Tillamook

Federal Republic of Somalia: Election update

Recommended Posts

Beesha Caalamka oo ku guuleystey in Shirka Doorashadu furmo Sabtida

Dedaal dheeraad ah oo socdey labadii todobaad ee ugu danbeysey oo ay garwadeen ka ahayd wakiilada beesha caalamku ayey ku guuleysteen in ay shirka isugu wada yimaadaan dhamaan Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowladda Federaalka ee xilku ka dhamaadey si looga heshiiyo hirgelinta heshiiskii 17 Sebtember.

Madaxweynaha xilku ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisu xaqiijiyey qabsoomida shirka waxaana ay soo saareen bayaan lagu sheegayo in shirku furmaayo maalinta Sabtida ee 3 Abril.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Puntland Maxamed Dhabancad ayaa uga mahadceliyey dedaalka beesha caalamka isla markaana ay ka qaybgalayaan shirka Sabtida.

PL Govt acknowledges the tireless efforts by the Int'l Partners aiming to resolve the election impasse, and their facilitation for a consensus based FMS-FGS informal pre-meeting on April 3rd to agree the Summit. @Plstatehouse@UNSomalia @US2SOMALIA@UKinSomalia @NorwayInSomalia

— Mahamed Abdirahman (Dhabancad) (@M_Dhabancad) April 1, 2021

Shirka Sabtida ayaa lagu wadaa in uu noqdo mid hor dhac ah oo looga heshiinaayo ajandaha shirka weyn ee lagu soo afjarayo kala aragti duwanaanshaha.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Dedaal dheeraad ah oo socdey labadii todobaad ee ugu danbeysey oo ay garwadeen ka ahayd wakiilada beesha...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudiyo Farsamo oo ka socda Madaxda oo hada shir ku leh Teendhada Afisyooni

Teendhada Afisyooni waxaa hadda shir uu uga socdaa Gudiyo farsamo oo ka kala socda madaxda shanta dowlad goboleed iyo madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Sida aan xogo ku helayno shirka ayaa looga arinsanayaa habka loo sugayo amaanka shirweynaha Beri ay isugu imaanayaan madaxda dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Muddo todobaadyo ah oo ay Muqdisho kuwada sugnaayeen madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka waxaa guuldareystay shirka arimaha doorashooyinka ee lagu soo afjari lahaa caqabadaha iyo khilaafka jira, Wakiilada Beesha Caalamka oo uu hormuud u yahay James Swan ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii uu u qabsoomi lahaa shirka Beri isla markaana ku casuumay madaxda shirkan.

Gudiyadan Farsamo ee hada ku shiraya Teendhada Afisyooni ayaa la filayaa in ay isla meel dhigaan qaabka uu u dhacayo shirka iyadoo xoogga la saarayo amaanka.

Ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa sugaya Amaanka shirka beri ka furmaya teendhada Afisyooni ,dhankooda ciidamada sugaya amaanka Madaxda ayaana lagu wadaa in loo asteeyo goobo gaar ah sida ilo wareedyo ay tibaaxayaan.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Teendhada Afisyooni waxaa hadda shir uu uga socdaa Gudiyo farsamo oo ka kala socda madaxda shanta dowlad goboleed...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

If these morons honor the September Agreement and adopted Baydhabo technical teams meeting outcome, the Somali people wa shams hako aqriyaan.j

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii ugu dambeeyay Shirka Afisyooni

Waxaa saaka lagu wadaa in uu Teendhada Afisyooni ka furmo shirka u dhaxeeya Madaxda dowladd Federaalka iyo dowladaha Xubnaha ka ah kaasoo heshiis looga gaarayo Ajandaha shirka rasmiga ee arimaha doorashooyinka ee soo socda.

Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen Wakiilada Beesha Caalamka ayaa noqonaya iskudaygii ugu dambeeyay ee ay isku soo hor-fariisanayaan madaxda Soomaalida tan iyo shirkii Dhuusomareeb oo ahaa kii ugu dambeeyay ee ay ku kulmaan.

Ajandaha ugu weyn ee shirka saaka furmaya ayaa noqonaya ka doodista qodobo ay kamid yihiin heshiiskii gudiyada Farsamo ee Baydhabo iyo Awoodaha iyo sharciyada Madaxweyne Farmaajo kuwaasoo ah qodobada ugu adag ee ay miiska soo saarayaan madaxda Puntland iyo Jubaland.

Gudiyo Farsamo oo ka kala socda dhinacyadan ayaa xalay kulan ku yeeshay Xerada Afisyooni kulankaas oo ay uga arinsadeen habka loo sugayo Amaanka shirka maanta Furmaya.

Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa sida qorshuhu yahay sugaya amaanka Teendhada uu shirku ka furmayo ee Afisyooni taasoo qeyb ka ahayd Qodobadii xalay ay gudiyada shiray ku heshiiyeen.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ayaa lagu wadaa in ay shirkooda iskula meel dhigaan Abuuridda kalsooni iyo jawi saamaxaya amba qaadidda shirarka lagu soo afjarayo khilaafka arimaha doorashooyinka ,Wakiilada Beesha Caalamka ayaa siweyn u dhowraya waxa kasoo baxa shirkan oo ay iyagu casuumadda leeyihiin.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Waxaa saaka lagu wadaa in uu Teendhada Afisyooni ka furmo shirka u dhaxeeya Madaxda dowladd Federaalka iyo...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaa Ka cusub Shirkii madaxda uga socday Afisyooni?

Waxaa magaalada Muqdisho ku soo idlaaday shirkii wadatashi ahaa ee u dhaxeeyay madaxda dowlada Federaalka iyo dowlad goboleedyada kaasoo maanta ay ahayd maalintii labaad ee uu qabsoomo.

Shirka maanta oo wax badan aan uga duwanayn kii ka horreeyey ee shalay ayaa lasoo warinayaa in madaxda ay isku mari waayeen qodobada qaar oo miiska saarnaa.

Shirkan oo hordhac u ahaa shirweynaha ballaaran oo loo madlanyahay xalna looga gaarayo khilaafka ka taagan qabsoomidda doorashada dalka ayaa labada maalmoood ee shalay iyo maanta lagu lafaguray tabashooyinka dhinacyada, iyo habka loo wajahayo qabsoomidda doorashada dalka.

Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in madaxda ay maanta isku mari waayeen qodobo ay kamid yihiin Awoodaha madaxweynaha wakhtigiisu dhamaaday ee dowladda Federaalka iyo ka qeybgalka shirka ee Musharixiinta mucaaradka iyo gudoomiyaha Aqalka sare ,qodobadaas oo ay soo jeediyeen madaxda Puntland iyo Jubaland hase ahaatee noqday kuwo adag keenay ismari-Waa.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jamac Yuusuf Dabaraani oo bartiisa Facebook qoraal soo dhigay ayaa sheegay in loo ballamay in laysugu yimaado shir kale maalinta Talaadada ah ee soo socota taariikhduna tahay 6_April.

Ismari-waaga shirka maanta ayaa imaanaya xilli si weyn loo hadal hayey in natijo la’aan uu iyo aamusnaan uu maalntii labaad shirku qabsoomo.

Horseed Media 

HORSEEDMEDIA.NET

Waxaa magaalada Muqdisho ku soo idlaaday shirkii wadatashi ahaa ee u dhaxeeyay madaxda dowlada Federaalka...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   
4 hours ago, Tillamook said:

maanta isku mari waayeen qodobo ay kamid yihiin Awoodaha madaxweynaha wakhtigiisu dhamaaday ee dowladda Federaalka iyo ka qeybgalka shirka ee Musharixiinta mucaaradka iyo gudoomiyaha Aqalka sare ,qodobadaas oo ay soo jeediyeen madaxda Puntland iyo Jubaland hase ahaatee noqday kuwo adag keenay ismari-Waa

 

Nothing has changed. They just keep repeating that Farmaajo is not president anymore and C/rahman C/shakuur should be sitting at the table including the other 15 candidates. 

And what authority Abdi Hashi has to sit there? none.

What you need is executive decision making.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii Afisyooni Oo Maanta Baaqday

Shirkii madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ee maanta oo Talaado ah lagu waday inuu dib uga furmo Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa baaqday.

Dib u dhaca shirka ayaa waxaa sababay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo shalay safar ugu ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Madaxda ayaa la filayaa inay shirka isugu soo laabtaan berri oo Arbaco ah 07/04/2021, halkaasna kasii wadi doonaan shirka oo looga hadlayo ajandayaasha shirka guud ee xalinta khilaafka doorshada.

Madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa weli is mari la’, illaa iyo hadda labo cisho oo ay fadhiyeen wax horumar ah lagama sameyn shirkooda, waana tan keentay in shirka rajo xumo laga muujiyay.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Shirkii madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ee maanta oo Talaado ah lagu waday inuu dib uga...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo Muqdisho ka dhoofay

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa ka dhoofey magaalada Muqdisho kadib safar shaqo oo qaatey bil ay ku joogeen halkaas, waxaana safarkoodu yimid kadib markii ay kulan gaar ah la qaateen wakiilo ka socdey Beesha Caalamka, sidoo kale waxay shir la qaateen Madaxda Madasha Badbaado Qaran ee dhawaan la dhisey.

Madaxweynaha xilku ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isticmaalaya Golaha Shacabka ee xilkiisu dhamaadey ayaa gebi ahaanba soo xirey albaabkii wada hadalka.

Madaxweyne Deni iyo Madaxweynaha Jubaland ayaa maanta kulan la qaatey wakiilo ka socdey Beesha Caalamka ee wadey isu soo dhaweynta waxaana ay u sheegeen in Mowqifkooda ku aadan wixii ka dhacay Golaha Shacabka ay ku soo saaratyaan bayaan madashau u dhan tahay, oo aysan sinaba u aqbali karin muddo kororsi sharci darro ah iyaguna ay dib ugu laabanayaan deegaanadoodi, ayna ka xun yihiin wakhtigii dheeraa ee Madaxweynaha xilku ka dhamaadey ka khasaariyey.

Waxaa gebi ahaanba is xirey albaabkii wada hadalka, waxaana la sugayaa sida Madaxweynaha xilku ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u dhaqaajiyo muddo kororsiga.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa ka dhoofey magaalada Muqdisho kadib safar shaqo oo qaatey bil ay ku...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxay tahay sababta Farmaajo u dalbadey kulanka Musharixiinta?

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddo xileedkiisa dastuuriga ahaa ku ekaa 8 Febaraayo, kadibna samaystey muddo kororsi labo sano ah, ayey soo wajahdey ciriiri siyaasadeed iyo khalkhal amni, taas oo caqabad weyn ku ah mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo sida ay ugu meel mari lahayd in uu dalka labo sano oo aan sharci ahayn sii xukumo ama uu dib ugu laaban lahaa miiskii wada hadalka doorashada ee uu albaabkeedi xiray.

Arrinta ugu weyn ayaa ah warka habeenkii xalay ka soo yeeray Farmaajo ee ah in u doonaayo in uu la kulmo Midowga Musharixiinta oo hadda ku haya cadaadiska ugu weyn.

Labada Madaxweyne Dowlad goboleed ee gacansaarka la leh Farmaajo, kan Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo kan Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa waxaa dhankooda soo wajahay culeys siyaasaded kuwaas oo noqdey hashii laba midigluhu dheelmay.

Midowga Musharixiinta ayaa u direy Qoor-qoor iyo Guudlaawe in ay laba mid soo galaan oo caddeeyaan mowqifkooda ku aadan labada sano ee Farmaajo xilka kororsadey, haddaba kulan ay habeenkii xalay Farmaajo la qaateen ayey kala soo laabteen codsi ay uga sidaan oo ah in ay wada kulmaan Farmaajo iyo Midowga Musharixiinta si masiirka dalka looga wada hadlo.

Arrintan ayaa la is weydiinayaa danta Farmaajo kalahaa.?

  • Waxaa la ogaa in Madaxweynayaashii hore oo hoggaamiya Midowga Musharixiinta ay Farmajo isugu yimaadeen aaskii Cali Mahdi Maxamed, laakiin isaga oo aan salaanta ka qaadin uu dib u laabtey.

  • 18 Febaraayo waxa uu Madaxweynayaashii hore ku xabadeyey Hotelkii ay deganaayeen oo uu ku go’doomiyey, iyada oo Xassan Sheekh Maxamuud sheegay in ay ahayd dil ay ka badbaadeen, halka 19 Febaraayo uu xabbad la dhacay dadkii mudaaharaadaayey oo ay kamid ahaayeen raysalwasaarihii hore oo hadda kamid ah Musharixiinta.

  • Wuxuu Farmaajo diidey dalabayadii Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ee ah in talada wax laga siiyo Midowga Musharixiinta ee u hadda doonaayo la kulmo.

  • Intaas oo arrimood oo taagan, ayuu ALBAABKII wada hadalka si toos ah u xirey isaga oo dalabdey in muddo laba sano ah mudada loogu daro, taas oo qaraar ku soo saareen mid kamid ah labadii Aqal ee doortey, Golaha Shacabka ee muddo xileedku ka dhamaadey, taas oo dab iyo baasiin qabad siisey xaaladda dalka una jiheysey waddo mugdi ah.

Haddaba sida ay sheegayaan ilo ku dhaw Wakiilada Beesha Caalamka, habeenimadii 12 Abril 2021 ayaa Farmaajo la hadley wakiilada Beesha Caalamka waxaana uu u sheegay in uu mudada kororsanaayo laba sano, caqabadda ugu weyn ay tahay iyaga (Beesha Caalamka) oo ay ka daayaan farogelinta, wuxuu u sheegay marka uu kororsado la heshiin doono ugu horreyn Midowga Musharixiinta, kadibna uu u gudb doono Puntland iyo Jubaland.

Maalintii shalay ayaa Farmaajo oo aan ahayn kii dhihi jirey fadhigeyga hala iigu yimaado, qabkiisina meel soo dhigtey, waxaa looga yeeray Xalane, waxanaa uu shir la qaatey kooxda la isku yiraahdo C6+ ee ay kamid yihiin UNSOM, IGAD, AU, EU, UK, US, Sweden, Italy. Kooxdan ayaa kala hadley sida aysan marnaba u aqbaleyn muddo kororsi, sida ay horey u sheegeen iyo tallaabooyinka ay qaadayaan haddii aan dib loogu laaban 17 September heshiiskii ahaa oo ah xalka keliya ee dalka u furan.

Farmaajo oo isticmaalaya tabihiisi uu horey ugu sheegay ayaa ku doodey in uu la ballansan yahay Midowga Musharixiinta heshiisna ay gaarayaan, si lamid ah Deni iyo Madoobana uu heshiis la gaarayo Baarlamaanka dib u mideynaayo, laakiin wakhti la siiyo.

Haddaba kulanka uu doonaayey in musharixiinta la qaato ayaa ah in uu Wakiilada Beesha Caalamka ee cadaadiska ku haya u muujiyo in Soomaalidu ay heshiin karto kuwii ay aadka u kala fogaayeena uu miiska soo fariisiyey, sidaas darteed loo baahan yahay in ay isaga uga danbeeyaan arrimaha Soomalida.

Laakiin, Midowga Musharixiinta oo garanaya qofka uu Farmaajo yahay, ayey ku gacan sayreen la kulankiisa, waxaana maanta hor yaala saddex daran mid dooro.

  • In uu waxba kama jiraan ka soo qaado qararaarkii Baarlamaanka, taasna waxa uu u baahan yahay in uu helo sabab iyo wax uu wejigabaxa isaga dhaqo (face saving)

  • In uu is casilo una daneeyo mustaqbalkiisa siyaasadeed, si dalka doorasho degdeg ah loogu jihooyo.

  • Wixii intaas ka soo harey waa in uu dalka dib ugu celiyaa wadadii dagaalka, qaxa iyo rafaadka lahayd ee isagu aanu markhaantiga ka ahayn, wixii dhacay keliya in uu ka daawado shaashadaha caalamka maahee.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddo xileedkiisa dastuuriga ahaa ku ekaa 8 Febaraayo, kadibna samaystey muddo...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kinshasa: Farmaajo oo dalbadey in shisheeye soo farogeliyo xaaladda Soomaaliya

Madaxweynaha xilku ka dhamaadey ee weli xafiiska jooga, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa habeenkii xalay gaarey magaalada Kinshasa ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Kongo (ex-Zaire).

Farmaajo ayaa maanta kulan la qaatey Madaxweynaha DR Kongo Félix-Antoine Tshisekedi , kulanka oo ah mid gaar ah oo qaatey muddo laba saacadood ah, ayaa si weyn looga hadley Xaaladda Soomaaliya, maadama Madaxwenaha Dr Kongo hadda uu yahay Madaxweynaha Midowga Afrika.

War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada DR Kongo ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Félix-Antoine Tshisekedi uu soo dhaweeyey ujeedka iyo dalabka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ah in uu soo dhex galo xaaladda Soomaaliya isaga oo isticmaalaya awoodisa Midowga Afrika, xaaladda Soomaaliya waa mushkilad Afrikaan ayaa lagu yiri warka waana in Afrika ay xalisataa mushkiladaheeda.

Warka ka soo abxasy Madaxtooyada Dr Congo ayaa lagu yiri Tshisekedi wuxuu soo dhoweeyay habka uu u wajahayo Maxamed Cabdullaahi Maxamed ee ah in uu albaabada u furo AU iyo inuu la xiriiro dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed si loo helo nabad iyo cadaalad waarta.

Farmaajo ayaa si weyn ugu doodi jirey in xaaladda Soomaaliya aysan shisheeye soo fara gashan karin, waxaaana hadda muuqata in uu dalab toos ah u geeyey Midowga Afrika oo ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya isla markaana ilaaliya halbowlayaasha Dowladdau ku taagan tahay.

Waxaa la is weydiinayaa sida Madaxweyne Tshisekedi uga qaybqaadan karo arrimahan, ma shir Soomaaliyeed ayaa Kinshasa laga furayaa oo waxaa halkaas ka soo bixi doona wax u eg kampala Accord uu ku bixi jirey Farmaajo 2011, mise si kale ayuu u wajahayaa.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Madaxweynaha xilku ka dhamaadey ee weli xafiiska jooga, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa habeenkii xalay gaarey...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kkkkk that is unfortunate really. Maskiinkii Reer Baydhabo oo ku waashay shisheeye muxuu dhihi doonaa. Mise Congo waa our forefathers Awoowe Samaale bay dhaleen oo waa sokeeye???

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.


  • Similar Content

    • By ayaanle2134
      i want to talk about a sensitive topic which is racism in the somali community which is diasppointing because the people who are discriminated because they a bit darker and kinky hair is really disappointing i mean like what the hell they fucking burned a human being alive because he was from a clan who have more of what they call african features. for those who dont know why he was burned alive is beacuase he married from a person from another clan and the people from that clan said how could a jareer an adoon marry a women from our clan. how could you burn someone alive, how could you burn a fellow somali alive even even if you dont consider him somali or some one equal to you how could you burn a muslim alive  a muslim even if he was not muslim( which he wasnt he was muslim) how could you burn a human alive he had a mother a father people who loved him just like you. just so you know here is a picture of him. here is a link to great man talking about racism(
       

    • By ayaanle2134
      first of all i wanna say that i was born and raised in hargeisa, growing i always hated how some of our people tried so hard to be arabs but what they dont know is that arabs hate somalis. i personally experienced this when i when to saudi arabia as somali people are constantly called african go back to your country. one time a friend told me about a story of him that happened to him, he came late to prayer so some him and his freinds decided to do jamac on their own and this arab guy said he would lead, so he lead but it turns his quran was poor and and the somali guy exited prayer and told him let me lead instead but the arab guy told him that he is african and cant lead him. theres more examples which i would rather not talk about enough of that and back to somaliland i think that our flag doesn't represent somali people why it looks too arab as theres the arabic language all over it instead of our own language even on our emblems its arabic and english and no somali which is very embaressing. which i wish would be changed and am not saying that we should take the shahada of the flag but what am saying is we should write it in our language or use the emblem that is on other muslim countries flags like pakistan and turkey.... i would like you to post alternative flags somaliland should use. here is mine 
    • By Sakata
      Maamulka Jubaland ayaa soo saaray go’aano amni oo lagu soo rogay magaalada Kismaayo laga billaabo caawa iyo illaa inta ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Jubaland ee 22-ka bishan.
      Go’aannada ayaa waxaa ugu weyn in lagu dhowaaqay in laga bilaabo 6pm makhribnimo 20/08/2019 ilaa 23/08/2019 la xiray xudduudaha magaaladda Kismaayo ee cir, dhul iyo bad.
      Shir ay isugu yimaadeen guddiga amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale lagu dhowaaqay in heegan la geliyey dhamaan qaybaha kala duwan ee ciidamadda Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka kuwooda ka howl gala magaaladda Kismaayo iyo nawaaxigeeda.
      Guddiga ayaa sidoo kale faray hay’adaha amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland, ciidamadda AMISOM, maamuladda garoonka diyaaradaha Kismaayo, dekadda Kismaayo iyo baraha kantarooladda laga soo galo magaaladda Kismaayo inay xaqiijiyaan meel maridda go’aankaan
       
      My kikuyu brothers are ready to diffend there own"