Tillamook

Federal Republic of Somalia: Election update

Recommended Posts

Ceelwaaq oo lagu beddalay Garbahaarey 16 kursi ee ka haray doorashada

Qoraal ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal ayaa lagu sheegay in iyada oo la raacayo heshiiskii 17 Sebtember 2020 ee in ahaa laba deegaan doorasho, in doorashada lagu qabto, ay degmada Ceelwaaq ku beddeleen Garbahaarey oo ay sheegeen in aysan doorasho ka dhici karin.

Garbahaarey waxay ahayd xuddunta khilaafka doorashada horay u soo hareeyey. Waxaa lagu wadaa malinta berri ah ay Ceelwaaq gaaraan 32 Musharax kuwaas oo 16 kamid ah ay yihiin Malxiisiin, doorashadaasna u dhacayso sida Axmed Madoobe Madaxereynaha Jubaland ugu talo galay.

Maanta waxaa la dhaariyey Xildhibaano ka badan 250 oo XIldhibaan, kuwaas oo sabtia yeelanaya fadhiyadoodi caadiga ahaa.
 

HORSEEDMEDIA.NET

Laba teendho oo loo dhisey in xulitaanka xildhibaanada lagu qabto Qoraal ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites


Munaasabadda Dhaarinta Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka

Waxaa maanta qabsoontey munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal, taas oo ka dhacdey gudaha Xalane gaar ahaan teendhada Afisiyoone. Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay Xildhibaano ku dhaw 300 oo xildhibaan, oo kamid ah 310 Xildhibaan ee dooran.

Munaasabadii Dhaarta waxaa waxaa ka soo qaybgalay Raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xildhibaanada waxaa dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo sheegay in dastuurku aanu dhigeyn qaabka loo dhaarinaayo Xildhibaanada laakiin ay ku taalo xeer hoosaadka, waxaana uu ku dhaariyey si waafqsan xeer hoosaadka baarlamaanka.

Kadib dhaarta ayaa lagu wadaa in Xildhibaanadu ay shirguddoon u doortaan Xildhibaanka ugu weyn dhanka da’da sida uu qabo dastuurku, kaas oo lagu wado in uu noqdo Danjire Dhabancad oo laga soo doorto Galmudug.

Waxaa weli dhiman oo aan xal laga gaarin kuraasta taala Garbahaarey oo gaaraya 16 kursi, sidoo kale waxaa Jowhar ku harsan ilaa saddex kursi.

Xildhibaanadii 2012 ee baarlamaankii sagaalad ayaa lagu dhaariyey barxadda garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde bishii Agoosto tiradooduna ahayd 220 Xildhibaan, aqalka sarena ma jirin. Xildhibaanadii 2016 la doortey ee baarlamaankii 10aad ayaa lagu dhaariyey Hoolka Jen Kaahiye ee iskool Boliisiyo 27 December iyaga oo tirada la dhaariyey ay ahayd markaas 284.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Waxaa maanta qabsoontey munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal, taas oo ka dhacdey gudaha Xalane gaar...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddiga qaban-qaabada doorashada shir-guddoonka Golaha shacabka oo lagu dhawaaqey

Labada Aqal ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaaliga ah ayaa maanta si kala gooni ah u yeeshay fadhigoodi u horeeyey, kalfadhiga ayaa ka dhacay xarumaha baarlamaanka, halka markii hore lagu dhariyey xerada Afisiyoone.

Ajandaha ugu weyn ee Xildhibaanada ayaa ah, sidii ay isaga dhex soo saari lahaayeen guddiga qaban-qaabada doorashada shir-gudoonka baarlamaanka.

Guddoomiyaha kumeel-gaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaam Dhabancad ayaa xildhibaanada ka codsadey in isagu uu soo qabto 10 Xildhibaan oo noqonaya guddiga qaban-qaabada, laakiin Xildhibaanada ayaa taas ka diidey, waxaana ay dalbadeen in shanta beelood mid walba iyadu ay iska soo sarto laba Xildhibaan oo guddiga ka mid noqda. Horey sidaan uma dhici jirin waxaa guddiga soo saari jirey guddoomiyaha kumeel-gaarka ah, kadibna Xildhibanadu waa ansixin jireen.

Kadib dXildhibaanada ayaa isu qaybshey beelaha ay ka soo kala jeedaan dood yar oo qolokasta dhankeeda u yeelatey ayey iska soo xuleen qolo kasta laba xubnood., waxaana ay kala yihiin:

1. Cabdirisaaq Cumar maxamed (Mogadishu Clan)

2. Xuseen Maxamed Nuur (Haweiye)

3. Xaaji Cali Max’ed Nuur- (Digil & Mirifle)

4. Maxamed Abukar Cabdi (Digi & Mirifle)

5. Dahabo Suusow Maxamud (Beesha 5aad)

6. Qaasim Cilmi Seed (Daarood)

7. Cumar Sharif Jeeg- (Beesha 5aad)

8. Nasro Mahdi Caraale (Dir)

9. Cabdullaahi Xassan Rooble (Daarood)

10. Maxamed Xuseen Haadi ( Dir)

HORSEEDMEDIA.NET

Labada Aqal ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaaliga ah ayaa maanta si kala gooni ah u yeeshay...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare Oo La Magacaabay

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa magacaabay Guddiga qaban-qaabada doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare.

Wareegto uu soo saaray guddoomiye Gaagaab ayuu ku magacaabay xubnaha Guddiga qaban-qaabada doorashada Guddoonka Golaha, kuwaasi oo ka kooban 6 Senator oo laga soo dhex saaray Golaha.
 

Senatorada Aqalka Sare oo maanta kulankii ugu horreeyay ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ajendihiisu ahaa Warbixinta Guddoomiyaha KMG ah ee ku aadan howlaha horyaalla Senatorada Aqalka Sare Baarlamaanka dowladda.

Hoos ka akhriso:

HORSEEDMEDIA.NET

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Guddoonka KMG ah Ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Guddoomiyeyaasha kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad) iyo Golaha Aqalka Sare Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa ugu hambalyeeyay masuuliyadda qaran ee loo igmaday.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee BFS sida habsamida leh ee ay u fureen Kulanka 1aad ee Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo Alle uga baryey in uu ku garab galo gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.
 

Dhankooda, labada Guddoomiye ayaa Madaxwaynaha uga mahadceliyey kulanka, iyaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’antahay dardar galinta doorashooyinka dalka.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Arafaat   
On 4/17/2022 at 9:36 AM, Tillamook said:

Guddiga qaban-qaabada doorashada shir-guddoonka Golaha shacabka oo lagu dhawaaqey

Labada Aqal ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaaliga ah ayaa maanta si kala gooni ah u yeeshay fadhigoodi u horeeyey, kalfadhiga ayaa ka dhacay xarumaha baarlamaanka, halka markii hore lagu dhariyey xerada Afisiyoone.

Ajandaha ugu weyn ee Xildhibaanada ayaa ah, sidii ay isaga dhex soo saari lahaayeen guddiga qaban-qaabada doorashada shir-gudoonka baarlamaanka.

Guddoomiyaha kumeel-gaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaam Dhabancad ayaa xildhibaanada ka codsadey in isagu uu soo qabto 10 Xildhibaan oo noqonaya guddiga qaban-qaabada, laakiin Xildhibaanada ayaa taas ka diidey, waxaana ay dalbadeen in shanta beelood mid walba iyadu ay iska soo sarto laba Xildhibaan oo guddiga ka mid noqda. Horey sidaan uma dhici jirin waxaa guddiga soo saari jirey guddoomiyaha kumeel-gaarka ah, kadibna Xildhibanadu waa ansixin jireen.

Kadib dXildhibaanada ayaa isu qaybshey beelaha ay ka soo kala jeedaan dood yar oo qolokasta dhankeeda u yeelatey ayey iska soo xuleen qolo kasta laba xubnood., waxaana ay kala yihiin:

1. Cabdirisaaq Cumar maxamed (Mogadishu Clan)

2. Xuseen Maxamed Nuur (Haweiye)

3. Xaaji Cali Max’ed Nuur- (Digil & Mirifle)

4. Maxamed Abukar Cabdi (Digi & Mirifle)

5. Dahabo Suusow Maxamud (Beesha 5aad)

6. Qaasim Cilmi Seed (Daarood)

7. Cumar Sharif Jeeg- (Beesha 5aad)

8. Nasro Mahdi Caraale (Dir)

9. Cabdullaahi Xassan Rooble (Daarood)

10. Maxamed Xuseen Haadi ( Dir)

HORSEEDMEDIA.NET

Labada Aqal ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaaliga ah ayaa maanta si kala gooni ah u yeeshay...

 

🤔Mogadishu clan? 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sen Cabdi Xaashi oo mar kale loo doortay guddoomiyaha Aqalka Sare

Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulan ay ku dooranayaan shir guddoonkooda, kulanka ayaa ka dhacay teendhada Afisiyoone ee gudaha Xalane.

Kulanka waxaa soo xaadirey dhamaan 54 Senator ee Aqalku ka kooban yahay.

Saddex Musharax ayaa ku tartamey doorashada waxaana ay martey hal wareeg oo keliya, waxaana ku guuleystey Sen Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo kamid ah Xildhibaanada Gobolada Waqooyi (Somaliland)

Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi 28 cod

Sen. Saalax Axmed Jaamac 24 cod

Sen. Cismaan Dubbe 2 cod

HORSEEDMEDIA.NET

Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka oo maanta ka dhaceysa Afisiyooni

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS iyo ku xigeennadiisa ayaa maanta oo Arbaca ah lagu wadaa inay ka qabsoonto Xarunta Ciidanka Cirka Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka BFS ayaa sheegay in maanta Xildhibaannadu ay dooranayaan Guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen si uu dalka u yeesho hoggaanka hay’adda Xeer dejinta.

Teendhada Afisiyooni waxaa la geeyay Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka, halka la xiray waddooyinka u dhaw oo waxaa loo diidayaa Dadka iyo Gaadiidka, hoolka waxaa ku sugan Ciidamo gaar ah loo diyaariyay baarista goobta iyo Dadka tagaya.

Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad JFS 8 Musharax ayaa u taagan kuwaas oo 23kii April 2022 fursad loo siiyay in ay kahor hadlaan Xildhibaannada u codeynaya.

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka 1aad waxaa u tartamayaan 10 Musharax, halka ku xigeenka 2aad ay isugu diiwaangeliyeen 7 Xildhibaan.

HORSEEDMEDIA.NET

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS iyo ku xigeennadiisa ayaa maanta oo Arbaca...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Aadan Madoobe oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Soomaaliya, kadib doorasho saacado badan qaadatay oo ka dhacday teendhada Afisyooni.
 

Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada kaga adkaaday xildhibaan Xasan Cabdinuur.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa helay 163 cod, halka Xasan Cabdinuur uu ka helay 89 cod.

Guusha Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka dhigan inay hadda dhisan yihiin labadii hay’ad ee sharci-dejinta islamarkaana ay leeyihiin guddoon.

 

HORSEEDMEDIA.NET

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee golaha...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xasan Sheekh oo loo doortay Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guuleystay doorashada Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya oo caawa lagu soo gabagabeeyey Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.
 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wareeggii seddaxaad ee ugu dambeeyay ka adkaaday Madaxweynaha xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa helay 214 cod halka Farmaajona uu helay110 cod. Waxaa codeysay 328 xildhibana ee labada aqal ee baarlamaanka.

Waxaa doorashada u tartantay in ka badan 30 murashax uu ku haray wareeggii koowad iyo labaad ee codbixinta oo ahayd mid aad u adag.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horreeyey dib loogu doorto xilka ugu sarreeya ee dalka.

HORSEEDMEDIA.NET

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guuleystay doorashada Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya oo caawa lagu soo...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.