Tillamook

Federal Republic of Somalia: Election update

Recommended Posts

Madaxweyne Qoor Qoor: “..Iskaashiga Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka waa Dastuuri…”

Madaxweynaha Galmudug oo furay shirka Dhuusamareeb ayaa sheegay in shirkan iyaga Galmudug ahaan si gaar ah ugu weyn yahay maadaama ay yihiin maamul hada dhismay, isagoo u mahadnaqay dhamaan Madaxda Dowladaha kale ee shirka kasoo qeyb galay, isagoona sheegay inuu rajeenayo in xal midnimo heshiis ku dhisan is-afgarad laga gaaro arrimaha horyaal.

“…Iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya waa mid dastuuri ah…” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in “…Talada aysan ka go’in keligood..” balse uu rajeenayo dhinacyada kale ee ka maqan siyaasada ururada Siyaasada iyo Xukuumada Federaalka ay kusoo biiri doonaan.

HORSEEDMEDIA.NET

Madaxweynaha Galmudug oo furay shirka Dhuusamareeb ayaa sheegay in shirkan iyaga Galmudug ahaan si gaar ah ugu...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Murtiyeed ka soo baxay Shirkii Dowlad goboleedyada ee Dhuusamareeb

 

War murtiyeed ayaa ka soo baxay saqdii dhexe ee Isniinta shirka Dowlad goboleedyada dalka ee ku shirsanaa magaalada Dhuusamareeb., warkan waxaa saxaafadda u akhriyey Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar, waxaana uu ka kooban yahay shan qodob.

Shirka ayaa isku raacay in doorashadu xiligeedi ku dhacdo, oo aysan dhicin wax muddo kor dhin ah iyo in aan dalka hadda laga qaban karin doorasho qof iyo cod ah, sidoo kale shirka ayaa ku baaqey shir labaad oo ka dhaca Dhuusamareeb oo ay ka soo qaybgasho Dowladdsa federaalka.

Hoos ka akhri warka oo sidiisi ah:

Shir Wada-tashi ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya
Dhusamareeb, July 12, 2020

WAR-MURTIYEED
Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Ahmed Maxamed Islaan ayaa waxay shir Madaxeed wadatashi ah isugu yimaadeen Magaalo Madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb, shirka ayaa si rasmi ah u furmay 11 July, socdayna illaa 12 July 2020.
Ugu horeyn Shirku wuxuu uga mahad celinayaa Dowladda iyo Shacabka Galmudug soo dhaweynta iyo martigalinta Shirka wadatashiga Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.
Madaxda Dowladaha ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo xoojinta geeddi socodka dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.
Dood iyo wada-xaajood dheer oo Shirku ka yeeshay arrimaha siyaasadda Dalka Soomaaliya, gaar ahaanna doorashooyinka hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo baxay

In la xoojiyo iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha

In doorashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2020/2021 ay ku dhacdo wakhtigeedii, aysanna imaan wax muddo kordhin xileed ah.

Sida ay sheegtay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dalka kama dhici karto doorasho hal qof iyo hal cod ah oo wakhtigeedii ku dhacda, sidaas darteed waa in tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalku ay noqoto mid taladeeda loo dhan yahay, nooc ahaanna ku dhici karta muddo xiliyeedka harsan.

Shirku wuxuu ku baaqayaa in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah iyo Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah ay shir wada-tashi ah isugu yimaadaan si ay uga wada arrinsadaan tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalka ee 2020/2021. Shirku wuxuu ku baaqayaa in shirka wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah uu ka dhaco magaalada Dhusamareeb ee Caasumadda Galmudug.

Shirku wuxuu ka mahad celinayaa taageerada Beesha Caalamka ee ay la garab taagan tahay dhismaha Dowladnimada Soomaaliya.

=======DHAMAAD======

HORSEEDMEDIA.NET

War murtiyeed ayaa ka soo baxay saqdii dhexe ee Isniinta shirka Dowlad goboleedyada dalka ee ku shirsanaa...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wejiga Labaad ee Shirka Dhuusamareeb oo isla todobaadkan furmaya

Kadib markii shirkii gaarka u ahaa Madaxda Dowlad Goboleedyada dalku ku soo dhamaadey war murtiyeed ka kooban shan qodob, oo ay ugu muhimsaneyd, in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo, muddo kororsina aan la sameyn karin iyo in shir labaad ay isugu yimaadaan iyaga iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah iyo raysalwasaaraha, ayaa waxaa durba loo diyaar garoobey in shirkaasi qabsoomo.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa sheegay in wejigii labaad ee shirku uu furmayo maalmaha soo socda, mar uu habeenkii xalay ka hadlaayey kulan ka dhacay magaalada Dhuusamreeb, waxaana uu hoosta ka xariiqey in Madaxda Dowladda federaalku ay ka soo qaybgalayso.

Waxaa jira warar sheegaya in Madaxweynaha iyo Raysalwasaaruhu weli ku kala aragti duwan yihiin nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa.

Warar Horseed Media heshey ayaa sheegaya in dhamaan Madaxda Dowlad goboleedyadu ay qabaan in ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho lamid ah tii 2016 oo dib loo hagaajiyey, waxyaabaha laga beddalay waxaa kamid ah:

Tirada ergada dooraneysa xildhibaanka, oo la gaarsiin karo 250 ergay

In doorashada la baahiyo ayna ka dhacdo gobolada iyo degmooyinka halka markii hore ay ka dhici jirtey caasimadaha Dowlad goboleedyada.

Qodobada lagu kala aragti duwan yahay ayaa ah:

Xiliga doorashadu dhici karto farsamo ahaan

Qaabka loo soo dooranayo Xildhibaanada Aqalka Sare

Iyo dhismaha guddiga doorasho ee kumeelgaar ah oo heer federaal ah

Dhuusamareeb 2 ayaa noqonaya laba arrin midkood, in ay ka soo baxaan dhamaan go’aamada lagu hagaayo doorashada 2020/2021 iyo in uu noqoto mid lagu heshiiyo mabda ahaan nooca doorasho isla markaana la dhiso guddiyadii ka shaqeyn lahaa.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Kadib markii shirkii gaarka u ahaa Madaxda Dowlad Goboleedyada dalku ku soo dhamaadey war murtiyeed ka kooban...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa ku wajahan maalinta Sabtida ah xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb.

Waxaa maanta gaarey magaalada Dhusuamreeb qaar kamid ah shaqaalaha xafiiska Madaxweynaha iyo qaar kamid ah ilaalada Madaxweynaha.

Shirka wadatashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka ayaa lagu wadaa in uu ka furmo Dhuusamareeb maalinta Axadda ah ee todobaadka soo socda.

Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre ayaa horey ugu sugnaa Dhuusamareeb, waxaana uu maanta saacado kooban joogey magaalada Garoowe oo uu kaga qaybgalay aaska raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Abshir Faarax.

Shirka weli ajandihiisa la iskuma raacin, waxaase meesha ka baxay magicii hore ee Dowladda federaalku siisey ee ahaa Shirka golaha Amniga Qaranka, waxaana shirkan looga wada hadli doonaa doorashooyinka dalka ka dhici doona nooca ay noqon doonaan.

Waxaana kamid ah qodobada ugu waaweyn ee horyaala:

Doorasho qof iyo cod ah miyaa la aadayaa, tan waxay dooneysaa in muddo kordhin loo sameeyo Dowaldda Federaalka, suurtagalnimadeedu waa mid aad daciifd u ah.

Doorasho dadban oo wax laga beddeley middii la qabtey sanadkii 2016, tan waxaa qaba inta badan Dowlad goboleedyada, Guddiga joogtada ah ee Aqalka sare iyo weliba xubno sare oo Dowaldda Federaalka ka tirsan.

Haddii qodobka labaad la qaato ayaa dooda ugu adag noqon doontaa, wakhtiga ay ku dhici karto farsamo ahaan, metelaada Banaadir iyo maqaamka caasimadda.

HORSEEDMEDIA.NET

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminaayo...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Baarlamaan dhexe looma baahna hadii shirkooda wax kasoo baxo ama ay wax un ku heshiiyaan. 

Waa in mushaarka xildhibaabada dugsiyo quraan iyo mid maadi ah loogu dhisaa caruurta dayacan.

Mar kastoo doorasho la gaarana shanta madaxweyne laysu keenaa si ay u doortaan kan shanaad oo xamar joogi doona afarta sano ee soo socota.

Sharci dejin gobolada matala hadana aan qiimo lahayn waa wax ceeb ku ah dawladnimada soomaaliya.

xataa masuulkii ka dhinta waa in lagu duubaa calan ay gaar u samaysteen oo ka qiimo badnaaday kii aan kor u fiirin jirnay oo buluugga ahaa.

Mar hadaan dastuur ka dhaxayn, calan ka dhaxayn, ciidan ka dhaxayn, canshuur ka dhaxayn, wax barasho ka dhaxayn. 

Maxay hantida qaranka ugu cayaarayaan oo diyaaradaha bajaaj uga dhigayaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
1 hour ago, gooni said:

Baarlamaan dhexe looma baahna hadii shirkooda wax kasoo baxo ama ay wax un ku heshiiyaan. 

Waa in mushaarka xildhibaabada dugsiyo quraan iyo mid maadi ah loogu dhisaa caruurta dayacan.

Mar kastoo doorasho la gaarana shanta madaxweyne laysu keenaa si ay u doortaan kan shanaad oo xamar joogi doona afarta sano ee soo socota.

Sharci dejin gobolada matala hadana aan qiimo lahayn waa wax ceeb ku ah dawladnimada soomaaliya.

xataa masuulkii ka dhinta waa in lagu duubaa calan ay gaar u samaysteen oo ka qiimo badnaaday kii aan kor u fiirin jirnay oo buluugga ahaa.

Mar hadaan dastuur ka dhaxayn, calan ka dhaxayn, ciidan ka dhaxayn, canshuur ka dhaxayn, wax barasho ka dhaxayn. 

Maxay hantida qaranka ugu cayaarayaan oo diyaaradaha bajaaj uga dhigayaan?

 

Gooni, waxaa kuu haboon inaad runta aadan ka leexleexan oo aad tiraahdid Baarlamaanka Federaalka, inta aad ku hadaaqaysid Baarlamaan “dhexe”!oo qarnigii hore laga takhalusay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulamadii gaar-gaarka ahaa ee ka dhacay Dhuusamareeb

 

Waxaa xalay magaalada Dhuusamareeb ka dhacay kulamo gaar gaar ah oo ay Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha Federaalka la yeelanayeen Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Kulan xasaasi ayaa dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo si weyn isugu khilaafsan arrimo dhowr ah oo ay ku jiraan cunaqabateyntii Villa Somaliya saartay Kismaayo xiligii doorashadii Jubbaland iyo Doorashada Soomaaliya 2020/2021.

Kulankaasi ayaa waxaa xigay kulan labaad oo ay wada yeesheen Farmaajo, Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni. Wadahaladaasi oo wakhti socday ayaan laga soo saarin wax warsaxafadeed ah.

Dhinaca kale Raysalwasaare Xassan Cali Khayr ayaa isaguna kulan u gaar ah la yeeshay 5ta Madaxweyne ee Dowladaha xubnaha ka ha Federaalka, kulankaasi oo looga hadlay qodobada horyaal shirka [Dhusamareeb 2] oo la sheegayo in weli la isku waafaqin qaabka shirkaasi u dhacayo, cida iskaleh shir-gudoonka iyo qodobada shirka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed Cabdullaahi ayaa soo jeediyey mar uu la kulmay qaar kamid ah Madaxda Dowlad goboleedyada in bulshada Soomaaliyeed wax wanaagsan loo sheego oo aan shirka la isku rifin, sidoo kale waxa Madaxweynuhu soo jeediyey in shirkaan aan wax go’aan ah hadda lagu gaarin ee uu noqdo mid lagu heshiiyo oo gogolxaar u noqda shir weyn oo Muqdisho ka dhaca laguna jiheeyo dalka.

Soo jeedinta Madaxweynaha aad ayaa loogu kala aragti duwanaa, waxaana shirku u ekaa mid aan weji wanaagsaneyn.

Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya inay la wareegaan maamulka shirka arrintaasi oo ay ka diideen dhamaan dhinacyada kale, waxaa sidoo kale weli lagu heshiin qodobada shirka looga hadlayo iyo cid ka qeyb galaysa, sida ay Horseed Media u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Madaxtooyada Villa Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda inuu doonayo inuu kala fur-furo madaxda Dowlad gobaleedyada oo iyagu intooda badan isku mawqif ka yihiin in ay dhacdo Doorashada xiligeeda isla markaana ahaato nidaam u dhigma doorashadii 2016, maadaama xukuumada Federaalka ay ku fashilantay inay soo diyaariso Doorasho Qof iyo Cod ah.

Villa Somaliya ayaa sidoo kale dooneysa in qodobada shirka looga hadlayo lagu koobo iskaashiga Federaalka iyo States-ka balse aan si gaar ah diirada loogu saarin arrimaha Doorashada iyo in shir kale Muqdisho la isugu yimaado si looga hadlo Doorashada.

Bulshada Rayidka oo shalay la kulmay Madaxweyne Farmaajo ayaa si adag u cambaareeyey warkii ay faafisay Villa Somaliya kulankaasi kadib, xafiiska Farmaajo ayaa sheegay in ururadaasi ay taageersan yihiin doorasho Qof iyo Cod ah, balse ururada Rayidka ayaa warkaasi beeniyey, arrintaasi oo muujineysa habka Villa Somaliya u dooneyso inay adeegsato xeelad walba oo ay ku gadeyso mashruuca Doorashada Qof iyo Cod oo ay Dowladu horey ugu fashilantay.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Waxaa xalay magaalada Dhuusamareeb ka dhacay kulamo gaar gaar ah oo ay Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirka Dhuusamareeb oo maraya meel xasaasi ah -WARBIXIN

Ilaa haDDA waxaan si rasmi ah u furmin shirka Wadatashiga Dowladda federaalka iyo Dowlad goboleedyada ee ku aadan arrimaha doorashada dalka. Shirarkii gaar-gaarka ahaa ayaa ilaa habeenkii xalay ka socdey Dhuusamareeb xarunta Galmudug. Furitaanka shirka weyn ee khudbadaha laga jeedinaayo ayaa caqabada ugu weyn ee hor istaagtey noqotey, Ajandaha shirka looga hadlaayo, taas oo aad loogu kala aragti duwanaa.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weeli ku adkeysanaya in shirkan uu noqdo mid gogol xaar u noqda shir weyn oo loo dhan yahay, ee aan go’aamo laga soo saarin, waxaa kale oo uu soo jeediyey in guddi farsamo la iska soo xulo kaas oo muddo laba todbaad ah ku soo diyaariya qorshaha doorashooyinka dalka, shirkaas oo ka dhaca Muqdisho

Dhamaan Madaxda Dowlad goboleedyadu waa ka aragi duwan yihiin Madaxweyne Farmaajo, waxaana ay ku adkaysanayaan, in shirka la wajaho go’aamona laga soo saaro, haddii guddi farsamo la magacaabayo ay qaadato muddo aan ka badneyn 7 maalmood shirka saddexaadna ka dhaco isla halkii uu ka bilowdey shirku ee Dhuusamareeb.

Waxaa warar sheegayaan in ay u badan tahay in guddi farsamo la iska soo saaro kaas oo diyaaraya qorshaha shirka iyo waxa heshiis lagu yahay, haddaan Madaxweyne farmaajo shirka ka bixin.

Waxaa jira kala shaki iyo in aan la is aaminsaneyn. Waxaa Dad badan aaminsan yihiin in shirkan aan niyad wanaag lagu wada fadhiyin, Dowladda Federaalka ah ay kala socoto oo aysan isku mowqif ahayn, Madaxweynaha iyo Golaha shacabkuna u miciyo lisanayaan muddo kororsi.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Ilaa haDDA waxaan si rasmi ah u furmin shirka Wadatashiga Dowladda federaalka iyo Dowlad goboleedyada ee ku aadan...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dubbihii Madaxweyne Farmaajo la tegey Dhuusamareeb iyo finiinka duulaya! -FAALLO

Waxaa la galay maalintii shanaad ee Madaxda Dowaldda Federaalka ee Jamhuuriyada iyo madaxda Dowlad goboleedyadu leeyihiin shirar caalwaa iyo gacmo daalis ah, waxaana furitaanka shirka weyn ee Soomaali oo dhan indhaha ku hayaan caqabad ku noqdey in uu furmo Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo go’amaadiisu noqdeen kuwo isu bedbedalaan si degdeg ah.

Madaxda Dowlad goboleedyada ayaa u soo jeediyey Madaxweynaha in Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim ay soo jeedisey in ay ku fashilmeen in ay doorasho qof iyo cod ah wakhtigeeda ku qabtaan, taas beddelkeedna sheegtey in ay u baahan tahay muddo sanad ka badan in ay hawshaas ku qaban karaan, Sidoo kale waxay Madaxweynaha u jeediyeen in Xukuumaddiisu isku raacdey in aan wax muddo kororsi ah la sameyn karin, weliba si cad Raysalwasaaruhu u sheegay in ay dalka u horseedeyso qalalaase siyaasadeed haddiiba la isku dayo muddo kororsi, sidaas darteed doorasho noockasta ay tahay la isla oggol yahay la qabto oo wakhtigeeda ku dhacda, sidoo kale waxay Madaxweynaha xusuusiyeen in isaguna sheegay in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo oo aan muddo kororsi la sameyn isaga oo ayidey go’aankii xukuumadda, iyaga oo dhan haddii ay yihiin Madaxdii Dowlad goboleedyada dalka ay wada qabaan in dalkaan afartii sanoba mar ay ka dhacdo doorasho ee loo baahan yahay ka hor inta aan shirku furmin in mar kale lawada qaato arrintaas ajandaha shirkana la galo iyada oo la isla oggol yahay xaqiiqada banaanka taal.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirarka dhaadheer ee ay gelayaan noqdeen kuwo uu isu bedbedelo si la yaableh, waxaana uu caqabad ku noqdey in shirku furmo, maadaama ay xaqiiqo tahay nooca doorasho ee uu doonaayo wixii ka horeeyey aanu fulin in ay u baahan tahay wakhti dheeraad ah taas haddii la sameeyona dalku qalalaase siyaasadeed gelaayo sida Raysalwasaaruhu yiri. 

Anthony Smith oo ka faallooda arrimaha siyaasadda gaar ahaan waxyaabaha la xiriira caafimaadka ayaa sheega in xanuunka bipolar-ka loo yaqaan uu siyaasiyiin iyo dad caan ah dunidan faro ba’an ku hayo dhibaatooyinka uu lee yahay ay ka mid tahay is beddel aan caadi ahayn oo qofku sameeyo haddey ahaan lahayd moodkiisa iyo ficiladiisaba, dadka bipolar-ka qirta in ay qabaan ayaa laga ilaashaa saxaafadda, kulamada badan ee dadweynaha iyo doodaha sababta u weyn ayaa ah isbeddelka dareenkooda, hadalkooda iyo go’aamadooda ku dhaca oo noqda kuwo aan caadi ahayn.

Sida Shabakada Horseed Media horey u daabacdey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ayaa magaalada Dhusuamareeb la tegey isaga oo uu garabka u saaran yahay Burris (Hammer), waxaana ugu weyneyd Istaraatiijiyaddiisa in aan shirka Dhuusamareeb aysan ka soo bixin natiijo la taaban karo, shirku uu noqdo mid wakhtiga lagu dilo, ugu danbeyna loo ballamo shir kale, si Golaha Wakiiladu u fuliyaan qorshihiisa maadaama ay shirkan ka madax-banaan yihiin oo aysan qayb ka ahayn, waxaa muuqata in uu hadda shaqeynaayo burriskii Madaxweyne Farmaajo, haddii aan madaxda Dowlad goboleedyadu qaadan doorkooda kana maarmin shirarka gacma daaliska ah ee ay doonayaan in ay furaan albaab xiranoo furihiisana daaqada looga tuuray.

Haddaba nidaamka federaalka ah ayaa loo sameeyey waxa maanta socdo oo kale in aysan dhicin, waxa loo sameeyey in lagu ilaaliyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi oo kale, in aan hal shakhsi ku tagrifalin awoodda dalka, dastuurkana ku xadgudbin, si looga hortago damac kasta oo keli-talisnimo ku dhisan kana baxsan sharciga. Haddaba waxaa la is weydiinayaa waxa la gudboon Madaxda Dowlad goboleedyada ee ah dalka intiisa badan doorashada Federaalkana la doonayo in ay ka dhacdo, waxaa u furan haddii natiijo ka soo bixiweydo kulamada dhaadheer ee habeenkasta loo fadhiyo:

In ay oggolaadaan damaca waalan ee muddo korosiga, labada sanno ah, kana tanaasulaan nidaanka federaalka ah dalkuna noqdo mid Muqdisho keliya looga taliyo.

In ay qaataan go’aan geesinimo leh una diyaariyaan in dalka doorasho ka dhacdo kana horyimaadaan nidaamnkasta oo sharci darro ku dhisan iyo muddo kororsi.

Haddii kale waxay noqonayaan qofka ugu danbeeya ee mismaarka sanduukha meykda ku dhufta (the final nail in the coffin)

Next Scapegoat

Raysalwasaraha Xukuumadda Federaalka Xassan Cali Kheyre ayaan weli qaadan go’aan uu ku xaqiijinaayo khudbadiisi ahayd in dalku doorasho u diyaar garoobo, muddo kororsina aysan jirin, waxaa la is weydiinayaa sida ay noqon doonto mustaqbalkiisa siyaasadeed haddii shirka Dhuusamareeb uu burburo, Madaxweyne Farmaajo dib ugu laabto Muqdisho, Madaxda Dowlad goboleedyaduna aysan qaadan door ay ku midoobi karaan.

Kheyre waxaa la gudboon in uu ka soo baxo daaha gadaashiisa, garab istaago soo jeedinta madaxda Dowlad goboleedyada, isaga oo isticmaalaya sharciyadda uu haysto, taas waxay horseedeysa in uu badbaadiyo mustaqbalkiisa siyaasadeed laakiin haddii kale waxa uu noqonayaa Scapegoat, kaas oo lagu eedeeyo dhamaan khaladaadkii dhacay, haddii aysan shirkaan ka soo bixin dhabadii loo maraayey doorashada waxa raysalwasaare Kheyre noqonayaa siyaasiga ugu khasaarada badan.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Waxaa la galay maalintii shanaad ee Madaxda Dowaldda Federaalka ee Jamhuuriyada iyo madaxda Dowlad...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuxurka War murtiyeedka caawa laga soo saarayo Dhuusamareeb

Kadib shan maalmood oo wada hadal ah, iyada oo uu furman waayey shirka guud ee lahaa borotkoolka, oo wada hadalku ahaa mid goos goos ah una dhexeeyey Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad goboleedyada ayaa ugu danbeyn caawa laga soo saarayaa War muriyeed.

Sida Horseed media ogaatey war murtiyeedka ayaa ka kooban.

In mabda ahaan lagu heshiiyey in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo, wax muddo kordhin ahna aan loo sameyn Dowladda.

In la magacaabo guddi heer wasiiro ah oo ka shaqeeya nooca doorasho ee la qaadan doono iyo dhabbaha loo marayo.

In Shir danbe la isugu yimaado.

Waxaa laga dheereeyey war murtiyedka in lagu qeexo nooca doorasho ee la qaadan doono, waana halka khilaafka ugu weyn uu ka taagnaa, isla markaana uu ku sigtey shirka lagu kala dareero, Madaxweyhne farmaajo ayaa si weyn arrintan ugu dheganaa, waxaana la is weydiinayaa maalmaha soo socda isbeedalada dhici doona, gaar ahaan marka laga hadlaayo Golaha Shacabka oo aan qayb ka ahayn shirkan hamuuna u qaba muddo kororsi.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Kadib shan maalmood oo wada hadal ah, iyada oo uu furman waayey shirka guud ee lahaa borotkoolka, oo wada hadalku ahaa...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

8 Qodob oo laga soo saarey Shirkii Dhuusamareeb 

WAR-MURTIYEED
Shir Madaxeed ay isugu yimaadeen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah, kana dhacay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowladda Galmudug 19–22 Luuliyo, 2020. Shirka ayaa waxaa guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare.


Shirka ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka Soomaaliya, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha doorashooyinka dalka, waxaana ka soo baxay;

1. Waxaa shirku adkeeyay midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed

2. Shirku wuxuu isku raacay in lasii dardargeliyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada.


3. Shirku wuxuu kale oo isla gartay in lasii xoojiyo arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo geeddi socodka dhammeystirka dayn-cafinta Soomaaliya.

4. Madaxdu waxay isla meel dhigeen inay dalka ka dhacdo doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda oo lagu wada qanacsan yahay.

5. Madaxdu waxay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. Guddigaas oo ka soo baaraandagi doona talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka.

6. Madaxdu waxay isku raaceen in shirka labaad la isugu yimaaddo Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug muddo labo toddobaad gudahood ah si loo dhammeystiro geeddi socodka doorashooyinka dalka.

7. Shirku wuxuu uga mahad celiyay Dowladda iyo Shacabka Galmudug soodhaweynta diirran iyo martigelinta wanaagsan ee ay u sameeyeen Madaxda iyo wufuudda Soomaaliyeed ee kasoo qeyb galay shirka. Sidoo kale, shirku wuxuu bogaadinayaa dib u heshiisiinta ka hana qaadday Galmudug-ta cusub taasoo ay ka dhalatay in ay martigeliso shirkan wadatashiga ah ee looga tashanayo aayaha Soomaaliya. Taasi waxay ku timid hoggaaminta wanaagsan ee Madaxda iyo biseylka ay gaareen shacabkeeda si nabadda iyo horumarka salka loogu dhigo.

8. Ugu dambeyntii, shirku wuxuu u mahadceliyay Beesha Caalamka kaalinta muuqata ay ka geysanayaan dib u dhiska iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya.

—-DHAMMAAD—-

Share this post


Link to post
Share on other sites
7 hours ago, Oodweyne said:

^^^ Che,

Eh, say what dear ninny? Did he gets you on the wrong side? Or perhaps, you have difficulty in dealing with our new worrier, namely, Mr. Timaccadeh, who is making mincemeat out of the collection of the "defeated lot" cretins in which we have in here of SOL.

Do, tell us all about it, my dear cowardly fellow.

And remember, also that his kind of "scalp-takers", who go out of their ways to dispossess the "cowardly skulls" of our "enemies" (like so much of victor's trophies), are teeming back at the border between Pirate-land and us.

Hence, you really would be better off in telling your fellow gutless pirate nannies, in out there of the "sea-robbing fiefdom" in which you hailed from, that they actually ought to watch out.

After all, in here of SOL we skin you alive, verbally, that is. And back home in that dusty border between Somaliland and Pirate-land, we also skin your nervous hides and duly proceed to chase you around (from pillar to post and back again) with bullets, particularly, where the rest of your cowardly ilk are concerned.

It's a "win-win deal" for all around, I tell you. 😂

Ninyahow, you are easily distracted. It took a one-liner to entirely divert your attention. Now, let's redirect your attention to the topic.

So, you were daring about something....

As for your minion, he seems to be steroids. As an elder statesman, please inform him that anything he might have said,  he says and will ever say in regards to the Somali peninsula and its dirty politics have debated to death in this forum. He should stick to posting the daily bad news from the South.

And honestly, you and Suldaanka should put brochures together for these new guns.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhuusamareeb: Gacmo Geeljire hoos baa loo dhaqaa, Runtii maxaa lagu heshiiyey?

Arabacadii waxaa soo dhamaadey wejigii labaad ee shirka Dhuusamareeb, kaas oo qaatey muddo lix maalmood ah in gorodda la iskula jirey, shirar gooni gooni ah iyo kuwo ay u dhan yihiin, Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaaliga ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Rayslwasaare Xassan Cali Kheyre iyo dhammaan madaxda shanta Dowlad goboleed.

Fiidnimadii Arbacada ayey hor yimaadaan shacabka Soomaaliyeed iyaga oo laga daawanayo qaarado kala duwa. Borotokoolku waxa uu ahaa mid si uun uga duwan kuwii hore, Madaxweyanayaasha Dowald goboleedyada iyo weliba Raysalwasaaruhu waxay dhex faristeen dadweynaha, Madaxweynaha oo calankii Jamhuuriyaddu dhinac yaalo keliya ayaa loo baneeyey qaybta kale.

Jadwal horey loo sii dejiyey ayaa lagu socdey oo ah in Madaxweynuhu hadalka ugu danbeeya lee yahay, Raysalwasaaruhuna ku soo dhaweynaayo, madaxda Dowald goboleedyaduna ay ka horreynayaan.

Madaxweynaha Jubbaland oo muddo 14 bilood ah ay is rifayeen Dowaldda federaalka ah, dagaalo toos ah lala galey ciidankiisa, qaar kamid ah wasiiradiisa xabsiga loo direy, ugu danbeyna cadaadis dheer kadib isagii loo aqoonsadey in uuba kumeel-gaar uu yahay si lamid ah shirkii Adis Ababa ee Dowalddii Xassan Sheekh uu kula heshiiyey ayaa shirka fadhiya oo haddana loo aqoonsan yahay kumeel-gaar.

Puntland oo muddo 12 bilood ah sheegaysey in Dowladda Federaalka ah ay ku tumatey dhamaan shuruucdii dalka ee federaalka oo Article 4 ee dastuurkeeda ku hanjabta in ay hirgelin doonto oo taaban doonto, ayaa shirka fadhida.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa shirka fadhiya oo muddo xileedkiisi soo dhaw yahay, ballamo badana looga baxay, kadib markii uu isaga baxay Iskaashigii Dowald goboleedyada.

Koonfur galbeed iyadu waxay ciyaareysey kubbad qabow, laakiin horey mowqifkoodu waa cadda, mase jirin xasaasiyad weyn.

Galmudug oo cusub, kuna tiirsan taageerada Dowladda Federaalka ah, laakiin aan sinaba loo dhayalsan karin awoodda siyaasadeed iyo sooyaalkooda iyaga marti ayaa loo ahaa.

War murtiyeedkii laga akhriyey shirka ayaan ahayn mid ka duwan intii horey dhinac kasta u sheegay, marka laga yimaado Dowald goboleedyada oo sheegay in lagu fashilmey waxyaabihii ka horreeyey in la qabto doorasho qof iyo cod ah, meesha u weyn ee war muriyeedka laga eegaayey ayaa ahaa doorashada la qaban doono caynkeeda iyo in la isla qiro in aan wakhtiga harey lagu qaban karin doorasho qof iyo cod ah oo ah, waxaase la isla qirey in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo, sida ay u ekeaaneyso farsamo ahaana guddi loo saaro.

Dadka ka faaloodey arrimahan ayaa isku raacey in aan la is waafajin karin doorashadu haku qabsoonto wakhtigeeda iyo doorasho qof iyo cod ah, sidaas darteed la is weydiinayo xaqiiqdii waxa lagu heshiiyey.

Dowlad goboleedka Puntland oo ugu guunsan dowalad goboleedyada ayaa muddo hoggaaminaayey codka ugu dheer ee diidan in ay dhacdo muddo kororsi, kana soo horjeedey sharciyada Baarlamaanku sameeyey ee aan wada tashiga la gelin. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbad ka duwan kuwiisi hore oo debecsanaan badan ka muuqato ka jeediyey Dhuusamareeb habeenkii Arbacada, waxa uu hoosta ka xariiqey in iyaga iyo Dowaldda Federaalku loo kala sheekeeyey, laakiin markii ay is arkeen waxkasta isbeddeleen, wuxuu kale oo sheegay in dulqaadka iyo odaynimada Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaaalka dartiis halkaan lagu fadhiyo laguna soo gaarey!.

Marka la eego sooyaalka siyaasadeed ee dalka, marka la akhriyo khudbadii debecsaneyd ee Madaxweyne Deni waxaa shaki weyn laga qabaa in uu jiro heshiis si hoos loo gaarey lana isku qanciyey, kaas oo lagu badbaadinaayo wejiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxaan sinaba suurta gal u ahayn 6 maalmood oo wada hadal hoose ah in aanu jirin dhiil iyo heshiis hoose oo aan warqadaha lagu qorin. Haddiise ay arrintu taas ka duwanaanto oo maalmaha soo socda la arko Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Farmaajo oo geeddiga dhinac kale la aadey, Buntlandina qaylo ka soo yeerto, Madaxweyne Deni waxa uu noqonayaa Madaxweynahii ugu xumaa ee heshiis gala abid ee soo mara Puntland, waxaana uu ku gawracan yahay in hadalkiisi amaanta iyo niyad wanaaga ahaa ku adkeysto.

Muxuu noqon karaa heshiiska la galay?

Heshiiska hoos loo gaarey ee aan warqadaha lagu qorin ayaa noqon kara in la isla qirey in doorasho qof iyo cod ah ay tahay waxa ugu wanaagsan ee doorasho lagu galo ayse u baahan tahay wakhti iyo in wax laga beddelo sharciga dhigaaya 4.5 in dalku ku sii jiro. Taas beddelkeed in la qaato nooc kale oo doorasho una dhaw tii 2016, lana siiyo Dowaldda wakhti ku habboon oo farsamo ahaan lagu qabto. Heshiiska Madaxweynaha Jamhuuriyaddu arrintaas ku bedalanayo ayaa ah in doorashadaas ay Dowaldda federaalku maamusho oo ay tahay heer federaal oo aysan ahayn heer Dowald goboleed. Arrinta kale ee Dowaldda federaalku ka fekereyso beesha caalamkuna taageeri karto ayaa ah in la qaato Doorasho lamid ah tii Somaliland ka dhacdey 2003 iyo 2005 oo dadka lagu diiwaangeliyo isla goobta codbixinta, ayna ka dhacdo ugu yaraan 70 degmo, noocan doorasho waxaa sheegtey Guddoomiyaha Guddiga Doorashada, waxayna baarlamaanka ka codsatey in ay ku hirgelin karto muddo 8 bilood ah oo ka bilaameysa bisha Agoosto.

Maalmaha soo socda waxay caddeyn doonaan wixii Dhuusamareeb lagu gaarey waxay ahaaayeen, waxaa la sugayaa sida Golaha Shacabka iyo Madaxweynhu u waajahaan wixii ka soo baxay Dhusamareeb, sidoo kale waxa la sugayaa sida loo dhiso guddiga farsamo ee ka shaqeyn lahaa nooca doorasho ee dalka ka dhici karta.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Arabacadii waxaa soo dhamaadey wejigii labaad ee shirka Dhuusamareeb, kaas oo qaatey muddo lix maalmood ah in...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.