Tillamook

Federal Republic of Somalia: Election update

Recommended Posts

Farmaajo oo ku khasbanaaday in uu ka laabto Muddo kororsigii

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo hadal ka jeedinayay kulan gaar ah oo goordhawayd ka furmay xarunta Golaha shacabka ayaa sheegay in uu Ra’iisul Wasaaraha ku wareejiyay hogaaminta iyo diyaarinta arimaha doorashooyinka oo muran badan uu ka taaganyahay.

Farmaajo ayaa kulanka ka sheegay in qaban qaabada saxiixa heshiiskii doorashooyinka 17-ka September uu sidoo kale maamuli doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble isagoona faray Xukuumadda in ay u diyaargarowda howlahaas baaxadda leh.

Xildhibaanada Wakhtigoodu dhamaaday ayuu ka dalbaday in ay ansixiyaan heshiiskii arimaha doorashooyinka ee dib loogu soo celiyay.

“Waxaan rabaa in aan cadeeyo In Ra’iisul-wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hogaamin doono Diyaarinta, Hirgalinta doorashada, & Amnigeeda, si ay doorashadu ugu qabsoonto jawi nabad ah oo xasiloon, waxaan kale oo Ra’iisulwasaraha u xilsaaray qabanqaabada iyo martiqaadka Saxiixayaashii Heshiiskii 17 September 2020, si loo meelmairyo heshiiskas iyo talooyinkii Farsamo ee kasoo baxay Shirkii Baydhabo 16kii Febraayo 2021, Waxaan faraya Xukuumadda in ay u diyaar garowdo howshaas baxada weyn ee hortala” ayuu yiri Farmaajo.

Intaasi kadib xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah ku meelmariyay in dib loogu laabto hanaankii doorashada ee horey ay madaxda Dowladda iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ugu heshiiyeen Muqdisho.

140 xildhibaan ayaa u codeeyay in lagu laabto heshiiskii is-afgaradka ahaa ee doorashooyinka mana jirin cid diiday ama ka aamustay.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo hadal ka jeedinayay kulan...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Rooble: “Waxaan rajeynayaa howsha doorashada inaan u maareeyo sida ugu wanaagsan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shir jiraa’id caawa ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay talaabadii madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday uu ugu soo wareejiyay qorshaha hogaaminta arimaha doorashooyinka.

Rooble ayaa uga mahadceliyay xildhibaanada wakhtigu ka dhamaaday Golaha shacabka go’aankii ay ku aqbaleen soojeedinta Farmaajo ee ah in dib loogu laabto hanaanka doorashada ee lagu heshiiyay 17-kii September isagoo sheegay howsha loo xilsaaray uu u maareyn doono sida ugu waanagsan.

“Anigoo rajeynaya in aan ku guuleysto howshaas iyo masuuliyadeeda muhiimadda u ah masiirka dalka una maareyno sida ugu wanaagsan haduu Alle idmo, Baarlamaanka waxaan uga mahadcelinaa sida ay u tixgaliyeen duruufaha adag ee dalku marayo una ogolaadeen in dib loogu laabto hanaankii doorashada ee 17-ka September”.

“Waxaan rabaa in aan halkan uga cadeeyo shacabka Soomaaliyeed ,dowlad goboleedyada ,siyaasiyiinta iyo dhamaan daneeyaasha siyaasadda dalka in ay naga go’aanka tahay dalka inay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo daahfuran iyadoo aan cidna xaqeeda la duudsiinayn” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Rooble.

Dhanka kalena Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay ciidamada ka gadooday go’aankii muddo kororsiga in ay ku laabtaan xeryahooda isagoona intaa ku daray hadalkiisa in uu magacaabayo guddi kasoo talabixiya saameynta Ciidanka ay ku yeesheen arimaha siyaasadda.

“Mar hadii xal laga gaaray arimihii xasaradaha abuuray waxaan ugu baaqayaa dhinacyada oo dhan in ay nabadda nagala shaqeeyaan ,Ciidamada waxaan farayaa in ay dib ugu laabtaan xeryahooda ,si loo xaliyo arimihii siyaasadda ee saameyntaa ay ku yeesheen Ciidanka waxaan magacaabayaa guddi farsamo oo arintaasi kasoo talabixiya”.

Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaba gabadii sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan uu u dhigi doono gogol lagu dhameystirayo heshiiska arimaha doorashada isla markaana ku casuumi doono madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyadoo la waafajinayo is afgaradkii 17-ka September iyo kii 16-kii Febraayo.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Rooble oo la shiray wakiilada Beesha Caalamka

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir la qaatay xubnaha wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya gaar ahaan arimaha geedi socodka doorashooyinka.

Si gaar ah Wakiilada Beesha Caalamka iyo Rooble ayaa shirkooda uga wada hadlay fududeynta howlaha horyaala Ra’iisul Wasaaraha oo ay ugu horeeyaan shirka soo socda ee 20-ka bisha May ee Golaha wadatashiga Qaran kaas oo looga arinsan doono soo afjaridda qodobada la isku khilaafsan yahay ee qabsoomidda doorashada.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa xoogga saaraya sidii hogaamiyayaasha Soomaalida ay u dadajin lahaayeen arimaha doorashooyinka loona soo afjari lahaa mad-madowga iyo khilaafka hareeyay qabsoomidda doorashada oo dhaaftay xiligii loogu talagalay.

HORSEEDMEDIA.NET

Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir la qaatay xubnaha...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Midowga Musharixiinta oo walaac ka muujiyay Dhex dhexaadnimada RW Rooble

Warsaxaafadeed ku qornaa luuqadda Ingiriiska oo kasoo baxay Midowga Musharixiinta isla markaana loo diray Wakiilada Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay Golaha uu walaac ka qabo in Ra’iisul Wasaare Rooble uu dhex-dhexaad ka noqon waayo howlaha doorashada, isla markaana uu u nuglaado cadaadis uga imaanaya dibadda.

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha in uu muujiyo Madax banaanidiisa hirgelinta arimaha Doorashada ee dhaaftay wakhtigii loogu talagalay iyagoo ugu baaqay in uu joojiyo safarada dibadda ee aan muhiimka ahayn isla markaana uu si deg deg ah u guda galo howlaha doorashada.

Horaantii Bishan May ayay ahayd markii uu Ra’iisul Wasaare Rooble sheegay in uu la wareegay howlihii doorashada xiligaas oo uu balan qaaday in uu si hufan oo deg deg ah u maareyn doono hirgelinta doorashada dalka.

Warka kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa kusoo beegmaya xili 20-ka bishan oo Afar cisho ayna naga xigaan ay ku asteysan tahay xilligii uu Ra’iisal Wasaaraha Xil-gaarsiinta Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble iclaamiyay in shir ay Muqdisho isugu imaanayaan Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Xukuumadda laguna dardar gelinayo hirgelinta heshiis laga gaaro arimaha Doorashooyinka.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Xubnaha Golaha Midowga Musharixiinta xilka Madaxweyne ee Soomaaliya ayaa shaki galiyay Howlaha hogaaminta...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii Afisyooni Oo Furmay Iyo Farmaajo Oo Ka Maqnaa

Shirkii Wadatashiga Doorashooyinka ee madaxda dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ka furmay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa maalintii koowaad soo gaba-gaboobay.

Shirka Wadatashiga furmay ayaa waxaa looga hadlay sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka September iyo sidii loo xalin lahaa khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo heshiis aan laga gaarin.

Qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayuu rajo wanaagsan kaga muujiyey doodaha Shirka Madaxda, isla markaana ay noqon doonaan doodaha kuwo ku qotoma danta dalka iyo rajada Shacabka Soomaaliyeed.
 

————————————————————

Waxaan rajo weyn ka qabaa in doodaha siyaasadu ay noqdaan kuwo ku qotoma danta dalka iyo rajada Shacabka Soomaaliyeed isla markana dalku uu aado doorasho loo dhan yahay”

Axmed Madoobe

————————————————————-

Shirkaan ka furmay Teendhada Afisyooni ayaa ka duwanaa shirarkii hore ee looga hadlaayay doorashooyinka dalka, waxaana Shirka furitaankiisa ka maqnaa madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamulka Doorashada wareejiyay.

Horseed Media
 

HORSEEDMEDIA.NET

Shirkii Wadatashiga Doorashooyinka ee madaxda dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Rooble: ” Si wanaagsan ayuu noogu furmay Shirka Golaha Wadatashiga Doorashooyinka “

Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay shirka magaalada Muqdisho uga furmay maanta Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha xubnaha ka ah ee looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka.

————————————————————-
“Waxaa maanta si wanaagsan noogu furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka. Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan uga mahadcelinayaa ka soo qeyb galkooda.Waxaan rajeynayaa in uu Guul noogu dhammaado shirkan muhiimka u ah masiirka dalka.”

RW Maxamed Xuseen Rooble

————————————————————

Saacado ka hor ayuu soo gabagaboobay maalinkii koowaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka ee ka furmay Muqdisho uuna shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble. Shirka oo ku soo idlaalay jawi is faham ayaa la isugu soo laaban doonaa berri oo Axad ah.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay shirka magaalada...

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii Teendhada Afisyooni Oo Maalinkii 2aad Soo Dhamaaday

Waxaa maalintii labaad soo dhammaaday Shirka Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee ka socday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Shirka oo looga hadlayo dhameystirka heshiiskii 17-kii September ayaa Maanta waxaa ay Madaxda uga doodeen qodobada u baahan in xal laga gaaro ee khilaafka uu ka jiro, si loo qabto doorasho xor oo heshiis lagu wada yahay.
 

Afhayeenka Dowlada Puntland Jaamac Dabaraani oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in shirka Madaxda uu maalintii labaad kusoo idlaaday si habsami leh, wuuna tilmaamay inuu sii socon doono Shirka, isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay natiijada kasoo bixi karta.

Shirka Wadatashiga Qaran ee shalay ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in maalmaha soo socda lasoo gaba-gabeeyo, isla markaana heshiis rasmi ah looga gaaro khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Waxaa maalintii labaad soo dhammaaday Shirka Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul...

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii Ugu Dambeeyey Shirka Afisyooni

Shirka Wadashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada oo sabtida todobaadkaan ka furmay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta galay maalintii 4aad oo xiriir ah.

Madaxda ayaa dood adeg ka yeeshay saddex qodobo oo dhowr jeer fashiliyay shirar looga hadlaayay Doorashada dalka ka dhaceysa uuna ka taagnaa khilaaf , kuwaasi oo kala ah arrinta Guddiyada doorasho, Gobolka Gedo iyo arrinta Somaliland.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa wada dadaalo kala duwan oo ay ku doonayaan in lagu xaliyo khilaafka ka taagan Guddiga maareynta doorashooyinka Gobolada Waqooyi oo ay isku hayaan Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka.

Shirka Wadatashiga Qaran oo maalintii sabtida ka furmay  Teendhada Afisyooni ayaa maalintii afaraad oo xiriir ah galay, waxaana ka qeyb galaya RW Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Shirka Wadashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada oo sabtida todobaadkaan...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumada Rooble Oo Shaacisay Xiliga Lasoo Xirayo Shirka Madaxda Ee Muqdisho

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka oo uu shir guddoominayo Raysal wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa galay maalintiisi afraad, waxaana laga gaaray natiijo wanaagsan,

Shirka Wadatashiga oo todobaadkaan ka furmay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa horumarro laga sameeyay qodobbadii laga wada hadlayay ee khuseeyay doorashooyinka dalka.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey shirka wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka, waxaana uu tilmaamay in Shirka lagu wado in lasoo xiro maalinta khamiista ee soo socota.

—————————————————————

“Ra’iisul Wasaaraha oo had iyo jeer xudun u ahaa wadahadaladana waxaa uu ahaa qofka habeen iyo maalin ka shaqaynayey in shirku uu guuleysto” 

Macalimuu

—————————————————————

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka oo uu shir guddoominayo Raysal wasaaraha...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
20 hours ago, Duufaan said:

Tillamook

Finally over?  With all  the drama I hope Garoowe will get the next PM!

Dufaan, you are so backward ninyahow… Puntland is past the stage when mere political offices such as presidency and premiership would suffice to wield political power in Somalia. 😁

After the relentless political thrashing N&N supporters and Useless Farmaajo have gotten from Puntland these past few years, I’m sure you’d agree.😁

I’d personally would like to see one of the laangaab communities of Somalia to get elected this time around for the presidency and/or premiership. Just imagine a hapless h@bar from waqooyiga Soomaaliya  as president of Somalia or some other  Gudhuu Gareen as PM…😂

SOOMAALIYA HA NOOLAATO 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Akhriso: War-murtiyeedka Shirka Wadatashiga Qaran Ee Doorashooyinka

Waxaa war-murtiyeed laga soo saaray shirka wadatashiga qaran ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni, halkaasi oo ay ku shirsanayeen Ra’iisul Warasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolkani Banaaadir.

Qodobada War-murtiyaadka ayaa waxaa kamid ah in la bedelo xubnaha guddiga Doorashada ee doodda dhaliyay,iyadoo muddo toddobaad gudihiis ah lagu magacaabayo isla markaana guddiga ay dooran doonaan hoggaan cusub.

In Gudoomiyaha Garbahaareey iyo Maamulkiisba uu soo magacaabo Madaxweynaha Jubbaland, in amniga ay sugaan Amisom Boolis ah.

In guddiga doorahada Soomaaliland uu 6Xubnood uu soo magacaabo Gudoomiyaha aqalka sare.

In ciidamada aysan ku milmin siyaasadda.

In 60 Maalmood gudahood ay ku dhacdo Doorashada Soomaaliya.

Arinta Soomaaliland  Waxaa hogaaminaya Ra’iisul Wasaaraha asaga oo la tashanaya Gudoomiyaha aqalka iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka.

Hoos ka akhriso:

HORSEEDMEDIA.NET

Waxaa war-murtiyeed laga soo saaray shirka wadatashiga qaran ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada...


 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumadda oo sheegtay in Guddiyada Doorashada laga saaray Xubnihii la tuhunsanaa ee muranka dhaliyay

Go’aankan ayaa imaanaysa iyadoo horey musharixiinta xilka Madaxweyne ay horey u soo gudbiyeen liiska xubnaha cabashada laga qabo kuwaasoo ay tuhmeen in ay kamid yihiin Shaqaalaha ,Ciidanka iyo taageerayaasha dowladda.

Wasiiro Gudigan o xalay shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay baaritaan ay sameeyeen kadib xubnaha ay ku cadaatay eedeynta horey loogu jeediyay intaas kadibna ay go’aansadeen in laga saaro gudiyada Doorashooyinka.

 

Waxa ay sheegeen Guddiga in 48 saacadood gudahood ah lagu soo magacaabayo xubnihii badali lahaa 34 ta xubnood ee guddiyada Doorashada laga saaray.

Dhawaan ayeey aheyd markii Midowga Musharaxiinta ay Ra’iisul Wasaare Rooble u gudbiyeen Liiska ilaa 67 qof oo ah kuwa tuhun la geliyay dhexdhexaadnimada Doorashada kuwaasoo ka tirsan Shaqaalaha dowladda ,Ciidanka iyo Taageerayaasha madaxweyne Farmaajo.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Guddiga Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya uu u xilsaaray kasoo talabixinta Gudiyada Doorashooyinka heer federaal ayaa xalay...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

June 28, 2021
 

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka Furmay

Shirweynaha Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhaw ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo uu shir gudoominayo Ra’iisul Wasaare Rooble ayna ka qeybgalayaan Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada ayaa looga hadlayaa arrimo la xiriira Doorashooyinka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa habka fogaan-arag [Zoom] ugu qeybgalaya Shirka iyadoo la xalliyey tabasho uu ka qabay qabsoomidda shirkan.

Qodobada ugu waa weyn ee hada diiradda lagu saarayo Shirka waxaa kamid ah caqabadihii kasoo laabtay heshiiskii Doorashada ee madaxdu ay gaareen 27-Kii May sida mudadii 60 maalmood ee hirgelinta doorashada oo kala bar mudadaas ay tagtay iyo si guud wax ka badalka Heshiiskii Doorasho ee la gaaray 17-kii September.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Shirweynaha Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhaw ka furmay magaalada Muqdisho. Shirkan oo uu shir...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.