Tillamook

Federal Republic of Somalia: Election update

Recommended Posts

Somalia : Statement by the High Representative/Vice-President Josep Borrell on the current political situation

Somalia’s leaders need to find a compromise leading to an immediate electoral process and a peaceful transfer of power, through the implementation of the September 17 agreement. The current lack of agreement seriously delays the pace of urgently needed reforms, for the detriment of Somalia’s citizens.

When individual priorities prevail over the general interest of the country, political leaders discredit themselves to represent their citizens. Those who undermine the dialogue or resort to the use of violence will be exposed to measures and will face the consequences of their actions.

Somalia’s federal and Member State leaders must honour their responsibilities to the people of Somalia and hold Parliamentary and Presidential elections immediately. No alternative, unilateral or partial process will receive our support.

 

EEAS.EUROPA.EU

EEAS - European External Action Service - European Union External Action

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

^
Key demand from the E.U: “An immediate electoral process and a peaceful transfer of power”.

The pressure being slowly brought to bear on Useless Farmaajo will undoubtedly lead him to yield and capitulate unconditionally —I don’t think he can hold out much longer.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   
3 hours ago, Tillamook said:

Key demand from the E.U: “An immediate electoral process and a peaceful transfer of power”.

Isn't what we all want ? 

Furthermore, they didn't  mention Badbaado Qaran or all these Halaqne compound shenanigans'. Everyone is saying implement what have been agreed upon in September 17. They can form as many loosely named groups: golaha mushariixinta, Badbaado qaran and so on. 

Remember on the September 17 agreement there is no Ina C/shakuur or Cabdi Xaaji.

Share this post


Link to post
Share on other sites

UNSOM: ” Ma taageeri doono doorasho hal dhinac ah”

Qoraal kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la joogo xiligii Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay yeelan lahaayeen Shir wadatashi ah oo heshiis looga gaarayo khilaafka doorashada, maadaama dhammaantood ay ku sugan yihiin Magaalada muqdisho.

Waxay si cad u sheegtay in aysan taageeri doonin hanaan doorasho oo hal dhinac ah ama isbarbar socda ama tillaabo kasta oo horseedeysa kordhinta muddo xileedkii hor.

Iyadoo ay Muqdisho ku sugan yihiin dhammaan hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee Soomaaliya, waxaa hadda la joogaa xilligii wadatashiyo aan rasmi ahayn ay yeelan lahaayeen si ay ugu heshiiyaan sidii horay loogu sii wadi lahaa shir madaxeedka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ee xubnaha ka ah federaalka loona aado doorashooyinka.”

Qaramada Midoobay

HORSEEDMEDIA.NET

Qoraal kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la joogo...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beesha Caalamka iyo madaxweynayaasha dowlada xubnaha ka ah Federaalka oo lagu wado in ay kulmaan

Shir u dhaxeeya madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo xubno ka socda beesha Caalamka ayaa lagu wadaa in uu galabta ka furmo Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aade Cadde.


Soojedinta shirka ayaa ka timid xubnaha beesha Caalamka waxaana sida ilo xog ogaaal ah ay sheegayaan lagu gorfeyn doonaa sidii xal maangal ah loogu raadin lahaa khilaafka ka taagan arimaha doorashooyinka.


Wakiilada beesha Caalamka ayaa shalay soo saaray warsaxafaadeed kale oo ay ku sheegeen in aysan taageeri doonin hannaan doorasho oo hal dhinac ah ama tillaabo kasta oo horseedeysa kordhinta muddo xileedka hay’adihii xilku ka dhamaaday.

Shirkan ayaa gaar u noqon doona xubnaha ka socda Beesha Caalamka iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada shanta ah ee Puntland ,Jubaland,Galmudug,Hirshabeelle iyo Koonfur galbeed waxaana ilgaar ah ku haya madaxda wakhtigu ka dhamaaday ee Federaalka oo dibadjoog ka ah.

Dhinaca kalena waxaa saaka tiro hoobiyayaal ah lagu weeraray xerada Afisyooni ee la filayo in uu shirka ka furmo iyadoo qaar kamid ah hoobiyayaasha ay ku dhaceen guryo ay dagan yihiin dad rayid ah lana soo warinayo inuu geystay khasaare nafeed iyo burbur dhismayaal.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Shir u dhaxeeya madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo xubno...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii lagu waday in xerada Afisyooni ay ku yeeshaan madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo xubno ka socda Beesha caalamka ayaa baaqdaygelinkii dambe ee maanta oo lagu balansanaa in uu qabsoomo

Inkastoo aan la ogeyn sababaha ka dambeeya baaqashada shirka hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in arimo farsamo awgeed uu dib ugu dhacay xiligii loo balansanaa.

Warar ay heshay HM ayaa sheegaya in ay suurtagal tahay caawa qabsoomidda shirka ,Madaxda muddo xiloodkoodu dhamaaday ee Federaalka ayaa siweyn uga soo horjeeda shirkan maadam aysan qeybka aheyn.

Wasiirka arimaha gudaha ,Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo qoraal soo dhigay boggiisa Twitterka ayaa baaqashada shirka ku eedeeyay in ay ka dambeyso dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya isagoo tilmaamay in maamulada Galmudug ,Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ay ka baajisay in ay ka qeybgalaan shirka.

Dhinaca kalena Afhayeenka Madaxtooyada Puntland ahna agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Jaamac Yuusuf (Dabaraani) oo isna ka hadlay dib u dhaca ku yimid shirka ayaa xusay in dowladda Federaalka ay carqaladeynayso qabsoomida waxkasta oo xal loogu raadinayo arimaha taagan.

Shirka u dhaxeeya xubnaha beesha Caalamka iyo madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ayaa looga wada xaajoon lahaa khilaafka hareeyay arimaha doorashada waxaase la ogeyn xiliga rasmiga ah ee uu furmayo shirkan.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Shirkii lagu waday in xerada Afisyooni ay ku yeeshaan madaxda dowladaha xubnaha ka ah...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Same shananigans again.

Speaker Mursal, it is time to vote.

Farmaajo should go to the parliament address the nation and let the mps vote.

Enough is enough

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beesha Caalamka oo ku guuleystey in Shirka Doorashadu furmo Sabtida

Dedaal dheeraad ah oo socdey labadii todobaad ee ugu danbeysey oo ay garwadeen ka ahayd wakiilada beesha caalamku ayey ku guuleysteen in ay shirka isugu wada yimaadaan dhamaan Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowladda Federaalka ee xilku ka dhamaadey si looga heshiiyo hirgelinta heshiiskii 17 Sebtember.

Madaxweynaha xilku ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisu xaqiijiyey qabsoomida shirka waxaana ay soo saareen bayaan lagu sheegayo in shirku furmaayo maalinta Sabtida ee 3 Abril.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Puntland Maxamed Dhabancad ayaa uga mahadceliyey dedaalka beesha caalamka isla markaana ay ka qaybgalayaan shirka Sabtida.

PL Govt acknowledges the tireless efforts by the Int'l Partners aiming to resolve the election impasse, and their facilitation for a consensus based FMS-FGS informal pre-meeting on April 3rd to agree the Summit. @Plstatehouse@UNSomalia @US2SOMALIA@UKinSomalia @NorwayInSomalia

— Mahamed Abdirahman (Dhabancad) (@M_Dhabancad) April 1, 2021

Shirka Sabtida ayaa lagu wadaa in uu noqdo mid hor dhac ah oo looga heshiinaayo ajandaha shirka weyn ee lagu soo afjarayo kala aragti duwanaanshaha.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Dedaal dheeraad ah oo socdey labadii todobaad ee ugu danbeysey oo ay garwadeen ka ahayd wakiilada beesha...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudiyo Farsamo oo ka socda Madaxda oo hada shir ku leh Teendhada Afisyooni

Teendhada Afisyooni waxaa hadda shir uu uga socdaa Gudiyo farsamo oo ka kala socda madaxda shanta dowlad goboleed iyo madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Sida aan xogo ku helayno shirka ayaa looga arinsanayaa habka loo sugayo amaanka shirweynaha Beri ay isugu imaanayaan madaxda dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Muddo todobaadyo ah oo ay Muqdisho kuwada sugnaayeen madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka waxaa guuldareystay shirka arimaha doorashooyinka ee lagu soo afjari lahaa caqabadaha iyo khilaafka jira, Wakiilada Beesha Caalamka oo uu hormuud u yahay James Swan ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii uu u qabsoomi lahaa shirka Beri isla markaana ku casuumay madaxda shirkan.

Gudiyadan Farsamo ee hada ku shiraya Teendhada Afisyooni ayaa la filayaa in ay isla meel dhigaan qaabka uu u dhacayo shirka iyadoo xoogga la saarayo amaanka.

Ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa sugaya Amaanka shirka beri ka furmaya teendhada Afisyooni ,dhankooda ciidamada sugaya amaanka Madaxda ayaana lagu wadaa in loo asteeyo goobo gaar ah sida ilo wareedyo ay tibaaxayaan.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Teendhada Afisyooni waxaa hadda shir uu uga socdaa Gudiyo farsamo oo ka kala socda madaxda shanta dowlad goboleed...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.