacaan, iyo sida ay u wiideestaan wax ay dhacayaan iyo dadka ay afduubaan, anigase shidada I heysay qeyb ka mid ah uun bey ii aheyd arrinta uu iiga sheekeynayo habeen walba, mar walbana waxaan filanaayey in saacadaha soo socda mid ka mid ah uu I dili doono.

 

Inta aan xaaska guriga joogo ahaa, waxaa damcay in aan raadiyo xaaladda reeraheena, laakiin intuu dareemay ayuu I saaray cadaadis badan, la iima ogoleyn in aan guriga ka baxo oo markii uu guriga ka baxaayo wuxuu igu xiri jirey silsilad weyn deriska wuxuu ugu sheekeyn jirey in aan ahay naag saaqidad ah oo isaga diideysa uuna aabaheey igu daray, anigiina dadka waxba uma sheegi karo oo isagii ayaan ka baqayaa oo ii ogoleyn in aan qof la hadlo, haduu I mehersan lahaa waxaa ii sahlanaan laheyd in aan isaga la hadlo oo derbiga nagu hor gudban ee cadaawada ah aan ka talaabo, laakiin nin og inuu afduub igu heysto hadaan ku dayo jiljileec wuxuu u fahmi karaa inaan qorshe damacsanahay sidaas ayuuna igu dili karaa, deriska oo dhan wuxuu ii tusay in aan qof xun ahay, isagiina way yaqaanaan inuu yahay ******** weyn oo Allow imooti lagu ak maro……oohin……oohin.

 

Sidaas anoo ku jira ayaan ku dhalay sedax caruur ah oo mid tahay gabar, labana yihiin wiilal, welina ninkaasi ma go’aansan inuu marna i soo mehersado, reerihiisana gurigeyga ma imaan jirin oo aabihiis wuu dhintay, Hooyadii gobal kale ayey ku nooleyd, walaalihiisana sida uu igu heystay ayeyba raali uga ahaayeen oo maba ii dhaami jirin isaga isku feker ayey ka ahaayeen arrimaheyga, noloshaasna waxey aheyd mid aan la qabsaday oo aan ku dulqaatay in badan go’aansadayna in aan isaga jiro inta uu Ilaah faraj qeyr leh iiga furaayo.

 

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa ninkeyga Xaaraanta ………oohin…… oohin…… isagoo wata kooxdiisa ma naxayaasha wuxuu weerar ku qaaday gawaari jaad siday si ay u dhacaan, gawaaridii waa ay dabsaareen, waxey ku dileen ilaa 8 qofood oo haween dan yar ah u badan, haseyeeshee ilaa in muddo ah uma aysan suuro galin in gawaarida dhacaan oo maleeshiyooyin jaadkaasi galbinayey ayaa iska difaacayey.

 

Waloow tuugadii ninkeyga ay ku guuleysteen in ay soo dhacaan hal gaari oo jaad ah, hadana waxaa laga soo diley laba maleeshiyadii ka mid ah, jaadkii la soo dhacayna waxaa la keenay gurigii aan deganaa, sidii ayeyna damaashaad ku bilaabeen oo jaadkii qeybna guriga qol ka mid ah jawaanadiisa kula raseeyeen, qaarna intay la soo baxeen ayey cunis ku bilaabeen.

 

Qeybta Sadaxaad.

 

Nolosha qaraarka iyo macaanta isku darsatay waxey igu aheyd markii anigoo ninkeygii xoogga igu heystay afka jaadkii uu soo dhacay u gelgelinaayo nalagu soo weeraray gurigii aan deganeyn, waxaa na soo weerareen kooxo hubeysan oo jaadkii laga soo dhacay daba socda, dhinac walba gurigii aan ku noolaa waxaa kaga soo bilaabatay rasaas ka soo dhaceysay qoryaha nooca fudud iyo kuwa waaweyn ee darandooriga u dhaca.

 

Markii ay rasaasta is qabsatay, waxaa soo xasuustay maalintii lay soo afduubaayey, taroomadii ayaa igu soo kacday, cadaabta adduunka ayaan dareemay, waxaan ku sigtay in aan waasho, mar qaylo ayaan bilaabaa, hadana waan aamusaa oo ninkeygii iheystay oo dagaal ku jira in aan ku qayliyana waxaan ka baqayaa inuu intuu igu xanaaqo i dilo.

 

Waxaan bilaabay in marba caruurta mid ka mid ah guriga dhaxdiisa kula carcararo, ugu dambeytii waxaa yara qabowday rasaastii, waxaana arkay iyadoo kooxo hubeysan oo aanan aqoon u laheyn ay gurigii soo galayaan, waxaan ogaaday in dhamaanba 14 istaafka ahaa ee guriga joogeen ee ninkeyga saaxiibadiisa ahaayeen intoodii badneydna la dilay qaarna iyagoo dhaawac ah ay banaabka guriga iyo gudahaba yaalaan, qoryihiina laga wada qaatay.

 

Waxaa guriga daaradiisa loogu soo galay ninkeygii aan la heystaha u ahaa oo isagiina markey rasaastii ka dhamaatay qoriga intuu sariirta hoosteeda ku tuuray doonaya inuu iska dhigo inuusan dagaalameyn, si uu isu badbaadiyo, laakiin waxaan lagu amray inuu gacmaha kor u taago soona baxo banaanka.

Nimankii hubeysnaa oo aad u careysnaa waxey ninkeyga waydiiyeen inuu sheego meesha uu geeyey jaadkii, isagoo aad baari u ah ayuu tusay meeshii ay jaadkii ku xareeyeen, dhawr jawaan oo jaadka ahna horey ayeyba u cuneen.

 

Markii jaadkii lagala wareegay ayaa haddana laga qaatay dhamaanba wixii qoryo ahaa ee guriga yaalay oo ay ka mid ahaayeen 2 dabajeex iyo 13 kuwa yaryar ah, ka dibna nimankii waxey bilaabeen in ay dhameytiraan qaar ka mid ah maleeshiyooyinkii dhaawaca ahaa oo cabaadayeen, ugu dambeyntii inta aysan gawaaridoodii fuulin ayey ninkeygii ku dhufteen xabado aad u badan, horteydii ayey ku dileen, waxeyna igu yiraahdeen “haduu in badan kaa qosolsiiyey manta ku dul ooy”.

Anigii waxaan bilaabay in aan ku dul baroorto, waa cusub ayaa igu baryey oo maba jirin qof aan isaga aheyn oo aan aqaano, muddo afar sano oo aan laheyste u ahaa isagaan bartay oo uun kale isma arkin, marmar in aan naagtiisa oo run ah ahay ayaan u maleyn jirey, waxaase nasiib iyo nasiib daro is biirsaday ahaa in meydkiisa lay hor dhigay oo sidii uu aabahey iigu hor dilay isagiina la iigu hor dilay ……oohin…oohin.

 

Mar waxaan ku farxay inuu Ilaah ninkii aabahey igu hordilay i tusay isagoo horteyda lagu dilaayo oo waxaan ku farxay inuu Ilaah faraj ii furayo, waayo dhibaato kasta oo igaartay isagaa ka masuul ahaa, marna waan murugooday oo meel aan u ciirsi doonto ma aqaano oo xitaa deris ii garaabayo ma jiro oo waxaa la ii arkaa naag iskiifo ah ********ta la nooleyd, guri dad leeyahay xoog ku deganeyd, mugdi hor leh ayaa i hareeyey, meel aan talo ka bilaabo ayaanan garaneyn maahee farxad iima taalo ninka aktiisa, noloshii fasahaadka ayaa soo afjarmeysay, hase yeeshee dilkiisa xitaa hadaan ku farxay wuxuu ii ahaa “meeshii cir laga filaayey ayey ceeryaamo iiga timid” oo meel aan talo ka bilaabo ma aqoonin.

 

Markii kooxdii ninka dishay ee intii maleeshiyo aheyd ee guriga joogtayna dhameysay ay naga tageen waxaa gurigii yimaadeen kooxo kale oo gurmad u ahaa ninkaan la heystaha u ahaa iyo ********tiisa la laayey.

 

Iyagiina waxey aruuriyeen meedadkii, waxey qaadeen dhaawicii isbitaal ayey geeyeen, gurigii waxaa uu noqday meel qof iyo qori ah oo ay isugu soo uruureen qoladii geesigoodii dilaaga ahaa laga dilay.

 

In badan oo asxaabta ninka ahaa waa ogaayeen inuusan I qabin oo uu xoog igu heysto, waloow ay ku feker ahaayeen oo aysan weligood dhihin gabadhaan islaameed iska fasax ama meherso, markii uu dhintayna kuwa gurmadka soo sameeyey ayey ka mid ahaayeen, waxaan ka baqay in ay I soo damcaan oo ay dhibaato hor leh igu dhacdo dhimashadiisa ka dib.

 

Mabeenkii waan fekeray, inta ay dadka ku mashquulsanaayeen tacsida ayaan waxaan is weydiiyey dhawr su’aalood.

 

Waxaan is dhahay MASHEEGTAA OO MA DHAHDAA HEBEL IMA QABINE XOOG AYUU IGU HEYSTAY, hadana waxaan is dhahay dadkaan careysan hadaad warkaas la hor timaado qof dhimashadiisa ku faraxsan ayey kaa dhigayaan waana ku dilaayaan.

 

Hadana waxaan is weydiiyey SIDEED NAFSADAADA UGA BADBAADISAA DHIBAATO KALE OO KU TIMAADA, ka dib waxaan go’aansaday in aan iska dhigo marwo la qabay oo dhaho Hebel waan is qabnay, waxaan is mehersanay markii uurkii cunugii ugu horeeyey aan qaaday, si aan u qiro in markii hore xoog laygu keenay ka dibna lay mehersaday oo aan marwo noqday, sidaasna assaay been ah ku qaado, TABTA keliya ee aan u dareemay in aan kaga badbaadi karo in aan ******** kale gacantiisa galo ayaa taas noqotay.

 

Subixii dambe ee meydadkii la aasayey ayaa odey reerkii ninka ka mid ahaa I weydiiyey gurigaan yaa lahaa, waan u sheegay dad ka cararay ayaa lahaa ayaan dhahay, ka dibna waxaa lay dhahay hantida dhax taala ee alaabooyinka ka mid yihiina? Waxaan ku jawaabay isla reerkii guriga ka cararay ayaa lahaayeen.

Intaas ka dib waxaa la go’aamiyey in gurigaas layga raro, biilna meel la ii saaro inta aan asaayga wado, sidii ayaan ku noqday marwo assaay reer u sida oo la yara tixgelinaayo.

 

Biil ayaa meel la ii saaray, waxaana maalin walba u tagaa dhalinyaro meel jid ah fadhida oo baabuurta lacag ka aruurineysa, aniga waxaan u heystay wax caadi ah, laakiin maalin baa anoo lacagtii meesha ku sugaaya waxaa arkay odey adeerkey ah oo jidka maraaya, adeerkey waa uu naxay markii uu i arkay, waxaan dhahay adeer, ka dibna wuxuu i dhahay adeerkaa ma ihi, waan isu eknahay adeerkaa.

 

Aniga waxaa isku dayayaa in aan la hadlo, oo waa maalintii iigu horeysay oo indhaheyga ay arkaan qof ehelkeyga ah tan iyo markii lay soo qafaashay, waxaana rabaa in aan adeer wareysto oo reerihii warkoodii ka helo isaga wuxuu isleeyahay naagtaan isbaarada taagan armey ku shirqooshaa, nimanka aan la taaganahay oo uu ogyahay wixii ay nagu dhigeen ayuuba igaaga xanaaqsan yahay.

 

Adeerkey waa iga orday, laakiin kama aanan harin, ugu dambeyntii waxaan daba socday ilaa meel dheer oo aan aheyn jidkii ay dhalinyarada lacagta aruurineysa aan biilka kaga soo doonan jirey ayaan sidaan u baryaayey ……oohin ……uu ugu dambeyntii ii istaagay, waan isku duubay, waan ku ooyey, ka dibna waxaan u sheegay xaalkeyga iyo nolosha aan ku jiro, adeerkey waa shakiyey geesaha ayuu iska eegeegay, wuxuu arkay wiil la dhashay ninkii iga dhintay oo marka aan biilka soo doonanaayo I soo raaci jirey, ka dibna wuxuu igu dhahay ninkaas maxaa waaye, waxaan dhahay waa kuwa I heystaan, ka dibna wuxuu I dhahay bax beri inta iigu imaaw isagoo aan qof kula jirin, markaas ayaan kuu waramaa.

 

Maalintii kale markii aan adeer arkay ayuu ii sheegay in aabe uu dhintay, hooyo ay xanuusatay, walaalkey dhaawicii muddo ka dib u dhintay, reerkiina loo raray Yaman.

 

Anigana waxaan uga sheekeeyey xaalkeyga, ka dibna waxaan ku balanay in aan mar walba kulano, si aan uga sheekeysano wax badan, waxaana ku balanay inuu gurigiisa I soo tuso si aan marmar dhuumasho ugu tago oo xaalada reeraha ula socdo.

 

Adeerkey maalin maalmaha ka mid ah wuxuu I weydiiyey sida aan ugu dhaxjiro noloshan baas ee shidada badan, wuxuuna I dhahay isbaaro biilkeeda sideed u qaadaneysaa, isbaaro waxa loola jeedo isagaa i fahamsiiyey ……oohin…… ka dibna wuxuu i dhahay sideed jeceshahy oo aan kuu sameeyaa?

 

Adeer waxaan ka codsaday inuu ii diro meeshii ay hooyadeey joogto, waxaana isla garanay in aan si la igu fahmeyn u baxo oo aanan si bareer ah u bixin, sitaas aan u dhaqan geliyana waxaan ku heshiinay in reerkii caruurtooda aan haayey aan ka dhaadhiciyo in aan shaqeysanaayo oo qudaareey noqonaayo si aan u helo jaanis aan ku safri karo.

 

Adeer hooyadeey ayuu taar ka wacay, wuxuu u sheegay inuu i helay, iyadiina farxad ayey gashay, sidii ayaana la isku afgartay in aan ku fakado si xeeladeysan.

 

 

Qeybta afaraad.

 

Arrintii iigu adkeyd go’aan ka gaaristeeda.

 

Waxa iigu yaabka badnaa in aan go’aan ka gaaro waxey noqdeen caruurtii aan dhalay.

 

Marka koowaad sharci kuma dhalin, oo waxaan ku dhalay si qasab ah oo aan meher sharci ahna loo soo marin.

 

Marka labaad ninkii aabaheey horteya ku dilay, hantideenii dhacay, walaalkey dilay, hooyadeey faraxumeeyey ayaa iga dhalay oo meel ay gurigeena ka soo galaan maba jirto.

 

Waxaan mar ku fekeray in gabadha oo ugu yareyd qaato, hadana waxaa soo xasuustay dhibaatadii loo geystay reerkeyga iyo in ilmahaba ay yihiin qeyb dhibaatadda la ii geystay ka mid ah oo reerkeenii ay ku ridi karaan cuqdo nafsi aan weligood ka hareyn, waxaan is dhahay adeer makala tashataa, hadana waxaan is dhahay *****adii ninkii xooga ku heystay oo ka dhalay ayey rajo kaleedahay amuu is dhahaa oo kugu xanaaqaa.

 

Ugu dambeyn waxaan isku cadaadiyey in aan ……oohin……oohin…niyadda ka goosto oo aan isaga tago oo dib dambena u sheegan in aan aniga dhalay, mar xitaa waxaan isku dulmiyey in aan subaxa aan dhuuman doono habeenkeeda sun siiyo dhamaantood, hadana waxaan ka baqay inuu Ilaah aakhiro dhiigooda ii qabsado.

 

Ugu dambeyntii waxaan go’aansaday in aan ilmaha ka tago markii aan go’aansado in aan baxo, ka dibna sidii ayaa waxaan ku bilaabay qudaar iibis, igamana aheyn in aan wax ka faa’iido ee waxey iga aheyd in aan jawiga ku fahmo si aan u bixi karo.

 

Hadda waan soo fakaday, waxaan u socdaa Kenya, ka dibna Mombasa ayaan rabaa in aan doon ka raaco oo aan ku tagaayo Yaman, caruurtaasna hadii ay weynaadaan iyo hadii kaleba waxaan ku soo dhaafay gabar booyeeso ah oo aan dhahay qudaar ayaan doonaaye sii haay, hadeey dooneyso haka tagto ……oohin ……oohin…hadii kalana ha heysato aniga jirkeygii qeyb ka mid ah oo hadana aanan noloshoodii farxad ku qabin waaye, aduunkase in aan isku aragno ma jecli oo ilaah waxaan ka tuugayaa inuusan nolol igu tusin caruurtaas, ilaah hana kala qariyo ……oohin……oohin.

 

Gabadhani waa gabar aad u qurux badan, laakiin ay ka muuqato in ay soo martay dhibaato badan, xasuus xanuun badanna gocaneysay, inta aan kala sheekeysanayey waxa ku dhacayna waa ay ooyneysay, aniga xitaa intaan is heyn waayey ayaan yara dabcay oo illin ka masaxay isheyda, hadana waxaan sheekadan u soo bandhigayaa in lagu waano qaato oo laga hortago taariikhda soo socota hadii ay shacabka soo wajahdo masiibo la mid ah tii dhacday 1991-kii ee reebtay waayahani xanuunka badan iyo walbahaarka nololedka ee gabadhan.

 

DAYNIILE.COM

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this