Sign in to follow this  
biG mOm

Maxad ka xasuusataa Maah Maahyada Somalida ?!

Recommended Posts

biG mOm   

Assalaama calaykum Warahmtullaahi wabarakaatu

 

hallow there, how is everybody doing,,, today i'm going to share with you some Somali Proverbs And Ideoms "maah maahyo" if you remember some of them share with us plz..

 

-miro geed saaran kuwa guntaada ku jiro looma daadiyo

-dad iyo duurba waxaadan filayn baa ka yimaado

-waayeel tag lama yiraahdo wuxuu ku tagaaala la tusaaa

-gacmo is dhaafaa gacal ku jiraaa

-saxan saxan ku gud saana saan ku gooy

-qabri iyo nin loo wado lama kala qariyo

-intaadan falin ka fiirso

-adoo hergeli waaye malaguu soo hoyday

-xoolo rageed feero ka tirsan farana ka xisaaban

-run iyo ilkaba waa la cadeeyaa

-runta ragg kama nixiso

-gurbaan gacalkaa hakuu haayo ama garabkaaag hakuugu jiro

-fardo la isku haayo la isagu ma faano

-nabaraa filaysay naxdin maleh

-is ma hurtooy ha is haleeyn

-balaayo kaa jedo la isku ma soo jeediyo

-falaari gilgilasho kaaga ma harto

-waano abuurisaa ka horeeysay

-hubsiino halbaa la siistaa

-dagdagsiinyo door ma dhasho

-faraha badan fuudkeey xaraareeyaan

-islaan fadhiso lagdani la fudud

-waxaad qarsataa waa ku qarsadaan

-dhalinyaro inteey geed ka boodeey talana ka boodaa

-tagto timaadaa ka roon

-waa yeel waa wada indho

-hadii guuleheey ku daayo gu' baan ku dayn

-nin gu kaa wayn garaad buu ku dheeryahay

-jacayl iyo qufac ma qarsoomaan

-dariskaada diintiisuu kuu yeelaa

-facaa wuxuu falo fal feerba hakaa jabtee

-ninkaad sirtiisa rabto saaxiibkiisaa la fiiriyaaa

-nin ku aaminay ha qayaanin waloow kaana kufaar

-musaagur maskiin waloow kaana suldaan

-naag u sabar ama ka sabar

 

-Dhallin dhafoorkeey ku taal

-Dhib dabadii bay dheefi timaad

-Dhubuq-dhubuq hore dhabannohays dambeey leedahay

-Meel hoo u baahan hadal wax kama taro

-Majo dhooqo mid mid baa loogala baxaa

-Mukulaal mininkeeda joogto miciyo libaaxeey leedahay

-Meelba seey tahaa loola yaal

-Ratiga dambe ratiga hore saanqaadkiisuu leeyahay

-Rag is faanshay waa ri' is nuugtay

-Rajo reer laguma dhaqo

-Salaadaan la gaarin lama tukado

-Silac ku nooloow sodon-guursi baa dhaanta

-Samirku sibir waa ka qaraar yahay, sonkorse wuu ka macaan yahay

-Ama talo keen noqo ama talo raac noqo.

-Markaan tabarta hayey talo maanan heyn, maantoon talo hayana tabar ma hayo.

-Hadaan lakala roonaan roob ma da'o.

-Weysha qowrac dibiga ha ku quus qaatee.

-Labo qaawani isma qaado.

-Duul kaa badan iyo biyo kaa badan weey ku haftaan.

-Sir ma qabe alaa u sahan baxsha

 

-Aadme la aragyaaba, dhib la arag.

 

-Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar

 

-Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa.

 

-Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa.

 

-Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa.

 

-Abuur iyo waano abuur baa horreysey

 

-Adduun i khatal.

 

-Adhi magantii ma barriiyo.

 

-Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.

 

-Aduun wey ki amoodeey ugaaw???

 

-Af-ka nool abooto mudac.

 

-Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo' ha ku daaqdo.

 

-Af Daboolan, Dahab waaye.

 

-Af hadlaaba aamus.

 

-Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa

 

-Af waa kane, maxaa lagu aamaa

 

-Af wax cunay xishoo

 

-Alla aamin ma iisho

 

-Alle watow wehel uma baahna

 

-Allow aqoon xumo hannagu caabin eexona hannooga tegin

 

-Allow nin aan wax ogayn ha cadaabin.

 

-Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe

 

-Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay.

- Garri labo nin kama wadda qosliso

-Nin qowlkiisuu hadlaa qorina qiiqiisuu baxaa

-Nin ilko waa weyn haduu dhinto inuu qoslayaa lamoodaa

-Haddal nina si u dheh nina si u qaaday

-Geel jire geela waa wadda jirtaa waana kala jirtaa

-fartaada oo xumaada filfiliq kaagama harto.

-Far iyo meel buktaa is og.

-caano aan fiiqsi loo cabi iyo hadal aan fiirsi loo odhan feerahay waxyeelaan.

-Talo adiga ayaa ku nool ee iyada kuguma noola.

-Haddii talo waalid la yeeli lahaa, hal waraabe ma dilen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

BigMom:

 

 

-Cimrigaaga raagey geel dhalaa aas ku tusaa (this must be one of the top three of somali maah-maah)

 

-Sidaan kuugu lisay iiguma aadan hambeeynin

 

-Luuq luuq maroow laasim laami aa ka dambeeya

 

-Canjeero sidii aay u kala horeeyso ayaa loo kalam qaadanaya

 

-Nin caqliga uu ku yaryahay markii geel loo heeso buu goryo u heesaa

 

-Dumar beena waa lagu soo xerigeliyaa runna waa lagu dhaqaa

 

-Tallo walaal diiidow tafahuu ka jabaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Iffah   

These are my favs:

 

Ceeb looma dhinto, cara lalama qarxo, cayna looma dhaawacmo

 

Kibir waa lagu kufaa (I really like this one...hence my sig)

 

Saddex looma adkeysto: Gaajo guri og, gardarro garab og, iyo cudur geeri og

 

Soomaalidu waxay casarkii kugu aragtay cishihii kugu caydaa.

 

Beentaada hore, runtaada dambey dishaa.

 

Barasho horteed dad ha nicin

 

Alle watow wehel uma baahna.

 

Afar waa afar:

Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
biG mOm   

Asalaama Calaykum Warahmatullaahi Wabarakaatu

 

looooool ! L_S, maah maah waaye nooh! it means ilkaha ma qarsomi karaan, Got IT ;)

Ent* nuune, & Ilhaam Nice pieces realy! take care all, wasalaama calaykum

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Ani maah-maahyada Xamariga aan ka helaa. Easy. Simple. And down-to-earth.

 

Abkeey dooli diloow, dad nool maas u daahaa. :D

 

Geedkii doon noqonaaya dubkiisaa laga kasaa.

 

Sagaaro miirkeed qabto masaajid eeylo ma gasho.

 

Dooro qeylisay Diiq aas ka dambeeyo. :D Of course, maxaa kale ka danbeen lahaa. Masaa???

 

I jiid ama haku jiido, gacmo daalis lee maahinoo. :cool: How true!

 

Jug jug meeshaada lee joog.

 

Af caytamay ninkiis aas ku yalaa.

 

Fara ka ciyaar, daba ka ciyaar lee ka danbeyso.

 

Xamar xisaab, Xarar Dheere xoog. :D

 

Muryo cunoow macno malehee maroorkii aas xaari lahaa aas ku dhib qabaa.

 

Amar Dowlo mudeec, ninkii diido dabaal. :D:D Will maryooleey ever understand that???

 

Jeesto ma jabto, ninkeeda aas jabo.

________________

 

Macsalaama!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
biG mOm   

loooooooool

 

MMA very funny ,, Sagaaro miirkeed qabto masjid eeylo ma gasho , hahahaha I never heard it, walaahi waa iga qosol siisay,

Share this post


Link to post
Share on other sites
proudson   

xamar xisaabaa loodagay

 

nin isamaanay waa ri'isnuugtay

 

doqon rageed iyo doon ari midna gurigaada lamabaro.

 

somali been waasheegtaa beense ma'maahmaahdo.

 

nin dhintay kabihiisaa karoon.

 

naag ninkii dhabaa nabigeeda eh.

 

axmaariyo dameeraba dariskooday cunaan.

 

rag hakuukarta waa yeelaa hasa kuuqabawdo mayeelo.

 

naag ninkii gacan u goglo gacandhay ugogaahaa.

 

naag laba ninleh noolaatay.

 

***** fadhido lagdin lafutut.

 

aabow kaweeynaan iska celin kayar iga cele.

 

jiis jana magalo.

 

***** jano magash.

 

nab iyo naag waa lagu naar galo.

 

walaashaa iskuma hubtidi seedigaa ha'iskuxumaynin.

 

walaashaa qabe waakusigay.

 

awrba awrka kahoreeyo saanqaadkiisuu leeyahy.

 

kabtaada iyo diintaadaba waa lagujiraa.

 

guumays keedkeet ka'fure kabadhiisuu ku'xiray.

 

waynaato lamaguursado, waadi lama harsado, warna lamasiico.

 

dhar reemagaa wayfududahay si lagu xirto dhal reermagaalse si lagunoqdo wayadagtahay.

 

nin gu'kaa weeyn gubaas kaaweyn.

 

ninkii soo joog lagawaayo soo seexaa laga helaa.

 

meel il lagalayahay hadaad tagtit ilbaa laiska tiraa.

 

dantaada maqaar aybaa luugu seexdaa.

 

maqaar ay iiga kac mooyeen igadurug malaha.

 

tabcadaa ma'tuugoobo.

 

naagtaada waa maradaada.

 

magaalo kamcay kugudisheey qaabtaa ee gamceey kugusooqabsato malaha.

 

aqoon la'aan waa iftiin la'aan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

asalaama alaykum warahmtullahi wabarakatu

 

1- hasha labada geed jecel dhexdoodaa waraabe ku cunaa

2-banaankiis mare goodkiisa geed ma qabsado

3-muufo sideey u kala koreysaa loo qaataa

4-ninkii seexdo siciis dibi dhalaa

5-gabar guri hakaaga jirto ama god

6-nin fadhigaaga u jeedo looma sara joogsado

7-xabaal ma socotee ninkiisa socda

8-geel geel wado iyo nin ay naagi wado midna kaama leexdaan

9-laba kala bariday kala war la'

10-Afeef hore lahoow ama adkeysi danbe lahoow

11- woowga quraan iyo waa baryay kee badan?

 

I'll post it later the rest insha allaah.. have a good time,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Macalin   

Walle ppl know some maah maahs...me makasaaya a whole load em..but heres my favs

 

Laafyo aan taada ahayn waa laba geed dhexdood! (yacni isyeel yeel aint gonna last!)

 

Thas all!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this