Tillamook

Federal Republic of Somalia: Election update

Recommended Posts


Dhismaha Guddiyada Doorashadu maka adkaan doonaa doodii Heshiiska?

Waxaa habeenkii xalay ahaa si rasmi ah u bilowdey dhamaystirka heshiiskii doorashada dadban ee Dowladda Federaalka+Gobolka Banadir iyo Dowlad goboleedyada. Shirka habeenkii xalay bilowdey waxaa ka soo qaybgalay Shanta Madaxweyne ee Dowlad goboleedyada Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, warar ku dhaw shirka waxay sheegayaan in Raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble aanu shirka kaqayb ka ahayn, oo codsadey in ay dhamaystiraan wixii ay ku heshiiyeen.

Kulanka cusub ayaa daaran dhamaystirka wixii lagu heshiiyey ee 15 qodob kuwaas oo qaarkood u baahnaayeen in la qeexo halka qaar kale u baahnaayeen in la fuliyo ka hor doorashada.

Dooda ugu culus ayaa ka taagan Dhismaha Guddiga Doorasho ee heer Federaal ee heshiiskii 17 September la gaarey kaas oo dhigaayey:

In Dowladda Federaalka ay magacawdo Guddi Doorasho oo heer Federaal ah kaas oo kaashanaya Guddi Doorasho oo heer Dowlad Goboleed ah

Dowladda Federaalka ah oo ka faa’ideysanaysa khibraddii 2016 ayaa dooneysa in ay magacaabto guddi doorasho oo aad uga tiro badan kii 2016 si ay isu kala qaybin karaan dhamaan deegaanada doorashadu ka dhacayso sida ay Horseed Media u sheegeen xog-ogaalyo ku dhaw Villa Somalia.

Dooda ugu adag ayaa ah cidda hoggaamineysa doorashada, waxaana heshiiska ka muuqata in guddiga doowladda federaalku hoggaamin doono,laakiin doorka guddiga Dowlad goboleedyadu noqon doono kaalmeyn.

Qodobada kale ee u baahan in la qeexo Baarlamaankuna wax ka beddalay ayaa ah, doorka soo xulidda ee Dowlad goboleedyada, kaas oo Baarlamaanku sheegay in uu noqon doono diiwaan gelinta ergooyinka.

Dhanka kale waxaa soo baxdey oo Baarlamaanku dalbadey sida laga yeelayo khilaafaadka iyo isku qabsiga kuraasta, waxaana la filayaa in qodobkaas lagu soo doro inkasta oo aanu heshiiskii hore ku jirin.

Waxaa wararku sheegayaan in Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Madaxweyne Farmaajo ay dul istaagayaan dhamaaan qodobada loo baahan yahay oo dhan oo guddiyada la dhisdaayo aysan waxba u reebayn, tan oo adkeyn karta dooda iyo wada xaajoodka, waxaana la rumeysan yahay in arrimahaani ka dhib badan yihiin kuwii hore.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Waxaa habeenkii xalay ahaa si rasmi ah u bilowdey dhamaystirka heshiiskii doorashada dadban ee Dowladda...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Farmaajo: “Waxaan dalka u jihaynay doorasho”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay heshiiskii siyaasadeed ee doorashooyinka dadban kaas oo golaha shacabka iyo Aqalka Sare ay si wadajir ah cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen 26-kii Sebteembar 2020.

War qoraal oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu madaxweynaha heshiiskan ku tilmaamay mid caddeyn buuxda u ah sida ay uga go’an tahay maamulka uu hoggaamiyo sii ambaqadidda hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo qabsoomidda doorasho saldhigeedu yahay heshiiskii Muqdisho ay ku gaareen madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed 17-kii Sebteemar 2020.

Waxaan dalka u jihaynay doorasho. Laga soo bilaabo 1-dii Bishii Oktoobar ee sanadkan oo aan la saxiixanay Madaxda Dowladda Goboleedyada dalka Heshiiskii Habraacyada doorashooyinka, waxaan qaadnay tallaabooyinka Heer Federaal ee ku aaddan qabsoomidda doorashada iyo dhaqan gelinta dhammaan qodobbada ku jira Heshiiska Siyaasadeed ee Jiheynta Doorashada Baarlamaanka Federaalka.”

Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey madaxda dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir dadaalkii ay ku bixiyeen in heshiis laga gaaro wadahadalladii ku saabsanaa hannaanka doorashooyinka dalka ee ku qabsoomay Samareeb iyo Muqdisho.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey guddoonka iyo xildhibaannada golaha shacabka iyo aqalka sare dhammeystirka habraacii uu sharciga ku noqday Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashooyinka.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray xukuumadda dardargelinta doorkeeda ku aaddan fududeynta qabsoomidda doorasho waafaqsan heshiiskan ay ansixiyeen Baarlamaanku, kuna meel maray saxiixa Madaxweynaha.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay heshiiskii...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Farmaajo: “Waxaan dalka u jihaynay doorasho”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay heshiiskii siyaasadeed ee doorashooyinka dadban kaas oo golaha shacabka iyo Aqalka Sare ay si wadajir ah cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen 26-kii Sebteembar 2020.

War qoraal oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu madaxweynaha heshiiskan ku tilmaamay mid caddeyn buuxda u ah sida ay uga go’an tahay maamulka uu hoggaamiyo sii ambaqadidda hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo qabsoomidda doorasho saldhigeedu yahay heshiiskii Muqdisho ay ku gaareen madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed 17-kii Sebteemar 2020.

Waxaan dalka u jihaynay doorasho. Laga soo bilaabo 1-dii Bishii Oktoobar ee sanadkan oo aan la saxiixanay Madaxda Dowladda Goboleedyada dalka Heshiiskii Habraacyada doorashooyinka, waxaan qaadnay tallaabooyinka Heer Federaal ee ku aaddan qabsoomidda doorashada iyo dhaqan gelinta dhammaan qodobbada ku jira Heshiiska Siyaasadeed ee Jiheynta Doorashada Baarlamaanka Federaalka.”

Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey madaxda dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir dadaalkii ay ku bixiyeen in heshiis laga gaaro wadahadalladii ku saabsanaa hannaanka doorashooyinka dalka ee ku qabsoomay Samareeb iyo Muqdisho.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey guddoonka iyo xildhibaannada golaha shacabka iyo aqalka sare dhammeystirka habraacii uu sharciga ku noqday Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashooyinka.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray xukuumadda dardargelinta doorkeeda ku aaddan fududeynta qabsoomidda doorasho waafaqsan heshiiskan ay ansixiyeen Baarlamaanku, kuna meel maray saxiixa Madaxweynaha.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay heshiiskii...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

War-Murtiyeedka Shirkii Midowga Musharixiinta Madaxtinimada Soomaaliya

Shirkii midowga musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya oo maanta lagu soo gababeeyey magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr iyo toban qodob.

Shirkan lasoo gababeeyey oo ku-dhowaad asbuuc (6 berri) uga socday Muqdisho musharaxiin gaaraya 12 musharax, ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyed ka kooban 18 qodob oo ay isku raaceen Mas’uuliyiinta kala duwan ee Muqdisho ku shiray, waxaana dalbadeen in doorashada xubnaha Xildhibaannada Gobolada Waqooyi lagu qabto Afisyooni.

Dowlada ayaa loogu baaqay inay dib ugu noqoto isla markaana wax ka bedel ku samayso guddiga doorashada ee heer federaal kuwaas oo dhawaan la dhisay, waxaana ay dowlada hordhigeen in ciidanka ay Gobolka Gedo gaysay kasoo saarto.

Hoos ka akhriso:

HORSEEDMEDIA.NET

Shirkii midowga musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya oo maanta lagu soo gababeeyey magaalada...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

War-Murtiyeedka Shirkii Midowga Musharixiinta Madaxtinimada Soomaaliya

Shirkii midowga musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya oo maanta lagu soo gababeeyey magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr iyo toban qodob.

Shirkan lasoo gababeeyey oo ku-dhowaad asbuuc (6 berri) uga socday Muqdisho musharaxiin gaaraya 12 musharax, ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyed ka kooban 18 qodob oo ay isku raaceen Mas’uuliyiinta kala duwan ee Muqdisho ku shiray, waxaana dalbadeen in doorashada xubnaha Xildhibaannada Gobolada Waqooyi lagu qabto Afisyooni.

Dowlada ayaa loogu baaqay inay dib ugu noqoto isla markaana wax ka bedel ku samayso guddiga doorashada ee heer federaal kuwaas oo dhawaan la dhisay, waxaana ay dowlada hordhigeen in ciidanka ay Gobolka Gedo gaysay kasoo saarto.

Hoos ka akhriso:

HORSEEDMEDIA.NET

Shirkii midowga musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya oo maanta lagu soo gababeeyey magaalada...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aqriso: Qodobo xasaasi ah oo laga soo saaray shirkii musharraxiinta mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib shirar qaatay lix cisho oo ay yeesheen musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota ayaa maanta la soo xiray, iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed saddex bog ah oo ka kooban 18 qodob.

Warsaxaafadeedka ayaa si gaar ah looga hadlay ammaanka iyo sida loo wajahayo doorashada oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Musharraxiinta ayaa ku hanjabay inay qabanayaan doorasho kale, haddii ay dowladda ku adkeysato in aan wax laga baddalin hanaanka doorashada ee hadda socda.

“Haddii dowladda federaalka ah ay qaaddo tallaabo lagu taabbagelinayo doorasho aan heshiis lagu ahayn, wuxuu Goluhu caddaynayaa in isaga oo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada iyo dawlad goboleedyada uu ka shaqeynayo hannaan doorasho oo dalka lagu badbaadinayo si uusan u dhicin firaaq awoodeed iyo mid dastuuri ah,” ayaa lagu yiri war murtiyeedka maanta kasoo baxay hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay si adag uga hadleen ammaanka doorashada, iyaga oo dalbaday in kaliya sugida ammaanka loo daayo ciiidamada Booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Midowga musharraxiinta ayaa sidoo kale ku baaqay in dowladda federaalka ay dib u soo celiso ciidamada ay dowladda dhexe horey u geysay gobolka Gedo ee Koonfurta dalka.

Go’aanada ka soo baxay shirkan oo loo kala qaaday 1-go’aanka maamulka doorashooyinka,  2-go’aanka ammaanka doorashooyinka & 3-go’aanno guud ayaa waxaa ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee ku jira war-murtiyeedka:

1 – In la kala diro guddiyada doorashooyinka heer federaal & heer dowlad goboleed, laguna soo magacaabo wada-tashi ay yeeshaan, madaxda dowladda, kuwa dowlad goboleedyada iyo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha.

2 – In guddoomiyaha aqalka sare uu sharciyad buuxdo u helo in uu soo magacaabo guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka ee hagaya doorashada ildhibaannada labada aqal ee gobolada qaqooyi, laguna qabto doorashada xerada ciidanka cirka ee Afisooni, iyada oo ay goobjoog ka noqonayaan wakiilo ka socda musharixiinta, beesha caalamka, booliska Soomaaliyeed & kan AMISOM.

3 – In magacaabista guddiyada doorashada xubnaha xildhibannada beelaha Baaadiriga loo madax banaaneeyo odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelahaas, laguna qabto doorashada xerada ciidamada cirka ee Afisooni, goobjoogna ka noqdaan  wakiilo ka socda musharixiinta, ceesha caalamka, cooliska Soomaaliyeed & kan AMISOM..

4 – In dowladda federaalka ay si deg-deg ah uga la soo laabato maamulka sharci darrada iyo ciidamada ay geysay gobolka Gedo, si loo ilaaliyo midnimada Jubbaland, maamulkana dib ula wareego deegaanka, si ay ugu fududaato qabashada doorashada.

5 – In Xulista ergada ay iska kaashadaan adayasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee beesha kursiga leh dowrka dowlad goboleedkana ku ekaado diiwaan-gelinta, sida uu dhigayo heshiiskii siyaasadeed ee golaha wadatashiga Qaranka ee uu baarlamaanka wax ka bedelista ku sameeyay.

6 – In dowlad goboleedyada aysan guda-gelin qabashada doorasho aan lagu waafaqsaneyn, una sinaadaan musharixiinta taageerayaashoodana aysan u gaar yeelin musharax gaar ah.

7 – In  loo howl-gallo xaqiijinta qoondada haweenka ee 30 % ah

8 – In la helo kor joogto ka socda, urrurada bulshada rayidka, qareenada, musharixiinta maadaxweyna, beesha caalamka, si loo xaqiijiyo hufnaanta doorashooyinka dalka.

9 – In guddoonka & xubnaha labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ay qaataan  kaalintooda ku aadan ilaalinta ku dhaqan dastuurka KMG ah & dhamaan shucruucda kale ee dalka gaar ahaan qodobada quseeyo doorashooyinka qaranka.

Sidoo kale musharixiinta ayaa soo saaray go’aano ku aadan ammaanka doorashooyinka.

1 – In Madaxda dowladda ay ka saaraan dhammaan ciidamada Qalabka sida ku lug yeelashada howlaha doorashooyinka, sida uu dhigayo qodobka 127aad ee dastuurka.

2 – In iyada oo la cuskanaayo mabaadi’da ku xusan dhammaan faqrooyinka qodobka 127-aad ee dastuurka KMG ah uu taliyaha hay’adda nabad-sugida Fahad Yaasiin uu baneeyo xilka hay’addaas, maadaama uu yahay madaxa ololaha dib u doorashada musharax madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo sugo dhex dhexaadnimada hay’adda NISA.

3 – In amniga doorashooyinka sugaan kaliya Booliska Soomaaliya & kan AMISOM laga fogeeyo Millateriga iyo Nabadsugida.

4 – In uu joojiyo madaxweynaha xilkiisa sii dhamaanayo ku tagrifalka dhaqaalaha dalka iyo in uu adeegsqado hantida dalka, xafiisyada dowladda, ciidanka & shaqaalaha ka tirsan dowladda ku daneysiga ololihiisa doorashoyinka. 
 

 

WWW.CAASIMADA.NET

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib shirar qaatay lix cisho oo ay yeesheen musharraxiinta u taagan xilka...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Here we have ten or men from one single clan running for president. "Mudisho anaga leh" must be defeated in a fair and free election.

On 11/26/2020 at 9:00 AM, Tillamook said:

– In iyada oo la cuskanaayo mabaadi’da ku xusan dhammaan faqrooyinka qodobka 127-aad ee dastuurka KMG ah uu taliyaha hay’adda nabad-sugida Fahad Yaasiin uu baneeyo xilka hay’addaas, maadaama uu yahay madaxa ololaha dib u doorashada musharax madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo sugo dhex dhexaadnimada hay’adda NISA.

Now they are demanding the firing of the NISA chief. 

Waar baroorta iska daaya oo doorashada gela. 

Furthermore, the election commission doesn't decide for the election outcome. It is up to 325 men and women who are probably bought and sold by the candidates.If the government can not even appoint election commission, then what is its role ? just a bystander as Muuse Suudi demands illogical things.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Culeysyo hor leh oo kusoo kordhay doorashada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Afyare Cabdi Cilmi ayaa faah faahiyay qodobada la isku diidan yahay ee doorashooyinka dalka iyo culeysyada xilligan ku soo kordhay doorashooyinka uu muranka badani hareeyay.

Prof. Afyare Cabdi Cilmi ayaa sheegay intii muddo ahba in uu la socday arrimaha doorashooyinka, uuna ka mid ahaa dadkii wax ka qoraayay, isla-markaana ay xilligan shan qodob yihiin qodobada ugu muhiimsan, ee heshiiskii shan iyo tobanka qodob ka koobnaa, ee 17-kii bishii September ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ku wada gaareen Magaalada Muqdisho, Baarlamaankuna uu ansixiyay.

Isagoo ka qayb qaadanayay Barmaamijka Doodda Jimcaha (Waxa ay ila tahay) ee BBC ayuu kaga waramay qodobadan iyo sida ay qaarkood caqabad hor lihi ugu noqdeen doorashooyinkii dalka.

“Waxa hadda la isku hayaa waa uun shan qodob oo keliya. Qodobka 1aad waa guddiyada maamulaya ee dadka tartamaya u garsooraya, sida ay ku imaanaayaan iyo halbeygyada laga rabo inay buuxiyaan,” ayuu yiri Prof. Afyare Cabdi Cilmi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Qodobka 2aad-na waa magaalada labaad, hadda Garbahaarey uun baa aad afka loogu hayaa, laakiin waxaa soo baxday runtii culeysyo la xiriira xagga mugga, markii horeba Maamulada Goboladu waxay rabeen uun in Magaalo Madaxda ku qabtaan doorashada, haddana waxaa muuqata in dhibaatooyin ay ka jiraan magaalada labaad intooda badan, Baraawe dheh ama Beledweyne dheh ama xitaa kuwa kale dheh. Markaad fiiriso mushkilo magaalada labaad la xiriirta ayaa timid.”

Prof. Afyare Cabdi Cilmi ayaa yiri “Waxaa kaloo jirta oo dood culus ka taagantahay Guddiyada Somaliland, maadaama ay xaalad gaara tahay arrintoodu iyo cidda xaqa u leh inay maareyso iyo arrimo noocaasoo kale ah. Waa qodob ay isku hayaan dadka siyaasadda hadda ay ka dhaxeyso.”

Afyare oo qodobadaan sii faah faahinayay ayaa yiri “Waxaa kaloo ayadana runtii muhiim ah haweenka boqolkiiba soddon (30%) inay hellaan waaye, mab’da guud oo la isku waafaqsan yahay waaye, laakiin kuraastaas marka loo qoondeynayo iyo habka loogu qoondeynayo weli siyaasiyiintu way ka meer-meerayaan, ma cadda.”

Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo ka waramayay qodobka 5aad ayaa yiri “Qodobka ugu dambeeyo oo ah ergada wax dooraneysa, sida loo soo magacaabaayo. Qodob meesha ku qoran wuxuu leeyahay Dowlad Goboleedyada, bulshada rayidka iyo waxaa isla soo magacaabaya Odayaasha Dhaqanka. Arrintaas waxay abuurtay xooggaa walwal iyo wax boob inay meesha ku hoos jiri karaan.”

Maxay yihiin shantan qodob?

Prof. Afyare ayaa ku waramaya “Shantaa qodob ayaa aasaas ah oo shantuba ay yihiin fulinta heshiiska mabda’a ah, marka waxaa ila quman inaysan naga ballaaran oo doodda marka aan niraahno, haddii shantaa qodob ay tahay, bal aan qodob qodob u fiirino, oo markaa waxa macquulka ah ee laga abaari karo laga abaaro.”

Prof. Afyare ayaa qaba inaanay wax adag meesha oolin, haddii ay biseyl siyaasadeed la yimaadaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, isagoona ka digay in khilaafkooda ay ku dhibaan shacabka, dalkana ku geliyaan qalqal siyaasadeed.

“Anu waxaan aaminsanahay wax adag meeshaan ma yaallaan, haddii rabitaan jiro, oo nimankan madaxda ah hadda dee ku adkey, ku giiji iyo waxaasaa ka socdo meesha, laakiin haddii rabitaan jiro waxaan wax adag maaha, waa wax si sahlan looga gudbi karo, yaan dadka lagu dhibin, dalkana aan lagu gelin qalqal siyaasadeed,” ayuu yiri Afyare Cabdi Cilmi.

WWW.CAASIMADA.NET

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Afyare Cabdi Cilmi ayaa faah faahiyay qodobada la isku diidan yahay ee...

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Proff. Afyare Cilmi had summarized well the main contentious points.

The problems is that these days Somali politicians never agree on any thing without the being ordered or pushed by the international community.

1- Technical committee members should be appointed by the federal government based on geography. at the same time they should be independent and neutral members. They should not be holding any current government position.

2- In peaceful regions , people should elect their representatives in their districts. People like Madoobe who failed to liberate one single district beside KIsmaayo should not be rewarded to have a say if people of Garbaharey want to elect their own representatives. The same thing goes with Jawhar.

Certainly the people of Hiiraan got a bad deal in terms of Hir-Shabbelle. How can you make Jawhar, just 60 miles from Mogadishu to be the capital he capital of the region? Heck, those from Jawhar have already near the real capital. The people of Hiiraan were cheated when they told them to be take the leadership and give the capital to Unaka. 

It is one of the reasons we should scrap the two or more state criteria for a federal state. I want Hiiraan, Sool, Sanaag, Awdal, Gedo and Lower Shabbeele to have their own lone standing state.

3- Somaliland delegates should follow the way it was held last time. Neither Farmaajo nor Cabdi Hashi should appoint the technical committees. By the way, what right does this Cabdi Hashi guy has to appoint the Somaliland committees? He has one single vote in the senate and when election is called his position doesn't exist anymore.

4-The so called 30% women is none issue if they had already agreed to that quota. I do believe that 30% is too much, and should be reduced to 20%. No country in the world puts aside that many seats for female members.

50 should proceed just like last time.

Here you go folks. 

The only debatable issue is #2.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dedaaladii u danbeeyey ee qabsoomidda Doorashada Soomaaliya -WARBIXIN

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed (lafta-gareen) ayaa yimid magaalada Muqdisho, waxaana uu ka qayb qaadan doonaa dedaalada u danbeeyey ee la doonaayo in lagu xaliyo caqabadaha hortaagan hirgelinta heshiiskii Muqdisho 17 September 2020 ee qabashada doorashada Baarlamaanka.

Laftagareen ayaa kulamo la qaadan doono wakiilada Beesha Caalamka ee Muqdisho ku sugan, sidoo kale waxa uu kulamo la qaadan doonaa qaybo kamid ah Musharixiinta mucaaradka ah ee Muqdisho ku sugan.

Wararku weaxay sheegayaan in 48 saac ee soo socda uu yahay kala bax ku aadan in la qqabto doorasho loo wada dhan yahay iyo in qaybo kamid ah dalka ay doorasho galaan.

GALMUDUG

Wararka laga helaayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo diyaar garow lagu soo dhaweynaayo ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wefdi uu hoggaaminaayo, waa safarkii labaad ee uu ku tago meel ka baxsan Muqdisho tan iyo bilashada sanadkan cusub 2021, Safarkiisa ayaa la xiriira dardargelinta gargarka bini’aadanimo, arrimaha hormarinta iyo sidii heshiis looga gaari lahaa doorashooyinka.

SHIR MIYAA LA ISUGU IMAAN?

In shir danbe la isugu yimaado waxaa aad u xujeynayey Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, waxaana wararku sheegayaa in ay u dhawdahay in shir la isugu yimaado, inkasta oo aan la caadeyn halka lagu qabanayo.

Dowladda federaalka oo aad uga soo horjeedey in shir la isugu yimaado isla markaana kua dkeysanayesey in la fuliyo wixii lagu heshiyey ayaa hadda ka soo debecdey mowqifkiidi hore waxaana ay hadda ka dalabanayaan in Deni iyo Madoobe soo magacabaan xubnaha guddiga doorashada, kadibna shir la isugu yimaado, wixii laga beddeli karo guddiga si guud looga wada beddelo.

Haddii heshiis la gaari waayo 48 saac ee soo socota ayey u badan tahay in saddexda Dowlad goboleed ee kale ay qabtaan doorashada Aqalka sare.

Mdaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-qoor ayaa la shegayaa in uu doonaayo in uu badbaadiyo qaar kamid ah Xildhibaanada Aqalka sare ee hadda fadhiya in mar labaad dib loo soo doorto si culeyska qabashada doorashada aan loo dhameyn haddii uu qabto uga yaraato.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Madaxweynaha DOwlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed (lafta-gareen) ayaa yimid...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wakiilada Beesha Caalamka oo shir la qaatey Farmaajo

Wararka ka imaanaya Villa Somalia ayaa sheegaya in ay gaareen qaar kamid ah wakiilada Beesha Caalamka oo uu hoggaaminaayo James Swan ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Wararku waxay sheegayaan in safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto uu shirka ka maqan yahay, sababta ayaa lagu sheegay in safiirku madaxda Soomaalida ku qaabili karo oo keliya Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo aaga Xalane, taasna ay keentey in uu ka haro.

Arrinta ugu weyn ee laga hadlaayo ayaa ah, sidii uu u furmi lahaa shirka Puntland iyo Jubaland ay ku baaqeen, looga hirgelin lahaa heshiiskii Sept 2020.

Doorashada in la qabto waa mid lagu khasban yahay, wakhtigeedi waa dhaaftey, saaxiibada Soomaaliya ee taageera waa diidan yihiin doorasho dhinac keliya qabto, ama in la sameeyo waddooyin kale oo lagu wiiqayo dowladnimada Soomaaliya oo mucaaradku sameeyo, sidaas darteed ayaa lagu khasban yahay in shir la isugu yimaado, taas oo uu diidanaa Madaxweynaha xilku ka sii dhamaanayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaase muuqata in aysan furneyn waddo kale oo aan ka ahayn in la isu yimaado.

Arrimaha laga wada hadlaayo ayaa ah.

1.  Guddiga Doorashada sidii looga dhigi lahaa kuwo dhex-dhexaad ah loogana saari lahaa xubnaha qaarkood.

2.  Sidii Gobolka Gedo laga yeeli lahaa

3.  Guddiga doorashada Somaliland, inkasta oo qodobkan uu ku jirey habraacii doorashada ee Madaxdu isla ansixiyeen.

Waxaa hadda soo kordhey qodob kale oo ah 13 Xildhibaan ee Gobolka Banaadir la sheegay in ay Aqalka sare ku yeelanayaan.

Haddii caqabadahan laga gudbo waxaa lagu khasban yahay in jadwal cusub loo sameeyo Doorashada.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Wararka ka imaanaya Villa Somalia ayaa sheegaya in ay gaareen qaar kamid ah wakiilada Beesha Caalamka oo uu...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warbixin ku saabsan Shirka Dhuusamareeb

Waxaa maanta furmey shir hordhac ah oo looga hadlaayo gudagalka shirka iyo ajandaha, kaas oo ka soo qaybgaleen dhamaan dhinacyada Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo Dowlad goboleedyada dalka.

Maamulada Jubaland iyo Puntland ayaa qaba in mudada shirka aan lagu soo xadidin saddex maalmood ee loo daayo inta shaqadu ku dhamaaneyso, meeshana laga saaro saddexdii maalmood ee Madaxweyne Farmaajo shirka u qabtey, sidoo kale waxay dalbanayaan in Madaxweeynuhu joogo ilaa natiijada shirka oo uu baajiyo ballanta uu isugu yeeray Baarlamaanka 5 Febaraayo.

Dhanka kale labada maamul ayaa tageersan qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Aqalka sare oo si iskiis ah u dalbadey in shirka lagu casumo, waxaana ay qabaan in labada guddoomiye shirka ka soo qaybgalaan.

Arrimahan ayaa hordhac u ah in la gudo galo jadwalka shirka oo ahayd in wax laga qabto ilaa saddex qodob oo caqabad ku noqdey taabbogelintii heshiskii ay wada gaareen 17 Siteembar 2020.

Waxaa jirta rajo xumo weyn oo laga muujinaayo in shirkaani uu miro dhal noqdo marka la eego qodobada ku xeeran ka hor gudagalka shirka ajandihiisa, iyo mudada aadka u yar ee u harsan Madaxweyne Farmaajo in uu helo qorshe lagu beddelo 8 Febaraayo.

Wakiilada beesha Caalamka ee taageera Dowaldda Soomaaliya ayaa sheegaya in aan wax laga beddeli karin heshiiskii 17 September, sidoo kale ay indhaha ku hayaan kuwa caqabadda ku noqda doorashada.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Waxaa maanta furmey shir hordhac ah oo looga hadlaayo gudagalka shirka iyo ajandaha, kaas oo ka soo qaybgaleen...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Shirka Dhuusamareeb

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in shirka Wadatashiga ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu galay marxalad xasaasi ah galay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa labo goor ka baxay shirka Dhuusamareeb kadib markii loosoo bandhigay heshiisyo hoose si uu uga tanaasulo arrinta muranka badan dhalisay ee gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa goordhow warbaahinta uga warbixin doona marxalada uu shirku marayo iyo sababta illaa hadda xal looga gaari la’yahay arrinta gobolka Gedo, sida uu baahiyey tv-ga Jubbaland.

Warar hoose oo ay Horseed Media heshay ayaa sheegaya wakiilada beesha Caalamka ee taageera dowaldda Soomaaliya inay wadaan dadaalo lagu joojinayo kulanka berri ee 6da bisha febraayo uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray baarlamaanka Soomaaliya, kahor inta aan xal buuxa laga gaarin arrimaha la isku khilaafsan yahay.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in shirka Wadatashiga ee u dhaxeeya madaxda...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.