Tillamook

Federal Republic of Somalia: Election update

Recommended Posts

Key election dates in Somalia:

July 23: Polling locations ready

July 25: Election, Upper House

July 10 - Aug 10: Selection of electoral delegates

Aug 10 - Sept 10: Election, Lower House

Sept 20: Swearing-in of MPs; election of speakers & deputies.

Oct 10: Presidential election

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jubaland: Shaacinta Jadwalka Doorashada Aqalka Sare

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray Jadwalka Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo dooranayo Jubbaland.

Qoraal ay soo saareen Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in maalinta berri ay bilaabaneyso Diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartameysa kuraasta Xildhibaanada Aqalka Sare, ayna ku egtahay isla berri oo Arbaco ah.

Sidoo kale Guddiga hirgelinta doorashooyinka ayaa shaaciyay in doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Jubbaland ay dhaceyso 29-ka July oo ku beegan maalinta Khamiista, sida ku Cad Jadwalka lasoo saaray.

Hoos ka akhriso:

HORSEEDMEDIA.NET

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray Jadwalka Doorashada Xildhibaanada...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jubaland: Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare Oo Qabsoontay

Waxaa maanta lagu doortay dowlad goboleedka Jubaland xubnihii ugu horreeyay ee aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya, taas oo muujinaysa inay billaabatay doorashada Soomaaliya, kadib dhowr jeer oo dib u dhac kuyimid.

Kursiga u horeeyey ayaa waxaa helay Ilyaas Badal Gaboose oo ahaa guddoomiyihii hore ee Gobolka Jubada Hoose, wuxuuna ku guuleystay 55 cod, halka Maxamed Axmed Sayid oo la tartamayey uu helay 17 cod. Guud ahaan waxaa codeeyey 73 cod, iyadoo hal cod uu xumaaday.

Sidoo kale, Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ku guuleystay kursigii labaad ee Aqalka Sare, kadib markii uu sida la sheegay tanaasulay Axmed Maxamed Jaamac oo la tartami lahaa, waxaana ka aamusay laba xildhibaan.

Kursiga Saddexaad ayaa waxaa ku tartamay Xaliimo Jaamac Maxamed iyo Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan, waxaana 59 Cod ku guuleystay Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan halka Xaliimo Jaamac Maxamed ay heshay 12 Cod.

Ugu dambayn Kursiga afaraad ayaa waxaa ku guuleystay Iftiin Xasan Iimaan Baasto, oo loogu codeeyey hab gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay Ibraahim Yacquub oo la tartamayey.

Afarta Sanatar ee maanta ku guuleystey doorashada ayaa kala ah;

1- Ilyaas Badal Gaboose.
2- Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag,
3-Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan iyo
4-Iftiin Xasan Iimaan Baasto

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Waxaa maanta lagu doortay dowlad goboleedka Jubaland xubnihii ugu horreeyay ee aqalka sare ee baarlamanka...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Axmed Madoobe oo casho sharaf u sameeyay Guddiyada Doorashooyinka & Xildhibaannada Aqalka Sare ee la doortay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa Aqalka martida casho sharaf ugu sameeyay Gudiyada hirgelinta Doorashooyinka ee kala duwan, guddoonka Baarlamaanka Jubbaland iyo Xildhibaanada Aqalka Sare ee maanta la doortay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhamaan dhinacyadan uga mahadceliyay shaqadii wanaagsanayd ee ay qabteen, maalmahii lasoo dhaafay isagoo ku booriyay in waxyaabaha dhiman iyo shaqooyinka loo baahanyahay inay sii laba jibaaran si arrimaha Doorashooyinka ay ugu dhacaan qaab Wanaagsan.

 

HORSEEDMEDIA.NET

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa Aqalka martida...

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jadwalka doorashada Aqalka sare ee K/galbeed oo la shaaciyay

Kadib markii uu madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uu maanta shaaciyay Liiska xubnaha u tartamaya Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la soo saaray jadwalka faah faahsan ee qabashada doorashada Aqalka sare.

Maanta oo sabti ah waxaa la shaaciyay magacyada musharaxiinta, beri oo axad ahna waxaa la qabanayaa codsiyada tartamayaasha halka isniinta oo ku beegan 2-bisha Agoosto kulansaneyso jeedinta khudbadaha musharaxiinta xubnaha Aqalka sare iyo qabashada doorashada,sida ay sheegeen guddiga maamulka doorashada heer Dowlad goboleed koonfur galbeed.

HORSEEDMEDIA.NET

Kadib markii uu madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uu maanta...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Labo Haween ah Oo Kusoo Baxay Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare Ee K/Galbeed.

Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur galbeed, ayaa soo gunaanaday doorashadda shan kursi kamid ah 8-senatar ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo laga soo doorto Koonfur galbeed.

Shanta Senater ee kamid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ayaa labo kamid ah waxaa ay yihiin dumar, wuxuuna dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya noqonayaa dowlad goboleedkii labaad ee qabta doorashada kuraasta aqalka sare marka laga reebo Jubbaland oo ka horeysay.

 

5-ta Senater ee ku guuleystay kamid noqoshada Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka sare ayaa kala ah:

 1.  Sen. Ayaan Aadan Cabdullahi

  1. Sen. Samsam Ibraahim Cali

  1.  Sen. Aadan Cabdinaasir Maxamed

  1.  Sen. Xuseen Maxamed Daahir

  1. Sen. Maxamuud Maxamed Cabdinuur

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur galbeed, ayaa soo gunaanaday doorashadda shan kursi kamid ah...

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garab Kamid Ah Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi Oo Doortay Guddoon

Guddiga doorashada Somaliland ee Garabka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa goor dhow Guddoon ku doortay Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Xubnaha Guddiga ee is-doortay oo ka koobnaa 7-xubnood ayaa Guddoomiye u doortay inuu noqdo Khadar Xariir Xuseen, iyagoona cod gacan taag ugu codeeyay, isla markaana waxaa uu helay 7 Cod, mana jirin cid diiday ama ka aamustay.

Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashada Somaliland ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Najiib Xuseen Samaale iyo Amal, waxaana ku-xigeenka Guddoomiyaha loo doortay Najiib Xuseen oo helay 6 Cod.

Doorashada ka dhacday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka maqnaa xubnaha afarta ah ee uu soo magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kuwaasi oo aan ka qeyb gelin doorashada.
 

Afarta xubnood oo mid ah Guddiga doorashada ayaa diiday inay ka qeyb galaan doorshada hoggaanka Guddiga, waxaana guul-dareystay dadaalo socday oo lagu doonayay in lagu xaliyo tabashada garabka Cabdi Xaashi, balse laguma guuleysan.

Goobta ay ka dhaceysay doorashada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha, Waaiir ku-xigeenka Warfaafinta, Wasiiu-Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Guddiga doorashooyinka heer Federaal.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Guddiga Doorashada G/Waqooyi ee Garabka Mahdi Guud Guddiga doorashada Somaliland ee Garabka Ra’iisul Wasaare...

 

 


 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddiga Doorashada G/Waqooyi Ee Garabka Cabdi Xaashi Oo Guddoon Doortay

Guddiga doorashada Somaliland ee garabka Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa goor dhoweyd Guddoon ku doortay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Xubnaha Guddiga ee uu soo magacaabay Cabdi Xaashi oo ka kooban 4-xubnood ayaa Guddoomiyaha Guddiga doorashada Somaliland u doortay inuu noqdo Suleyman Caydiid Cismaan, halka ku-xigeenka loo doortay Cabdishakuur Abiib Hayir.

Doorashadan ay isku doorteen afarta xubnood ee Cabdi Xaashi ayaa kusoo aaday, iyada oo duhurnimadii Maanta Guddiga doorashada Somaliland garabka Mahdi Guuleed ay Guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa ku doorteen Teendhada Afisyooni.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Somaliland ee Garabka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa loo doortay inuu noqdo Khadar Xariir Xuseen, halka Guddoomiye ku-xigeen loo doortay Najiib Xuseen Samaale, waxaana doorashada ka qeyb ahaa saddexda xubnood ee Guddiga ee uu soo magacaabay RW Rooble.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Guddiga Doorashada G/Waqooyi ee Garabka Cabdi Xaashi Guddiga doorashada Somaliland ee garabka...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddiga Doorashooyinka FEIT oo soo saaray Habraaca Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ( FEIT ) ayaa soo saaray Habraaca Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga ayaa Awoodda soo xulista Ergada siiyay Odayaasha dhaqanka Beelaha iska leh kuraasta Xildhibaanada iyo ururada Bulshada Rayidka.

Sidoo kale Guddiga ayaa shuruud uga dhigay Beeshii kasta ee iska leh 3 kursi in mid kamid ah lasiiyo haweenka Beesha si looga dhabeeyo Qoondada Haweenka.

Guddiga ayaa lacagta isdiiwaangelinta Musharixiinta Ragga ah gaarsiiyay lacag dhan $10,000 Doollar halka haweenka musharrixiinta ah la gaarsiiyay $5,000 Doollar.

Hadaba Hoos ka akhriso habraaca oo dhameystiran.

HORSEEDMEDIA.NET

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ( FEIT ) ayaa soo saaray Habraaca Doorashada Xildhibaannada Golaha...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

WARMURTIYEED: Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Golaha Wadatashiga heer Qaran ee Soomaaliya oo ka kooban Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxda Dawlad goboleedyada, ayaa shir uga socdey Muqdisho kasoo saaray Warmurtiyeed lagu saxiixay habraaca Doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qodobada kasoo baxay shirka ee ay isku waafaqeen Madaxda ayaan wax badan uga duwanayn kii ay hore usoo saareen Gudiga hirgelinta Doorashada Heer Federal ee Soomaalia (FEIT).

Ergooyinka oo ay xulayaan Madaxda dhaqanka ee Qabiilka iyo 2 xubnood oo ka socda bulshada rayidka ah ee qabiilka Kursiga leh, Gudi gaar ah oo maamulaya lacagta Doorashooyinka ku baxaysa, Khidmad laga qaadayo qofka Ergo noqonaya iyo habraaca amaanka ayaa kamid ah qodobada kasoo baxay shirka.

Hoos ka akhriso dhamaan qodobada ay soo saareen

HORSEEDMEDIA.NET

Golaha Wadatashiga heer Qaran ee Soomaaliya oo ka kooban Ra'isal Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxda...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.