Tillamook

Federal Republic of Somalia: Election update

Recommended Posts

WARMURTIYEED: Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Golaha Wadatashiga heer Qaran ee Soomaaliya oo ka kooban Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxda Dawlad goboleedyada, ayaa shir uga socdey Muqdisho kasoo saaray Warmurtiyeed lagu saxiixay habraaca Doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qodobada kasoo baxay shirka ee ay isku waafaqeen Madaxda ayaan wax badan uga duwanayn kii ay hore usoo saareen Gudiga hirgelinta Doorashada Heer Federal ee Soomaalia (FEIT).

Ergooyinka oo ay xulayaan Madaxda dhaqanka ee Qabiilka iyo 2 xubnood oo ka socda bulshada rayidka ah ee qabiilka Kursiga leh, Gudi gaar ah oo maamulaya lacagta Doorashooyinka ku baxaysa, Khidmad laga qaadayo qofka Ergo noqonaya iyo habraaca amaanka ayaa kamid ah qodobada kasoo baxay shirka.

Hoos ka akhriso dhamaan qodobada ay soo saareen

HORSEEDMEDIA.NET

Golaha Wadatashiga heer Qaran ee Soomaaliya oo ka kooban Ra'isal Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxda...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Siyaasiyiinta Goboladda Waqooyi oo heshiis ka gaaray Doorashada

Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa heshiis ka gaaray khilaafkii u dhaxeeyay ee ku saabsan Guddiga maamulaya doorashooyinka Xildhibaanada Waqooyi.

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/laahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed ayaa heshiis ku gaaray in khilaafkii la xaliyo isla markaana la guda galo Doorashooyinka kuraasta Gobolada Waqooyi.

Qodobada la isku afgartay waxaa kamid ah in la isku dhafo guddiga Maamulaya doorashada Gudoomiye kuxigeen iyo Madaxa amniga la siiyo Gudoomiye Cabdi Xaashi si wadajir ahna ay uga wada shaqeeyaan doorashada.

Hoos ka akhriso heshiiska

HORSEEDMEDIA.NET

Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa heshiis ka gaaray khilaafkii u dhaxeeyay ee ku saabsan Guddiga...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Oo Ka Wada Hadlay Doorashada Golaha Shacabka

Raysal Wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay shir guddoomiyay shir ay aaladda fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka.

Kulanka oo diiradda lagu saaray dardargalinta doorashada Golaha Shacabka.

Shirka  ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo kala Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen), Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam , Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Gabagabadii kulanka ayaa la isku afgartay in si deg deg ah dhammaan Dowlad Goboleedyada looga bilaabo doorashooyinka Golaha Shacabka, laguna soo gabagabeeyo si looga fogaado dib u dhac ku yimaada doorashooyinka.

Horseed Media
 

HORSEEDMEDIA.NET

Raysal Wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay shir...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha Wadatashiga Qaran Oo Ka Wada Hadlay Doorashada Golaha Shacabka

Raysal Wasaaraha Xil-gaarsiinta ee dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay shir guddoomiyay  shir fogaan arag ah oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka  kaas oo diirradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka.

Wajiga hore ee kulanka waxa warbixin laga dhageystay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal kaas oo faahfaahin ka bixiyay dib u dhacyada ku yimid  jidwalka doorashooyinka, hufnaanta doorashada  iyo wadashaqeynta ay uga baahan yihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Waxa kulanka sidoo kale ka qeyb qaatay xubno matalayay Midowga Musharraxiinta oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed, Madaxweyne hore Xasan Shiikh Maxamuud iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

 

Xubnaha Midowga Musharaxiinta ee ka qeyb galay kulanka ayaa Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaranka ka dalbaday in la saxo qaladaadka ka jira habraacyada doorashooyinka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay hufnaanta doorashooyinka .

Wadahadal iyo falanqeyn dheer kadib xubnaha Gollaha Wadatashiga Qaranka waxa ay isku raaceen in si kama dambeys ah loo dardargaliyo qabashada kuraasta doorashooyinka iyo in Gollaha Wadatashiga Qaran uu isugu yimaado kulan dhawaan looga arinsanaya dhameystirka doorashooyinka.

Horseed Media
 

HORSEEDMEDIA.NET

Raysal Wasaaraha Xil-gaarsiinta ee dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay shir...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Farmaajo oo Rooble ku eedeyay in uu ka gaabiyay hirgelinta Doorashooyinka

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynde Farmaajo ayaa lagu shaaciyay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka gaabiyay hirgelinta doorashooyinka, isla markaana Madaxweynaha uu ku baaqayo shir wadatashi ah.
 

Madaxweynaha ayaa ku baaqay shir wadatashi ah oo ay isugu imaanayaan Goleyaasha Dowladda ee Heer Federaal, Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir, xilli Ra’iisul Wasaare Rooble uu kal hore shir isugu yeeray Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka kasoo baxay Villa Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo;

Markuu dib u eegay Xeerkii Madaxweyne ee uu ku magacaabay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble taas oo lagu faray in uu dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka u horseedda doorasho nabdoon;

Markuu arkay heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ee ay wada gaareen Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kaas oo uu Barlamaanka labadiisa Aqal ansixiyay, Madaxweynuhuna uu kusoo saaray Sharciga Lam. 30 (Law No. 30),

Markuu arkay habraacyadii hirgelinta doorashooyinka iyo xeerarkii lagu dhisay guddiyada heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee soo baxay 1-dii Oktoobar 2020;

Markuu tixraacay khudbaddii uu Madaxweynuhu ka horjeediyay Golaha Shacabka 1-dii May 2021 taas oo masuuliyadda hoggaaminta doorashooyinka uu u igmaday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble;

Markii ay u caddaatay in 14 bilood keddib saxiixii Heshiiskii 17ka Sebteembar 2020 in aysan wali dhammeystirmin doorashooyinka dalka;

Markuu arkay inuu Wasiirka Koowaad ka gaabiyay hogaaminta iyo hirgelinta doorashooyinkii uu u xilsaaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sidii ku caddayd khudbaddii uu Madaxweynuhu ka horjeediyay Golaha Shacabka 1-dii May, 2021.

Markii ay caddaatay in Ra’iisul Wasaarahu uu ka leexday dhibbihii hirgelinta doorashada isaga oo kala dhantaalay wadajirka guddiyadii loo igmaday fulinta iyo qabashada doorashooyinka kuna xadgubay madaxbannaanidooda shaqo.

Markuu arkay in Ra’iisul Wasaaraha uu soosaarayo go’aanno kaligiis u gaar ah oo ay ka dhalanayaan caqabdo khatar ku ah geeddi socodka doorashooyinka;

Wuxuu Madaxweynuhu xeeriyay qodobadan;

1. In Ra’iisul Wasaaruha uu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday ee ahaa hogaaminta doorasho ku dhisan Heshiiskii 17kii Sebtember 2020 iyo habraacyadii dhammeystirayay ee soo baxay 1-dii Oktobar 2020;

2. Madaxweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la isugu yimaado shir wadatashi ah oo lagu saxayo jihaynta doorashooyinka kaas oo ay kasoo qeybgalayaan Goleyaasha Dowladda ee Heer Federaal, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si la isugu waafaqo hoggaan awood u leh hirgelinta doorasho dhammeystiran oo si hufan dalka uga dhacdo.

3. Madaxweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la dhagaysto talooyinka waxgaradka, siyaasiyiinta, iyo bulshada rayidka ah ee qaba tabashooyinka la xiriira doorashooyinka si loo helo hannaan doorasho oo ku dhammaada jawi nabdoon oo loo siman yahay.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynde Farmaajo ayaa lagu shaaciyay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

RW Rooble: Musharrax gaar ah lagama aqbalayo in uu ku takri falo doorashada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka jawaabay Warqaddii xalay kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo, taasoo lagu sheegay in uu gabay howlihii doorashada ee loo igmaday.
 

Qoraal dheer oo uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay Musharrax gaar ah laga aqbali doonin in uu ku takri falo doorashada hadalkaasoo jawaab cad u ah qoraalkii kasoo baxay Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu aad uga xun yahay qoraalka saaka aroortii kasoo baxay Xafiiska Madaxwaynaha, Qoraalkaas waxa uu ahaa mid si ku talo-gal ah uu Madaxwaynuhu ugu carqaladaynayo hannaanka Doorashada Dalka oo maraya marxalad aad xasaasi u ah.

Sida ka muuqata waqtiga lagu soo beegay qoraalkan oo ah xilli loo balansanyahay Kulanka Golaha wadatashiga Qaranka oo la doonayo in lagu dardargaliyo howlaha Doorashooyinka, iyo ilaalinta hufnaanta doorashada, waa qorshe uu Madaxwaynuhu ku doonayo in uu uga hortago kulanka Golaha taas oo si cad u muujinaysa in aanu Madaxwaynuhu marna raali ka noqon, kana noqondoonin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho ay ku kalsoonaan karaan Bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan la wadaagaynaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba in Madaxwaynuhu intii uu Xafiiska joogay uu waqti, maal iyo maskaxba ku bixinayay sidii uu kusii joogi lahaa xafiiska isaga oo isku dayaya in doorashadu noqoto oo kaliya mid ka jawaabaysa doonistiisa ama uu wadada u xaarto muddo kororsi sharci-darro ah.

Tan iyo intii uu Ra’iisul Wasaauruhu la wareegay hoggaaminta howlaha doorashada, Madaxwaynuhu waxa uu si joogto ah caqabad ugu ahaa hirgalinta doorashadii lagu heshiiyay, isaga oo isticmaalayay xeelado kala duwan kuwaas oo markii mid la xaliyaba uu buurayay mid kale ilaa uu saaka si cad oo sharciga baalmarsan u soo saaray baaqan mas’uuliyad-darrada ah.

Waxaa xusid mudan in doorashada uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaruhu ay tahay mid ay u siman yihiin dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Musharaxiinta u tartamaya hoggaanka dalka oo uu ku jiro Madaxwaynahu sidaas darteed lama aqbali karo in Musharax gaar ah uu isku dayo in uu doorashada ka dhigo mid uu natiijadeeda ku leeyahay saamayn gaar ah.

Haddaba, waxaan Shacabka Soomaaliyeed u caddayneynaa in mas’uuliyadda doorashadu ay saaran tahay Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wadatashiga Qaranka, sidaas awgeed shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qabsoomaya Magaalada Muqdisho sidii uu ku tala galku ahaa.Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu wadaa Kulammo aragti wadaag ah oo uu la leeyahay, Bulshada Rayidka ah, Golaha Musharaxiinta iyo Beesha Caalamka si looga dhagaysto talooyinkooda la xiriira hufnaanta doorashada iyo dhammaystirka Golaha Shacabka oo waqtiyaysan kuwaas oo lagu dhamaystiri doono kulanka Golaha Wadashiga Qaranka ee qorshaysan.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu la socodsiinayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamka in la joogo xilligii si wadajir ah looga hor-imaan lahaa shaqsiyaadka caqabadda ku ah nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya si looga baaqsado in uu dalku galo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.Ugu danbayn.

Ra’iisul wasaaruhu isaga oo gudanaya waajibaadka qaran ee uu siiyay Dastuurka KMG ah ,raacayana Heshiisyada Siyaasadeed ee awoodda u siiyay hogaaminta Doorashada iyo Amniga, wuxuu u balanqaadayaa Shacabka Soomaaliyeed isaga oo kaashasnaya Golaha wadatashiga Qaranka in uu xoggiisa isugu gaynayo dhamaystirtka Doorashada iyada oo la ilaalinayo hufnaanteeda maadaama xalka kaliya ee u furan Qarankaan ay tahay Doorasho horseeda in awoodda loogu kala wareego si sharci ah oo nabdoon.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka jawaabay Warqaddii...

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Farmaajo oo sheegay inuu shaqada ka joojiyey RW.Rooble

Qoraal xalay saqdii dhexe uu shaaciyey xafiiska Madaxweynaha Dowlada Federaalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in xilka laga joojiyey Raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynaha wuxuu soo saaray go’aamadan;

1. Maadaama Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu soo galay raad musuqmaasuq iyo ku takrifal hanti dan guud, uuna haatan socdo baaritaan looga gun gaarayo tuhunkaas, waxaa laga joojiyay shaqada iyo awoodaha uu leeyahay Wasiirka Koowaad tan iyo inta baaristaas laga soo gunaanadayo;

2. Xubnaha kale ee Golaha Xukuumadda waxay sii wadanayaan waajibaadkooda shaqo si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dalka;

3. Waxaa lagu adkaynayaa dhammaan masuuliyiinta hay’adaha dowladda inay ka fogaadaan ku takrifalka hantida danta guud, ayna dhawraan shuruucda iyo xeerarka dalka.
 

Go’aankan oo la isweydiinayo inuu sharciga waafaqsan yahay maadaama Madaxweynuhu uusan awood ullahayn xil ka qaadista Raysalwasaaraha xili bartamaha looga jiryo Doorashada Golaha Shacabka oo xilkoodii dhamaaday, isla markaana la doortay Aqalka Sare ee Baarlamaanka cusub ee Dowlada Federaalka.

Farmaajo ayaa go’aankiisan u cuskaday eedeyntii uu todobaadkan soo jeediyey Taliyaha Ciidamada Badda oo sheegay in Raysalwasaaraha la wareegay dhul ay lahaayeen ciidamada badda oo ku yaal xeebta magaalada Muqdisho.

Raysalwasaaraha ayaa isuguna amaro uu soo saaray xilalka ugu kala bedalay Wasiirada Gaashaandhiga iyo Cadaaladda maalinimadii shalay.
 

HORSEEDMEDIA.NET

Qoraal xalay saqdii dhexe uu shaaciyey xafiiska Madaxweynaha Dowlada Federaalka Maxamed Cabdullahi...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

RW.Rooble oo sheegay inuu shaqadiisa wadan doono digniina u diray Farmaajo

Xafiiska Raysalwasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay sharci daro tahay qoraalkii xalay saqdhexe kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Raysalwasaaraha oo sheegay inuu shaqadiisa sii wadan doono ayaa sidoo kale ka digay iskudayga Farmaajo doonayo inuu awood ciidan kula wareego xafiiskiisa.
 

Warka ka soo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee khuseeya shaqada Ra’iisul Wasaaraha iyo isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waa tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka, mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah.

HORSEEDMEDIA.NET

Xafiiska Raysalwasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay sharci daro tahay qoraalkii xalay saqdhexe...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.