Tillamook

Federal Republic of Somalia: Election update

Recommended Posts

8 hours ago, Che -Guevara said:

Farmaajo is either amazingly lucky or a genius.

He is neither of the above.

He is merely an irresolute, timid and divisive small minded man who has squandered a good opportunity to leave a lasting legacy for himself and move Somalia along its path to freedom and democracy.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Farmaajo Oo Isugu Yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada

Madaxweynaha xilku ka dhamaaday ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa shir degdeg ah isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

War qoraal oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay in madaxweyne Farmaajo 18-19 bishan Febraayo uu shir degdeg ah isugu yeeray madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka.

Hoos ka akhriso:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaanta siinaya dhaqan gelinta Heshiiskii 17-kii Sebteembar ee doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda talooyinka iyo xalka ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo intii u dhaxaysay 15-16kii bishan Febaraayo waxa uu soo saaray go’aanadan:

1- Madaxweynuhu waxa uu shir iskugu yeerayaa Madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir.

2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 18-19 bishan Febraayo 2021.

4- Shirkan wadatashiga ah waxaa saldhig u ah talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqan-gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa dadaalka ay bixiyeen Xubnaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka oo Magaalada Baydhabo ku lafa guray caqabadaha fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar, dhabbaha u xaaray qabsoomidda doorasho ka turjumeysa hor u socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beesha Caalamka Oo Shir Degdeg Ah Ugu Baaqay Dowlad Goboleedyada & DFS

War qoraal ah oo kasoo baxay beesha caalamka ayaa madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada loogu baaqay inay shir deg deg ah isugu yimaadan, si loo dhamaystiro hirgelinta hannaanka doorashada, iyadoo laga amba-qaadayo heshiiskii Guddiga Farsamada ku gaareen magaalada Baydhabo.

Hoos ka akhriso baaqa:

” Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay ugu baaqayaan dhamaan saxiixayaasha heshiiskii 17kii Sebtember inay si deg-deg ah isugu yimaadaan si loo dhamaystiro hirgelinta hannaanka doorashada, iyadoo laga amba-qaadayo howshii ay qabteen Guddiga Farsamada ee ku kulmay magaalada Baydhabo 15-16 Febraayo.

Madaxda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada waa inay sidoo kale joogteeyaan xiriir furan oo ay la yeeshaan madaxda kale ee siyaasadeed ee Soomaaliya iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo in doorashadu ay hesho taageerada ugu ballaaran ee suurtagalka ah, isla markaana guddiyada doorashooyinku ay u hawlgalaan si ka madaxbanaan dano siyaasadeed.

Saaxiibada caalamku waxay ka walaacsan yihiin dhacdooyinkii rabshadaha watay ee ka dhacay Muqdisho 19kii Febraayo. Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyada inay is-dejiyaan oo ay is xakameeyaan si loogu oggolaado wadahadalka siyaasadeed inuu horay usii socdo.

Hadda waxaa si kasii dhakhso badan sidii hore loogu baahanyahay in madaxda siyaasadeed ee Soomaaliya ay danta qaranka ka dhigaan tan koowaad, ayna ka wada shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorashooyin leh taageero ballaaran oo ku qabsooma sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtagalka ah, si dalka horay loogusii dhaqaajiyo. Saaxiibada caalamku waxay si firfircoon uga taageerayaan dadka Soomaaliyeed sidii ay ku gaari lahaayeen natiijadaas

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Qadar, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ugaandha, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.“

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

War qoraal ah oo kasoo baxay beesha caalamka ayaa madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mowqifka Puntland Ee Xaalada Doorashooyinka Dalka

Puntland ayaa habeenkii xalay soo saartey qoraal dheer oo ay ku caddeyneyso aragtida ay ka qabto doorashooyinka Soomaaliya, sidoo kale waxaa qoraalka lagu caddeeyey arrimo muhim ah in la sameeyo haddii la doonaayo in dib loola fariisto Madaxweynaha xilku ka dhamaadey ee Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Aragtida Dowladda Puntland ee Xaaladda Doorashooyinka Soomaaliya

Dowladda Puntland, iyadoo tixgalinaysa xaaladda cakiran ee doorashooyinka Soomaaliya, waxay ugu horraynba caddaynaysaa inay mar kasta door mug leh ka qaadanayso xal-u-helidda arrimaha lagu muransan yahay ee doorashooyinka dalka, iyacioo laga duulayo heshiiskii 17-kii September 2020 lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Labadii sano ee ugu dambeeyay, Puntland waxay door hagar la’aan ah ka qaadatay dedaaladii lagu raadinayay in dalka ay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah, oo natiijada kasoo baxda lagu wada kalsoonaan karo. Si looga miro dhaliyo dedaaladaas, Puntland waxay martigalisay shirkii wadatashiga ee DFS iyo dawladaha xubnaha ka ah ee ku qabsoomay Garowe Bishii April 2019, waxay sidoo kale qayb ka hayd qabsoomida shirarkii isdaba jooga ahaa ee Dhuusamareeb 1, 2, 4 iyo shirkii Muqdisho ka qabsoomay Bishii September 2020.

Puntland waxay taageersan tahay hirgalinta heshiiskii doorashada ee 17-kii September iyo habraacyadiisii. Waxayna sidoo kale xeerinaysaa talo-soo-jeedintii guddiga farsamada ay ka soo saareen magaalada Baydhabo, 16-kii February, tasoo saldhig u noqan karta xal ka gaarista qodabadii lagu isku khilaafsanaa ee hirgalinta heshiiska doorashada.

Hadaba, waxaa jira caqabado soo ifbaxay oo hortaagan hirgalinta heshiiska doorashooyinka, kuwaas oo ay lagama maarrnaan tahay in la xalliyo si loo sii amba qaado geedi-socodka qabsoomidda doorasho loo dhan yahay. Caqabahaas oo kala;

I. Dhacdooyinkii ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho 19-kii February. waxay abuureen kalsooni-darro siyaasadeed, mid amni iyo mid bulsho, kuwasoo wiiqay guulihii laga gaaray wada-tashiyadii socday ee marxaladda kala guurka ah. Falalkii dhacay waxay liddi ku ahaayeen xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed uu siinayo Dastuurka KMG ah ee dalka, sida xorriyadda banaanbaxa, hadalka iyo soo bandhigidda aragtida siyaasadeed.

II.Madaxda Dowladda Federaalka ah oo caqabad ku noqday fulinta heshiiskii doorashooyinka ee 17ka September iyo habraacaydiisa, waxayna si cad usoo ifbaxday muddadii lagu gudo jiray wada-xaajoodayada shirkii Dhuusamareeb 3-6dii February 2021, kadib markii Madaxweyne Farmaajo ka saf ray magaalada Dhuusamareeb iyadoo wax xal ah aan laga gaarin qodabadii la isku khilaafsanaa.

Qodabada muhiimka u ah hirgalinta heshiiska doorashada ee 17 September.

lyadoo laga duulayo maraxaladda dalka ka soo cusboonaatay 19-kii February, iyo xasillooni darrada ka dhalatay dhammaadka muddo-xileedka Dastuuriga ah ee Madaxweynaha iyo Baarlamanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa lagama maarmaan ah in la meel mariyo qodobadaan soo socda si horay loogu sii amba-qaado wada-tashiyadii doorashooyinka.

1.  Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, waa in uu soo saaro wareegto xadedaysa awoodaha fulineed ee Madaxweynahya iyo kuwa sharci-dajineed ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya. Sidoo kale waa in meesha laga saaro dhammaan go’aamadii masiiriga ah ee Madaxweynuhu saxiixay intii ka dambaysay 8da Feb 2021 iyo shuruucdii ay Baarlamaanku ansixiyeen muddadii ka dambaysay 27kii December 2020, Si waafaqsan qodabada 91-aad iyo 60-aad ee Dastuurka KMG ee Soomaaliya.

2.  Maadaama CiidankA Amniga Qaranku ay ka qayb qaateen falalkii qalalaasaha watay ee Muqdisho ka dhacay 19-kii February, waa in xilka laga qaado taliyeyaasha Ciidamada Milatariga, Booliiska iyo Agaasirnaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka, lana magacaabo masuuliyiin lagu kalsoonaan karo laguna soo xulay hab wada-tashi ah, si loo hubiyo hufnaanta iyo dhex-dhex-aad-nimada doorashooyinka, waa in Ciidanka Qaranku ku ekaadaan keliya waajibaadkooda ah sugida amniga lagana dhex saaro howlaha siyaasadda iyo doorashada, si loo soo celiyo kalsoonidii dhaawacantay.

3.  In la dhiso guddi xaqiiqo raadin ah, oo baaritaan madax-banaan ku sameeya dhacciooyinkii qalalaasaha watay ee ka dhacay Muqdisho 19-kii Bisha Februery, si la iskula xisaabtamo.

4.  Madaama, Dowladda Federaalku ay ku guul-darraysatay fulinta heshiisyadii horay loo gaaray, waa in saaxiibada Beesha caalamka ee Soomaaliya ay qaataan door damaanad-qaad ah, si loo hubiyo fulinta qodobada lagu heshiiyo ee Doorashooyinka.

5. Waxaa muhiim ah in Golaha Wada-tashiga Qaranku ay yeeshaan hab wadashaqayn joogto ah oo wakhtiyeysan si loo dardargaliyo qabsoomida doorashooyinka Dalka.

6.  Waa in Saamilayda siyaasadda iyo Ururacia Bulshada laga qaybgeliyo loona ogalaado inay ka qayb qaataan xal-u-helidda arrimaha ka taagan doorashooyinka, si loo xoojiyo kalsoonida iyo daahfurnaanta doorashooyinka.

7.  In la dhowro xuquuqaha aasaasiga ah ee Dastuurku siinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed sida xuquuqda hadalka, bannaanbaxyada, Kulamada IWM, si looga fogaado xasilloni-darro siyaasadeed iyo qalalaase amni.

8.  Si loo dardargaliyo qabsoomidda doorashada, waa in shirarka Golaha Wada-tashiga Qaranka lagu qabto magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, goob ammaan ah oo amnigeeda ay sugayaan ciidan lagu wada kalsoon yahay.
DHAMMAAD

HORSEEDMEDIA.NET

Puntland ayaa habeenkii xalay soo saartey qoraal dheer oo ay ku caddeyneyso aragtida ay ka qabto doorashooyinka...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madal Cusub Oo Looga Dhawaaqay Muqdisho (War-murtiyeed)

Golaha Badbaadada Qaranka oo ah madal cusub oo ay ku midoobeen dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, midowga musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 iyo golaha siyaasiyiinta Somaliland ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

War-murtiyeed ay Madashu soo saartay ayaa lagu faahfaahiyey in ay muhiim tahay badbaadinta qaranka iyo sidii loo qaban lahaa dhakhso doorasho lagu wada qanacsanyahay.

Golaha Badbaadada Qaranka ayaa waxaa Guddomiye looga dhigay Guddomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Somalia 

HORSEEDMEDIA.NET

Golaha Badbaadada Qaranka oo ah madal cusub oo ay ku midoobeen dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia Should Hold Elections Immediately

PRESS STATEMENT

ANTONY J. BLINKEN, SECRETARY OF STATE

MARCH 19, 2021

The United States is deeply concerned by the electoral impasse in Somalia, which is creating political uncertainty that threatens security, stability, and development in the country.  We call on Somalia’s federal and member state leaders to set aside narrow political objectives, uphold their responsibilities to the people of Somalia, and agree to immediately hold transparent and inclusive elections.

The current impasse undermines progress made to date, delays reforms urgently needed for Somalia to continue on the path to full debt relief, and hinders the fight against terrorism.  The United States supports the right of Somali citizens to protest peacefully and firmly opposes the use of violence by any party.  We urge Somalia’s leaders to safeguard the country’s future and find agreement to immediately conduct parliamentary and presidential elections.

WWW.STATE.GOV

The United States is deeply concerned by the electoral impasse in Somalia, which is creating political uncertainty that...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Farmaajo oo Shir ugu Baaqay Madaxda Maamul Goboleedyada

 

Madaxweynaha Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir inay ka soo qaybgalaan shir lagu dhamaystirayo heshiiskii 17-kii Sebteembar, kaasi oo qabsoomaya 22 bishan Maarso oo ku beegan maalintii Isniinta ah.

Shirkan oo labo maalmood soconaya ayuu Farmaajo sheeegay in lagu dhammeystirayo dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan oo labo maalmood soconaya waxaa looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii Sebteembar 2020.

Wuxuu sheegay in si dalka iyo dadka loogu jiheeyo doorasho xor iyo xalaal ah inmadaxda maamul goboleedyada looga baahan yahay in ay ahmiyad wayn siiyaan shirkan lagu dhammeystirayo tabashooyinkii kasoo laabtay heshiiskii doorashooyinka.

Qoraalka ka soo baxay xarunta villa Somaliya laguma sheegin magaalada iyo halka uu ka dhacayo shirka wadatashiga ah ee u dhaxeeya madaxda Federaalka iyo Maamul goboleedyada.

Magaalada Muqdisho waxaa hadda ku sugan Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland, galmudug iyo Hirshabelle.

Baaqa ka soo baxay villa Somaliya ayaa imaanaya iyadoo maanta Dowlada Maraykanka ay sheegtay inay ka walaacsan tahay jahwareerka Doorashooyinka ka jira Soomaaliya, waxaana ay ugu baaqday madaxda Soomaaliya in doorasho deg-deg ah la qabto.

War saxaafadeed kasoo baxay xoghayaha arrimaha dibadda Markaykanka, antony blinken ayaa ayaa lagu yiri waa in si deg-deg ah loo qabtaa Doorashada Soomaaliya.

HORSEEDMEDIA

HORSEEDMEDIA.NET

Madaxweynaha Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir inay ka soo qaybgalaan...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
2 hours ago, Che -Guevara said:

Tillamook,

Here's his reply;

 

Useless Farmaajo may have jumped when Blinken spoke earlier  today, but he still chose to play cat and mouse with the opposition by not explicitly accepting the demands of the opposition of holding the meeting in Mogadishu, in the same tent that Farmaajo was selected in the last election.

Be it as it maybe, he is only prolonging the inevitable...which is his own ignoble removal from Villa Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxda Puntland iyo Jubaland oo aan weli gaarin Xerada Afisyooni xili uu furmay Shirka

 

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka kaasoo ka furmay xerada Ciidamada Cirka Soomaaliya ee Afisyooni.


Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Koonfur-galbeed Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.


Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaan weli gaarin Goobta shirka iyadoo shaki la galinayo ka qeybgalkooda shirkan.

Waxaa Muuqata in weli dhinacyada aysan weli isku soo dhawaan maadama shirkan uu yahay isku daygii ugu dambeeyay ee looga gudbi lahaa ismaandhaafka siyaasadeed ee taagan.

Wasiirka arimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in shir aan laga heshiin ajandihiisa la qorto ay horseedi karto fashil ku yimaada qabsoomiddiisa xili xalay la baahiyay Ajanadaha shirkan.


Waxa uu tilmaamay in Puntland ay ku hanweyn tahay in dhammaan Saamileyda siyaasadda Soomaaliya ay ka heshiiyaan duruufaha ku xeeran qabsoomidda doorasho wada oggol ah, si nabad ahna ku dhacda.

Si kastaba Wakiilada Beesha caalamka ayaa maalmihii lasoo dhaafay cadaadis iyo dadaal xooggan ku bixiyay sida dhinacda ay isugu imaan lahaayeen shir lagu soo afmeero khilaafka hareeyay qabsoomidda doorashada Soomaaliya oo dhaaftay xiligii loogu talagalay.

Lasoco Wixii kusoo kordha

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey kulan...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.