Tillamook

Federal Republic of Somalia: Election update

Recommended Posts

Since you'all have the same opinions and general views, designate one moron to do the talking. The rest of you can predictably hit like or add emotive emojis. I don't want to feel like I am talking to the same person with usernames. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gud. Mursal Oo Sheegay Inay Kalsoonidii Kala Noqdeen Xukuumadii Xasan Cali Khayre

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay xukuumada Soomaaliya ee uu hogaamiyo raisul wasaare Xasan Cali Khayre ku fashilantay hanaanka doorasho ee qof iyo cod, maqaamka caasimada, dhamaystirka dastuurka iyo hirgelinta axsaabta siyaasadeed.

Mursal ayaa sheegay in dowladu ku guuldaraysatay inay keento ciidamo hanta amniga guud ee dalka, isla markaana maanta cod u qaadeen kala noqoshada kalsoonida xukuumada hadda jirta ee xasan cali kheyre, waxaa oggolaatay 170 waxaana diiday 8 xildhibaan cidna kama aamusin.

Ugu dambayn gudoomiye Mursal ayaa madaxweyne Farmaajo ka codsaday inuu soo magacaabo raisul wasaare cusub oo la yimaada xukuumada cusub.

HORSEEDMEDIA.NET

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan oo shir...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudane Mursal admits that the Federal government has failed to:

1) Get the nation ready for one man one vote

2) Finish the federal constitution and put it on referendum

3) Reach a political settlement about the status of the National capital

4) Establish a multi party democracy

5) Build a National Federal army.

If this ain’t  a scathing indictment of the abject failures of the useless Farmaajo, Kheyre & Mursal led Federal branches of government then I don’t know what is.

Share this post


Link to post
Share on other sites
3 hours ago, Che -Guevara said:

I can't help but feel like this was calculated move. By who, I am not sure.

I think Farmaajo wants to put a fly in ointment of the upcoming Dhuusamareeb 3 talks. After the clobbering he just got I wouldn’t put it past him.

Share this post


Link to post
Share on other sites
2 minutes ago, Tillamook said:

I think Farmaajo wants to put a fly in ointment of the upcoming Dhuusamareeb 3 talks. After the clobbering he just got I wouldn’t put it past him.

I would not either. Interestingly, the opposition response unexpectedly low key. We have to see what the regional leaders and IC have to say. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowaladda Federaalka oo caqabad kale hor dhigtey shirkii Dhuusamareeb 3

Shirkii Golaha wasiirada ee dhawaan kalsoonida lagala noqdey ayaa lagu ansixiyay xubnaha guddiga farsamada heer Federaal ee ka baaraan degaya talooyinka la xiriiri nooca doorasho ee dalku qaadanayo.

Qodobka 5aad ee warmurtiyeedka shirka Dhuusamareeb 2 oo ay ka qayb galeen madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayaa lagu shaaciyay sameynta guddi farsamo oo ka baaraan dega nooca doorasho ee dalku qaadanayo.

Dowladda oo laga sugaayey in ay magacaabato xubnihii guddigaas u meteli lahaa kadib markii cadaadis caalami ah la saarey ayey jiho kale la aadey, waxayna taas beddelkeed sheegeen in guddigu ka koobnaan doono 16 xubnood oo lix kamid ah ay ka imaaneyso Dowaldda federaalka iyo gobolka Banaadir halka 10 xubnood oo kale ay ka imaanayaan Dowlad goboleedyada kuwaas oo midkiiba magacaabayo laba xubnood.

Dowlada Federaalka ayaa soo magacowda maamulka Gobolka Banaadir ma ahan Dowald goboleed, kamana qaybgelin shirarkii Dhuusmaareeb 1 iyo 2.

Shirkii Dhuusamareeb 2 ayaa lagu hesiiyey in guddigu ka koobnaado 13 xubnood oo si siman loo qaybsado Dowladda Federaalku leedahay 3 xubnood halka Doelad goboleedyadh leeyihiin midkiiba laba xubnood, hab-qaybintan cusub ayey Dowladda Federaalku ku dooneysaa in ay ku qaadato 6 xubnood iyaga iyo maamulka Gobolka Banaadir oo ay magacaabaan, waana caqabad ay dowladdu uga baxayso qodobadii heshiiskii Dhusamareeb 2 oo keeni Kara burburka shirka loo balansanaa August 15.

Dowlad goboleedyada Puntland, Jubaland, Hirshabelle igo Koonfur Galbeed ayaa horey u soo magacaabey xubnaha uga mid noqonaya guddiga, kuwaas oo midbiika ay magacaabeen 2 xubnood.

Waxaa la aaminsan yahay in Dowladda federaalku aysan daacad ka ahayn shirka Dhuusamareeb, waana sababta loo ridey Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre, taas oo Dowladda federaalku wejigabax caalami ah kala kulantey.

Beesha Caalamka ayaan dhawaan ugu baaqdey in Dowladda federaalku degdeg u magacaabato guddigii uga mid noqon lahaa Guddiga Farsamo.

HORSEEDMEDIA.NET

Xukuumadda Federaalka oo caqabad weyn u dhigtey shirka dhuusamareeb 3, kadib markii ay gobolka Banaadir ku soo dareen...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirka Dhuusamareeb 3 oo qarka u saaran fashil?

Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Saalax Axmed Jaamac oo kamid ah guddiga farsamada ee ka baaraandagidda talooyinka la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka ayaa sheegay in shirka Dhuusamareeb uu ku furmaayo wakhtigii loo qabtey ee 15 Agoosto mar uu waraysi siinaayey BBC Somali.

Guddiga Farsamada ee lagu heshiisyey shirkii Dhuusamareeb, ayaa loo dhigey sidan:

(Madaxdu waxay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. Guddigaas oo ka soo baaraandagi doona talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka)

Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa ugu horreeyey cid ku dhawaaqda xubanaha uga mid noqonaya guddigan, waxaana qorshuhu ahaa in maamul goboleedkastaa magacaabo laba xubnood halka dowladdu federaalku ay soo magacaabi lahayd saddex xubnood.

Shaqada guddiga waxaa lagu sheegay isla heshiiskii Dhuusamareeb, waa in ay ka soo baaraandegaan, kana soo tallo bixiyaan doorashooyinka dalka. Sida qorshuhu ahaa guddigan ayey ahayd in la dhiso 23 Luuliyo ayna ku shaqo bilaabaan isla magaalada Dhusamareeb, taas ma dhicin, kadib markii Dowaldda federalaaku aad ula daahdey magaacibdda oo ay gashey dagaal dhexdeeda ay isaga takhaluseyso, lama soo magacaabin guddiga ilaa cadaadis la saarey oo baaqyo caalami ah loo jeediyey, laakiin markii ay magacaabtey ayuu noqdey mid DAB & BAASIIN ku shidey hannaanka guddiga farsamo ee doorashooyinka dalka, kadib markii tiradooda ay gaarsiisey 6 xubnood inta ka imaanaya DFS, oo ay u kala qaybisey afar xubnood oo Dowaldda Federaalka ah iyo maamulka Gobolka Banaadir oo ay laba xubnood uga dareen, Gobolka Banaadir ilaa hadda waxaa maamulkiisa magacaaba Villa Somalia, taas oo ka dhigeysa in Dowladdu magacaabtey lix xubnood.

Shaqada Guddigu maaheyn in ay ka hadlaan qabsoomidda iyo qabsomid la’aanta shirka Dhusuamareeb ee ay u ballameen madaxda Dowlad goboleedyada iyo Dowladda federaalku, kaasi waa madal lagu heshiiyey, waxay shaqadoodu ahayd in ay diyaariyaan tallooyinka loo direy ka hor shirka iyo wixii looga hadli lahaa si loo saxiixo ama wax looga beddelo.

Waxaa jira su’aalo la iska weydiinayo sababta xubnaha Puntland iyo Jubaland uga maqan yihiin shirka doc ka faruurka ah ee Muqdisho ay ka bilowdey Dowladda federaalku.

Raysalwasaaraha kumeel-gaarka ah ayaa soo saarey amar ah in guddigu isugu yimaado Muqdisho 5 Agoosto. Xiriir aan la sameyney maamulada Puntland iyo Jubaland ayey noo sheegeen in ay tahay wax khalad ah in hal dhinac uu u yeeriyo guddiga farsamada sida la yeelayo, isla markaana la beddelo halkii gogosha shirku taaley ee Dhuusamareeb, sidoo kale waxay ku nuux-nuuxsadeen in waxa socdaa oo dhan ay sharciga baal-marsan yihiin, tan iyo markii la ridey raysalwasaare Kheyre Dowladdu ay ku socotey waddo lagu minjo-xaabinaayo qabsoomidda shirka 15 Agoosto.

Waxaa jira tallooyin iyo baaqyo loo jeedinaayo madaxda Dowlad goboleedyadu in aysan wakhti kale ku dhumin Villa Somalia ee ay isku dayaan in ay qabtaan shir BADBAADO QARAN oo iyagu ka heshiiyaan sidii dalka doorashooyin looga qaban lahaa iyo nooca ay noqon lahayd.

Hanad Askar

HORSEEDMEDIA.NET

Saalax Axmed jaamac siihayaha wasiirka Dastuurka Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tallaabada Afaraad ee Doorashada 2020/21 – FALANQEYN + XOG

Kadib markii uu soo dhamaadey shirkii Dhuusmaareeb 3, kaas oo ay ka qaybgaleen qaar kamid ah madaxda Dowlad goboleedyada dalka iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la is weydiinayaa waxay noqon doonto tallaabada xigta, maadaama shirkaasi ahaa mid aan loo dhameyn.

Xogta Shirkii Xalane ka dhacay

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaaliga ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Koonfur galbeed ayaa maalintii shalay ee Jimacada dib ugu noqdey Muqdisho. Horseed Media ayaa xog ka heshey shir ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho isla maalintii shalay kaas oo u dhexeeyey Madaxda Soomaalida iyo qaar kamid ah safiirada beesha caalamka oo uu hoggaaminaayo Safiirka Maraykanka Donald Yamomoto, ugu horreyn safiirada Beesha Caalamka ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan wixii ka soo baxay Dhuusamareeb, laakiin loo baahan yahay wixii sixid u baahana la saxo wixii ka dhimana lagu darro, waxaase ay sheegeen in ay ka wel-welsan yihiin sababta ay u saxiixeen maadaama qorshuhu ahaa wax loo dhan yahay oo cid gaar ah aysan cid kale ku khasbi karin qorshahooda, taas waxaa ka garaabey ayaa la yiri Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu sheegay in uu diyaar u yahay walaalaha ka maqnaa shirka aragtidooda in lagu darro.

Sidoo kale Safiirada beesha Caalamka ayaa sheegay in ay dareen weyn ka qabaan in heshiiska doorashada dib loogu celiyo Baarlamaanka, waxaana ay si toos ah ugu sheegeen in arintaani tahay wax uu wax ka qaban karo Madaxweyne Farmaajo oo la doonaayo in aanu caqabad hor dhigin tallaabada horey loo qaadey. Ugu danbeyn waxaa la isku raacey in ay muhim tahay kulan afaraad oo loo dhan yahay laguna qabyo-tiro heshiiska si doorasho loo dhan yahay ay u dhacdo.

Puntland iyo Jubaland

Puntland iyo Jubaland waxay sheegeen in ay soo dhaweynayaan aragtida ka qaybgalayaasha shirkii Dhuusamareeb 3, laakiin aan iyaga lagu metelin, sidoo kale ay diyaar u yihiin dedaal kasta oo loo dhan yahay oo lagu gaari karo doorashada 2020/21.

Xagee ka dhici karaa shirka afaraad?

Ma cadda ilaa hadda waxaase la aaminsan yahay in shirka afaraad ee lagu wada saxiixi doono heshiiska noqon doono mid degdeg lagu qabto ayna u badan tahay in uu ka dhaco Magaalada Muqdisho, kadib markii Madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqo Raysalwasaaraha wakhti dhaw.

Qodobada u baahan in laga saxo heshiiska Dhuusmareeb 3?

Ka qaybgalayaasha shirkii Dhuusamareeb 3 waxay si weyn isugu dayeen in guud ahaan miraha ka soo baxa shirku uu noqdo mid isu soo jiidaya dhamaan dhinacyada.

In doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo: tan waxay meesha ka saartey muddo kororsigi sida weyn loga cabsanaayey inuu wato Madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka.

In doorashadu noqoto mid macquul ah oo ku habboon xiliga la joogo iyo mudada harsan: tan waxay meesha ka saareysaa sharcigii doorashada ee horey qaar kamid ah Dowlad goboleedyadu u diideen, kaas oo sharciyeynaayey 4.5 in dalku weligiis ku jiro.

Labadaas qodob waxay mabda’ahaan isu soo dhaweyeen dhamaan dhinacyada ay ka dhexeyso talada doorashada.

Qodobada lagu kala aragti duwan yahay

Guddiga Doorashada Qaran ee Xaliima Yareey ayaa maamulaya doorashada: Qodobkan markii Madaxweyne Farmaajo sharaxaayey wuxuu yiri, Doorashadu waa heer federaal ma aha heer Dowlad goboleed, sidaas darteed waa in Federaalku maamulaan, haddaba waxaa la is weydiinayaa, waxa Madaxweynaha Dhuusmareeb geeyey?, waxa uu heshiiska siyaasadeed u galay?, waxa uu u laaley sharcigii doorashada ee uu saxiixey?, waxaa cad in arrintaani ay tahay HESHIIS SIYAASADEED, sidaas darteed guddiga doorashada qaran ee Xaliima Yareey ay hoggaamiso waxa loogu talo galay in ay qabtaan doorasho qof iyo cod ah, taas haddii ay meesha ka baxdey guddi kasta oo maamulaya doorasho ku timid heshiis siyaasadeed waxa uu noqonayaa mid loo dhan yahay, sida loo qaybsadey guddigii farsamo ee ka soo baaraandegey nooca doorasho ee dalka ku habboon.
____

Doorasho dadban oo haddana Xisbi lagu gelaayo: Qodobkan waxaad moodaa in uu sidiisa xujo u yahay, oo ay adag tahay in la fahmo, Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Xaliima Yareey waxay horey u sheegtey in uusan jirin Xisbi soo buuxiyey shuruudaha sidaas darteed badankood loo aqoonsadey kumeel-gaar, ilaa afar Xisbi ay u dhawdahay in ay shuruudaha buuxiyaan, dadka akhriya waxa ku qarsoon sadarada hoosteeda ayaa sheegaya in ay dhici karto sababta qodobkan loo keenay ay tahay in uu noqdo waxybaaha loo reebay Puntland iyo Jubaland in ay heshiiska ka saaraan, si la isugu dhufto Madasha Xisbiyada Qaran iyo maamulada Puntland iyo Jubaland. Waxaa jirta aragti hore oo aan la dhaqangelin marka laga hadlaayo nidaamka xisbiyada iyo doorasho dadban sida la isu waafajinaayo taas oo ah, markii ay soo baxaan Xildhibaanadu, in loo qabto muddo 6 bilood ah in ay ku biiraan Xisbiyada siyaasadeed ee sida rasmiga ah shuruudaha u buuxiyey, qodobkan waxaa lagu sixi karaa arrinta Xisbiyada.
____

Doorashada oo hal maalin dhacaysa: Qodobkan waxa uu u muuqdaa mid isagana la doonaayo in kuraasta lagu boobo, oo xildhibaano aan sax ahayn oo diyaarsan hal maalin lagu soo saaro, doorasho dadban haddii la aadey waxaa la doonaayaa in ay jiraan, nidaam lagu xaqiijin karo Xildhibaanka saxda ah ee soo baxay iyo guddiyo kala sareeya, qodobkaan waa mid farsamo oo laga heshiin karo.
____

Qaabka lagu soo xulaayo Ergooyinka: Shirka Dhuusamareeb 3 waxa uu ku daray in ay wax ka soo xulayaan ” Indheer-garad “, haddaba waxaan la aqoon waxa lagu caddeynaayo shuruudaha INDHEER-GARAD, haddii ergooyinka beelo laga soo xulaayo, waxaa jira dad beeluhu wakiisheen iyo dhaqan soo jireen ah, sidaas darteed qodobka waxa uu shirka afaraad ka doonayaa in ay ka bixiyaan faham sax ah!

Golaha Shacabku caqabad ma noqon karaa?

Heshiiska Dhuusmareeb 3 waxaa ku jira qodob dhigaya in dib loogu celinaayo Golaha Shacabka, inkasta oo Madaxweynuhu saxiixey, hindisahan ma ahan mid ka yimid Baarlamaanka waa heshiis siyaasadeed oo Soomaali u dhex ah ee aan ahayn mid la xiriira ajnebi, waxaana la yiraahdaa heshiis siyaasadeed baarlamaanka waxba kama gelin, waxa ay lee yihiin sharci dejin, horey ayeyna u dejiyeen sharcigii doorashada kaas oo uu meesha ka saarey HESHIIS SIYAASADEED.

Meelaha caqabadda Baarlamaanka qaarkiis ka keeni karaan ayaa ah si heshiiska loo carqaladeeyo in la soo celiyo qodobkii Gobolka Banaadir ee 13 Xildhibaan ee Aqalka sare maadaama aan heshiiska lagu caddeyn.

Shir-guddoonka Golaha Shacabka

Xildhibaanada doonaayey muddo kororsiga ayaa hadda fadhiya banaan cidlo ah, waxaana u furan laba waddo mideed, in ay heshiiskan hor istaagaan, taas oo Madaxweyne Farmaajo horey u ballan qaadey in kelmadda u danbesya iyagu lee yihiin, haddii kale in ay caqabad ku noqdaan Raysalwasaaraha iyo xukuumadda lagu wado in Madaxweynuhu soo dhiso, halkaasna ay bas-raacooda u danbeeya ka sameeyaan.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Kadib markii uu soo dhamaadey shirkii Dhuusmaareeb 3, kaas oo ay ka qaybgaleen qaar kamid ah madaxda Dowlad...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magacaabidda Raysalwasaaraha oo wax walba ku xirmeen – FAALLO

 

Waxaa laga joogaa 33 maalmood maalintii xilka laga qaadey raysalwasaare Xassan Cali Kheyre, waa mudadii ugu dheerayd ee dalku aanu lahayn Raysalwasaare, haddaba waxaa jira faallooyin iyo falanqeyn badan oo Macaahidda kala duwan ay ka bixiyeen sababta ay ku dhacdey.

Laga soo bilaabo bishii lixaad ee sanadkan markii guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ku dhawaaqeen in la isugu yimaado shir wadatasho oo u dhexeeya Dowaldda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada, si xal loogu helo doorashooyinka dalka. Xaaladda siyaasadeed ee Dowladda Federaalku waxa uu galay mid ka duwan jawigii horey loogu bartey saddexdii sano ee la soo dhaafey ee ahaa mid deggan, waxaana arrintu cirka isku shareertey markii Raysalwsaare Xassan Cali Kheyre oo sheegay saddex qodob oo kala ahaa:

-In doorashadu xiligeedi ku dhacdo

-In muddo kororsi uu keenaayo qalalaase siyaasadeed

-In Doorashadu noqoto noockasta oo heshiis lagu yahay.

Madaxweyne Maxamed Farmaajo iyo kooxda aadka ugu dhaw ee uu ugu horeeyo Agaasimaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxay dejiyeen istraatiijiyad ay u fahmeen in ay tahay mid ay ku guuleysan karaan, kadib markii xilka laga qaadey raysalwasaare Kheyre.

-Magacaabidda Raysalwasaare kumeel-gaar ah.

-In la kala jebiyo mucaraadka iyo isbahaysiyada Muqdisho ka dhisan oo qaarkood ay hoggaamiyaan Madaxweynayaal hore

-In gacanta lagu dhigo saddexda Dowald goboleed ee Galmudug, Hirshabelle iyo KG, kadib Dhuusmareeb 2

-In la helo taageerada golaha shacabka oo isku duuban

-In meesha laga saaro awooda Aqalka sare

Hubka ugu weyn ee Villa Somalia u isticmaashey hirgelinta qorshaheeda ayaa ah MAGACAABIDDA RAYSALWASAARAHA CUSUB, waxaa waraysiyo laga qaadey dad ka badan 20 qof, waxaa cidkasta loogu sheekeeyey in Raysalwasaaruhu dhankooda ka imaanayo si la isugu dubarido xulafo siyaasadeed oo been lagu soo xerogeliyey.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu tegey Dhuusamareeb isaga oo aan magacaabin Raysalwasaare, cidkastana ay sugeyso in uu fuliyo ballanqaadkiisi, taasi waxa uu ku heley xulafo siyaasadeed oo kumeel-gaar ah sugayana inta la magacaabayo Raysalwasaaraha.

Natiijada ka soo baxdey Dhuusamareeb ayaa noqotey, Doorasho lagu magacaabo Deegaan doorasho, laakiin saldhigeedu yahay ergooyin beelaha kuraasta iska leh ka imaanaya, oo 4.5 ku asteysan, haddana xisbiyo ah, wakhtigeedina ku dhacda, hal maalin oo keliya dalka oo dhan ka dhacda, guddigii doorashada qarankuna maamulayaan doorashooyin beelo u dhexeysa, waxay noqotey mid aan la fahmi karin oo wax la isku qasey ujeedka ugu weyn ayaa ahaa in Madaxweynuhu ku dhego guddiga doorashada ee Xaliima Yareey oo ay ahayd in ay qabtaan doorashooyin qof iyo cod ah, si uu meesha uga saaro in Dowald goboleedyadu saameyn ku yeeshaan doorashada.

Dhuusmareeb 3 oo aan lagu metelin Puntland iyo Jubaland oo door muhim ah kuleh siyaasadda dalka ayaa noqotey mid meel laga soo dhaweeyey aysan jirin. Beesha Caalamka oo ay filayeen in ay soo dhaweynayaan ayaa qodobo dhawr ah ku qabsadey Madaxweyne Farmaajo shirkii ka dhacay Garoonaka diyaaradaha markii uu ka soo noqdey Dhusmareeb.

Sababta uu u saxiixey natiijada shirka, maadaama ay horey uga codsadeen in natiijadu noqoto mid loo dhan yahay.

Baarlamaanka ayaan horgeyn iyo waa saxiixey wax is qaadan kara maaha sidii uu baarlamaanka ka yeeli lahaa in ay isaga u taallo

In uu degdeg u qabto shir afaraad oo loo dhan yahay.

Shirka Jubaland iyo Puntland

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa saddexdii maalmood ee u danbeysey ku sugan magaalada Garoowe, waxaana isaga iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ay leeyihiin shirar gaar ah, shirarkan ayaa diirada lagu saarayaa dejinta qorshe la fahmi karo waxna looga beddalayo Dhuusmareeb 3 waxna lagu daraayo, sidoo kale waxaa lagu wadaa in siyaasiyiin kale ay gaaraan maalmahan magaalada Garoowe, kuwaas oo tallooyin la weydiin doono.

Magacaabidda Rayslawasaaraha cusub

Haddaba shirka afaraad ee lagu wado in uu ku qabsoomo Muqdisho kaas oo lagu qabyo tiraayo Dhuusamreeb 3, ayaa kaarka keliya ee u harsan Madaxweyne Farmaajo yahay sidii shirkaas ku qabsoomi lahaa isaga oo aan weli magacaabin Rasysalwasaaraha Jokerka noqdey ee cid walba sugeyso, haddii uu taas ku guulesyto waxa uu weli sii wadanayaa Xulafada kumeel-gaarka ah ee raysalwasaare wada sugaya, laakiin waxaa la is weydiin Puntland oyo Jubaland oo fahamsan ciyaarta Villa Somalia ma oggolaan doonaan shir afaraad iyada oo aan weli la magacaabin Raysalwasaare.. 

by Maxamed Cismaan

Horseed Media

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Caqabadaha Hortaagan Shirka Muqdisho ee Doorashooyinka 2020/21

Waxaa lagu wadey habeenkii xalay ee Arbacada in ay shir isugu yimaadaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Jubland iyo Puntland, Axmed Maxamed Islan iyo Siciid Cabdullaahi Deni, kulankaas ayaa baaqdey sababo aan si toos ah loo shaacin.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa saddex habeen ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana ay kulamo gooni ah la yeesheen saamileyda arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, ergooyinka beesha caalamka, waxaana la wadaa qaabkii uu ku furman lahaa shirka Muqdisho.

Haddaba shirka Muqdisho waxaa hor taagan caqabado dhawr ah oo u baahan in laga gudbo marka hore, ama is afgarad laga gaaro waxaana kamid ah:

1.  Jubaland waxay xujeysey in Dowladda federaalku soo afjarto farogelinta ay ku hayso Gobolka Gedo, maamulada ay magacowdey ka soo saarto iyo ciidamada ay diyaaradaha ku daabuleen.

2.  Puntland iyo Jubaland waxay sheegeen maadaama shirkii Dhuusamareeb 3 isaga oo aan loo dhameyn laga soo saarey war-murtiyeed, kan Muqdishona aanu noqon sidoo kale mid aan loo dhameyn ee loo baahan yahay saddexda maamul goboleed ee maqan in shirka ka soo qaybgalaan si qabyo kale aysan u dhicin.

3.  Saamileyda siyaasdadda Soomaaliya waxay dalbanayaan in shirka ay ka qayb galaan, waxaana soo dhaweeyey Puntland iyo Jubaland.

Waxaa socda dedaalo ay wadaan beesha caalamka kaas oo ku aadan sidii saddexda maamul goboleed ee Galmudug, Koonfur-galbeed iyo Hir-shabelle ay shirka uga soo qaybgeli lahaayeen si loo qabyo tiro wixii ka soo baxay Dhuusamareeb 3.

Warar Horseed Media heshey ayaa sheegaya in beesha caalamku waddo cadaadis la saarayo Dowaldda federaalka ah sidii gobolka Gedo oo ka tirsan maamulka Jubaland isfaham looga gaari lahaa ciidamada lagu daabuleyna looga soo sari lahaa.

Haddaba waxaa muuqata shirka Muqdisho in uu yahay mid la isu yimid laakiin muhim ay tahay caqadabaha jira in la xaliyo, halka markii hore ay dhici jirtey iyada oo aan la isu imaan in xujooyinka la isku xiro.

Haddii saddexda maamul goboleed ee kale ay shirka ka soo qayb-galaan, waxaa dhici karta in ciidamada lagu daabuley gobolka Gedo loo qabto wakhti dib loogu soo celiyo xeryahooda ka hor doorashooyinka, taas oo fududeyn karta in shirku furmo. Qodobka kale ee Siyaasiyiinta kale in ay shirka ka soo qaybgalaan waxay noqon mid u taala dhamaan maamul goboleedyada iyo dowaldda federaalka.

Si kastaba waxaa muuqata in shirkan uu noqonayo mid ka weyn qabyotir, laakiin sida uu u furman lahaa caqabado horyaalaan.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Waxaa lagu wadey habeenkii xalay ee Arbacada in ay shir isugu yimaadaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
On 8/13/2020 at 5:57 PM, YaxaaS said:

 

Not going to happen, especially now that the "president" sack the "prime minister" of Somalia. The governors can mount a every effective civil war against the SFG without losing their lands to Moryaans. Somalia is going nowhere fast. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hormar ma laga gaarey furitaanka shirka Muqdisho?

Waxaa weli socda dedaalada lagu doonaayo in shirka Muqdisho ee looga hadlaayo arrimaha doorashooyinka 2020/21 uu furmo isla markaana laga gudbo caqabadaha ku gudban. Sida aan ku xusney warbixintii hore ee caqabadaha, waxaa jirey arrimo dhawr ah oo loo baahnaa in la fuliyo ka hor shirku intaanu toos u furman, waxaana ugu weynaa.

1.  Xaaladda gobolka Gedo heshiis laga gaaro

2.  Maamulada maqan oo shirka ka soo qaybgala

3.  Sida laga yeelayo hoggaanka bulshada rayidka ah iyo madaasha Xisbiyada

Labada qodob ee hore ayaa asaas u ahaa furitaanka shirka. Puntland iyo Jubaland ayaa isku raacsan in aysan dhicin sidii Dhuusamareeb 3, oo shir aan loo dhameyn la iska watey kadibna laga soo saarey go’aamo, waxaa sidaas ku raacsan Diblomaasiyiinta beesha caalamka oo sheegay in aysan sinaba u taageerayn go’aamo aan loo dhameyn.

Xaaladda Gobolka Gedo

Habeenkii xalay waxaa kulan gaar ah wada galay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, waxaana looga hadley sidii looga gudbi lahaa caqabadda gobolka Gedo ee shirka ku gudban, waxaa wararku sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo mabda ahaan oggolaadey in talada gobolka Gedo dib loogu celiyo maamulka Jubaland, kadib markii maamulkii Jubaland ee gobolka Gedo meesha laga saarey, waxaana la isla gartey xubno labada dhinac ah in ay ka wada shaqeeyaan taas, caqabadan haddii laga gudbo, ayaa noqoneysa guul uu shirku gaarey.

Maamulada Maqan

Puntland iyo Jubaland waxay Madaxweyne Farmaajo ka codsadeen in isagu keeno maamulada maqan, masuuliyaddaasna uu qaato. Madaxweyne Farmaajo ayaa horey u qabey in maamulada kale go’aamadoodi la hayo oo markii la isla garto waxa laga beddalaayo go’aamadii Dhuusamareeb 3 loo yeero si saxiixa u danbeeya la wada saaro, taas oo Jubaland iyo Puntland ay diidan yihiin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa weli ku adkaysanaya in guddoomiyaha gobolka Banaadir ee isagu soo magacaabo uu shirka qayb ka noqdo, waxaana uu ku doodayaa in aan saddex maamul oo keliya maqneyn, laakiin Puntland iyo Jubaland ayaa qudhoodu qabaan in shirka intaas laga ballaariyo lagana qaybgeliyo hoggaanada urarada rayidka ah iyo saamileyda kale.

Maanta oo sabti ah ayaa mar kale loo ballan san yahay in mar kale dib la isugu soo noqdo si loogu dhiirado in shirku furmi karo maalinta Isniinta.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Waxaa weli socda dedaalada lagu doonaayo in shirka Muqdisho ee looga hadlaayo arrimaha doorashooyinka...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.