Tillamook

Federal Republic of Somalia: Election update

Recommended Posts

Maxaa dhacaya haddii Madaxweyne Farmaajo soo dhaweyn waayo shirka wadatashiga?

 

Soomaaliya waxay maraysaa xili xasaasi ah oo u baahan in gacmaha la is qabsado oo si wadajir ah loo wajaho xaalada dalka Soomaaliya, hadalkan waxaa Goloyaasha Baarlamaanka horteeda ka yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xili uu furaayey Kalfadhigii 7aad, waa hadal xaqiiqa ah, waxaana la gaarey xiiligii laga dhabeyn lahaa. Haddaba iyada oo hadalkaas laga duulayo, waxaa guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ee Jamhuuriyaddu soo saarey baaq dheer oo nuxurkiisu ahaa in ugu danbeyn 25 Juun 2020 la isugu yimaado shir wadatashi.

Baaqa Aqalka sare kadib waxaa soo dhaweeyey, Koonfur Galbeed, Jubaland, Hirshabele iyo Puntland, sidoo kale waxaa soo dhaweeyey beesha Caalmaka sida dalalka Maraykanka iyo Midowga Yurub.

Ilaa hadda waxaan war ka soo bixin Xukuumadda Federaalka iyo xafiiska Madaxweynaha, haddaba waxaa la is weydiinayaa tallaabada ay qaadi doonaan.

Waxaan shaki ku jirin in Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre uu xiriir dhaw la lee yahay dhamaan Dowlad Goboleedyada, baaqa soo baxayna hadal u dhaw uu dhawaan jeediyey, sidaas darteed uu aad ugu faraxsan yahay qorshahan cusub. Waxaa dadka akhriya sadarada siyaasadda hoosteeda ay sheegayaan in Xassan Cali Kheyre uu haysto fursad uu ku hoggaamin karo sidii marxalddan looga bixi lahaa, isla markaana uu u dhisan lahaa mustaqbal siyaasadeed iyo xulafo. Laakiin, Xassan Cali Kheyre Raysalwasaaraha Jamhuuriyaddu ma doonayo in uu ka hordhaco go’aanka Madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ma haysto xulafo siyaasadeed, waxaa dad badan ku doodaan in uu Dowlad goboleedyo dhistey, laakiin taasi waa mid xaqiiqada ka fog. Golaha wakiilada oo uu isku halleynaayey in ay isku doon saaran yihiin oo ay ka dhabeyn karaan damaciisa siyaasadeed waxaa u muuqata in aysan ahayn sida uu ugu xisaabtamey, haddaba Madaxweynaha waxaa la gudboon laba arrin midkood.

In uu soo dhaweeyo shirka wakhti la cayimeyna ku qabto oo uu hoggaamiyo wadahadal miro dhal ah oo looga baxayo khilaafka siyaasadeed ee taagan.

Arrintan waxay horseedeysaa in go’aamo loo dhan yahay oo la isla oggol yahay soo baxaan, tan oo mugdi gelin karta damaciiisa ku aadanaa in doorashadu u dhacdo qaabka uu u injineeriyo.

In uu dhegaha ka fureysto oo aanu wax ja waab ah ka bixin baaqa loo jeediyey.

Arrintan waxay keeneysaa in Dowlad goboleedyada iyo Goloyaasha Baarlamaanka iyo daneeyaasha siyaasadda Soomaaliya la isu keeno oo laga maarmo Villa Somalia, beesha caalamkuna taageerto go’aamada ka soo baxa, arrintan ayaa keeni karta in kala aragti duwanaanshaha u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Rayslwasaare Xassan Cali Kheyre uu banaanka u soo baxo, raysalwasaaruhuna la safto inta badan ee Saamileyda siyaasadda Dalka isla markaana hoggaamiyo shirkaas.

Haddaba kubaddu waxay la taalaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxanaa muhim ah in uu ka fekero dhanka uu u laadi doono.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Soomaaliya waxay maraysaa xili xasaasi ah oo u baahan in gacmaha la is qabsado oo si wadajir ah loo wajaho xaalada dalka...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xassan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo baaq u jeediyey Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyanyaashii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xassan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii xalay shir saxaafadeed ku qabtey magaalada Muqdisho, kadib markii ay kulan labaad la qaateen shir-guddoonka Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyadda.

Labada Madaxweyne ayaa muujiyey welwelka ay ka qabaan xaaladda dalka, haddii ay dhamaato muddada dastuuriga ah ee Madaxda dalka loo igmadey xafiiska.

-Horey uma dhicin in iyada oo la iska socdo la gaaro maalintii xilku ka dhamaan lahaa, xiligaan oo kale ugu yaraan waxaa la ogaa halka loo socdo, Madaxweyne Farmaajo waxaan ka dooneynaa in uu dadka la hadlo u sheego runta God iyo ninkii loo wado lama kala qariyo, suurta gal maaha sida uu hadda wax ku wado in ay wax ku dhamaadaan, ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa welwel weyn ka muujiyey waxa ka dhex socda Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteeriya, wuxuu sheegay in wararka soo baxaya oo dhan ay yihiin kuwo ka imaanaya dhanka Itoobiya iyo raysalwasaare Abiy Ahmed, laakiin annaga ayuu yiri Madaxweynahayagii waa aamusan yahay, hanoo caddeeyo waxay dalalkaasi ka wadaan is dhexgalka dalalka Bariga Afrika ayuu yiri.

Dhanka kale waxa uu dalabadey in dalka laga saaro ciidamada aan sharciga ku joogin ee ka baxsan AMISOM, kuwaas oo geystey falal denbi ah laguna dley muwaadiniin Soomaaliyeed ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ugu danbeyn dhamaan Madashada Xisbiyada oo ay afkooda ku hadlayaan Madaxweynayaashii hore soo dhaweynayaan baaqa ka soo baxay aqalka sare ey ku baaqayaan in shir wadatashi oo degdeg ah la isugu yimaado.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Madaxweyanyaashii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xassan Sheekh...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Farmaajo oo Aqbalay in Wadatashi Laga Yeesho doorashooyinka dalka, Casuumadna u Fidiyay Maamul Goboleedyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan Shirka Golaha Amniga Qaranka u fidinaya Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa ku saabsan sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa geeddi socodka doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, waxaa jira shir hordhac ah oo ku qabsoomaya aaladda la iska arki karo kaasoo lagu qiimeynayo dadaallada wadajirka ah ee haatan socda ee lagula dagaallamayo cudurka Coronovirus, sidii loo sii xoojin lahaa ka hortaggiisa iyo culeyska dhaqaale ee ka dhashay .

“Jadwalka uu ku qabsoomayo Shirka Amniga Qaranka waxaa ka shaqeynaya guddiyo farsamo oo ka kooban dhammaan dhinacyada kasoo qeybgalaya si loo sii amba qaado wadatashiyada arrimaha masiiriga ah ee dalka iyo xoojinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah” Sidaas waxaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Villa Somalia

“Madaxtooyada JFS waxa ay adkaynaysaa muhiimadda shirkan, maadaama uu dhammeystir u yahay guulaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay wadajirka u xaqiijiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna shirku jihaynayaa hannaanka dimuqraadiyeed ee dalkeena

Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, Guddoomiyaha aqalka sare iyo wadamada saaxiibka la ah Somalia ayaa ku baaqay in shir ay isugu yimaadaan madaxda federaalka iyo kuwo dowlad goboleedyada si looga hadlo arrimaha doorashada ee 2020/2021

HORSEEDMEDIA

 

HORSEEDMEDIA.NET

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah oo...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   
2 hours ago, Tillamook said:

Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, Guddoomiyaha aqalka sare iyo wadamada saaxiibka la ah Somalia ayaa ku baaqay in shir ay isugu yimaadaan madaxda federaalka iyo kuwo dowlad goboleedyada si looga hadlo arrimaha doorashada ee 2020/2021

I did not flow this thread for a while but it seems Mr. Tilamook probably knew the end game. Back in March when we were mesmerized by the the so called one man one vote , he wrote, 

?It seems, the country is officially under another road map for elections. The security council has said “jump!” and our so-called representatives have obliged and said “How high?”

Well, we are finally reached that road.

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

HORSEEDMEDIA.NET

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qaybgalay kulan...

Madaxda Dowlad Goboleedyada Iyo DFS Oo Yeeshay Kulan Hordhac U Ah Shirka Amniga Qaranka

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qaybgalay kulan hordhac u ah shirka amniga Qaranka oo ka qabsoomay aaladda Internetka (Whatsapp & Zoom) kaas oo ay kasoo qaybgaleen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, guddoomiyaha gobolka Banaadir, raisulwasaaraha Soomaaliya iyo raisulwasaare kuxigeenka.


Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu horeyn ka warbixiyey wadahadalladii Jabuuti uga furmay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland, isagoona dhanka kale sheegay sida ay uga go’an tahay adkeynta wadashaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad Goboleedyada, wuxuuna xusuusiyey madaxda muhiimadda wadajirka iyo in loo tanaasulo danta guud, iyada oo la ilaalinayo dowladnimada.


Madaxda dowladda federalka iyo dowladdaha xubinta ka ah dowladda federalka ayaa kulankaan intii uu socday ku heshiiyay in si degdeg ah uu u qabsoomo shirka amniga iyo doorashooyinka islamarkaana waxaa la isku raacay in Madaxweynuhu go’aamiyo goobta iyo wakhtiga shirka.

Horseed Media

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaliimo Yarey: 13 Bilood ayaanu u Baahanahay Si aa u Qabano Doorasho.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Federaalka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo yareey) oo maanta hortegtay xildhibaanada barlamaanka Federaalka  ayaa sheegtay in doorashadu aysan waqtigeeda ku dhicin kariin.

Xaliimo Yarey ayaa xubnaha barlamaanka u soo bandhigtay labo nooc Doorasho oo lagu gali karo doorashada  federaalka,

“ Annaga oo xaqiijinayna nooca doorasho ee sharcigu qeexay, islamarkana tixraacayna howlaha muddaysan ee sharciga ku xusan, waxaan cadaynaynaa inay doorashad aku dhacaysa nooca biometricka ah ku qabsoomi karto muddo 13 Bilood ah oo ka bilaamaysa July 202 kuna eg Agus 2021” ayay tiri Xaliimo yare

Xaliimo Yare waxay sheegtay in doorashada nooca Biomeetricka ah uu u baahan yahay waqti dheeri ka ah muddadii sharcigu tilmaamay iyo Miisaaniyad lacageed oo baaxad leh

Guddoomiye Xaliimo Yareey  waxay sheegtay in 9 bilood gudahood ay ku qaban karaan doorashooyka federaalka haddii la adeegsado nooca diiwaangelinta gacanta oo ka kharash yar nooca hore ee doorashada ee sharcigu ogolyahay

“ Xaalada dalku ku jiro, iyadoo la eegayo guddigu wuxuu soo bandhigayaa nooca labaad oo lagu magacabo diiwaangelinta gacanta ee Isla maalinta codbixinta, noocan wuuxu ka duwan yahay kan sharcigu xusay waqtiga iyo karashka labadabada

SIYAASIYIIN KA HOR YIMID.

Guddoomiyaha xisbiga wadajir C/raxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigtay bartiisa facebooga wuxuu ku sheegay inay hore u ogaayeen in guddiga doorashooyinku dalban doonaan mudo kordhin, waxaana uu guu baaqay inay iscasilaan

“naguna waxaan leenahay in khudbada Guddiga Doorashooyinka ay muddo kordhin ku soo idlaanayso horaan u ogayn. Mar haddii masuuliyadii loo igmaday ay ka soo bixi waayeen, hal wado ayaa GMDQ u furan, intii ay dalka qalalaase gelin lahaayeen, in ay is casilaan” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Federaalka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo yareey) oo maanta hortegtay...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   
3 hours ago, Tillamook said:

nooca diiwaangelinta gacanta oo ka kharash yar nooca hore ee doorashada ee sharcigu ogolyahay

Weli ma kala cadda.

Are they planning to hold one person one vote without resgistraion? .Nine months is a reasonable time. Even extending five to six months is not a far fetched plan. Hassan Sheikh supposed to hold election in Septemper 2016, but he finally did Feberaury 2017.

All Farmajo needs is to make the necessary conceltation with the regional governments and go from there. Due to these logical issues caused by Coronavirus, next summer is reasonable.

Share this post


Link to post
Share on other sites
21 hours ago, Timacaddeh said:

That's exactly how long it takes for one man, one vote to be implemented from scratch. Halima Yarey is an expert in this field, she knows what she is doing.

Your sarcsm is noted. But I believe if there is one thing or two the separatist in the North can teach Villa Somalia is how to delay, cancel, prolong extenstion it is the election. When was the last time Somliland parliament and Guurti were elected again?

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland oo aan ka qaybgalayn shirka Muqdisho?

Madaxweynaha Puntland oo caawa ka qaybgalay xaflad lagu xusaayey 60 guuradii ka soo wareegtey maalintii xornimada iyo midowga ee 01-da Luuliyo oo lagu qabtey magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegay in uu taageersan yahay baaqii ka soo baxay Aqalka Goalaha Wakiilada ee Puntland.

Qodobada kamid ahaa baaqa ka soo baxay Aqalka Golaha Wakiilada waxaa kamid ahaa in Madaxweynaha Puntland ka baaqsado shirka Madaxweyne Farmaajo ku baaqey 05 Luuliyo ee ka dhici lahaa Muqdisho, kadib markii Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalku uu is dhexgeliyiyey doorashada 2020 iyo metelaada gobolka Banaadir, iyaga oo aan dastuurka furin sheegtay in ay kordhiyeen tirada Aqalka Sare.

Madaxwetyne Deni kama hadlin shirka loo ballan sanaa, waxaana uu si cad u sheegay in uu taageersan yahay baaqa Golahaaas dastuuriga ah ee Puntland, waxaana uu ku celiyey laba jeer si loo fahmo. 

Geeddi socodka isbeddelka dowladnimi ee Soomaaliya iyo doorashooyinka ayaa u muuqda kuwo mugdi geliyey xaaladda dalka, Dowladda Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa u muuqata in ay dooneyso in ay talada dalka isku koobto oo ay injineer ka noqoto doorashada iyada oo aan lala tashan dhamaan cidda ay khuseyso.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Madaxweynaha Puntland oo caawa ka qaybgalay xaflad lagu xusaayey 60 guuradii ka soo wareegtey maalintii xornimada iyo...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
HORSEEDMEDIA.NET

Shirkii wadatashiga ee madaxda Federaalka iyo maamul goboleedyada oo la filayay inuu maanta ka furmo caasimadda Muqdisho...

Muqdisho: Shirkii Madaxda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada oo Baaqday

Shirkii wadatashiga ee madaxda Federaalka iyo maamul goboleedyada oo la filayay inuu maanta ka furmo caasimadda Muqdisho ayaa baaqday kadib markii ay diideen inay kas oo qaybgalaan qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada.

Shirkan oo looga hadlin lahaa amniga iyo doorashooyinka federaalka ayaa waxaa iclaamiyay madaxwenaha dowladda federaalka Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana la filayay inuu qabsoomo 5- 8 Bishan Julay 2020

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay inay tixgalinayaan go’aano ka soo baxay barlamanadooda oo madaxda lagaga dalbanayay inaysan ka qaybgalin shirka uu iclaamiyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sababta Madaxda dowlad goboleedyada qaarkood ay uga baaqdeen shirka Muqdisho ayaa la sheegay inay la xiriirto in madaxweynaha dowladda federaalka uusan fulin qodobadii shirkii madaxda ku dhexmaray Maqal iyo Muuqaal(Video Converence) kaasi oo ay ku dalbadeen inuu la joojiyo Xeerarka doorashada ee barlamaanku ka doodayeen.

HORSEEDMEDIA

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

HORSEEDMEDIA.NET

Iyada oo maalmihii u danbeeyey ay cakirneyd xaaladda siyaasadeed ee dalka, isla markaana ay mugdi ku jirtey sida la...

Doorashada Soomaaliya ee 2020/2021 oo mabda ahaan heshiis laga gaarey?

Iyada oo maalmihii u danbeeyey ay cakirneyd xaaladda siyaasadeed ee dalka, isla markaana ay mugdi ku jirtey sida la yeelayo haddii muddada dastuuriga ah uu ka dhamaado goloyaasha Dowladda Federaalka ayaa waxaa soo baxaya in uu jiro is afgarad guud oo laga gaarey nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa, taas oo Horseed Media ogaatey in mabda’ ahaan la isugu waafaqsan yahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Famraajo iyo goloyaasha baarlamaanka waxaa xiligii dastuurku siinaayey ka harsan 6 bilood oo kelya, waxaa aad u xumaa xriirka uu la lee yahay Dowlad goboleedyada dalka, waxa uu muddo badan ku celceliyey in dalka uu ku dhaqayo sharciga doorashooyinka oo dhigaya doorasho qof iyo cod ah, taas oo si weyn la isu weydiiyey mudada harsan sida uu ku hirgelin karo, waxaa taas dheer in uu albaabada ka xirtey cidkasta oo ay kala dhexeysey danaha siyaasadda ee geeddi socodka dowladnimada Soomaaliyeed ee aan weli si rasmi ah u taabbo gelin.

Maxay ahayd sababta shirkii Muqdisho ee 05 Luuliyo u baaqdey?

Waxay ahayd maalintii Axadda ee 05 Luuliyo, in Muqdisho uu ka furmo shir ay isugu imaanayaan Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira, shirkan waxaa baajiyey, ballan ka bax la sheegay in Madaxweyne Famraajo ku sameeyey qaar kamid ah madaxda Dowlad goboleedyada taas oo ku saabsaneyd, hakinta arrimaha doorashada ee Golaha shacabku sii watey iyo halka lagu qabanaayo shirka. Arrintaas waxay abuurtey in aan dib la isu aaminin oo qaar kmaid ah madaxda Dowlad goboleedyadu ayba diidaan in ay telefonka xitaa kula hadlaan Madaxweyne Farmaajo.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis xooggan saarey Madaxweyne Farmaajo, waxyaabaha cadaadiska weyn lagu saarey waxa kamid ah in aan caalamku ku taageryn qaabka uu doonaayo in uu doorasho u qabto taas oo aan heshiis lagu hayn waxaana loo sheegay in loo arko mar-marsiiyo (pretext) in xiligan uu sheegto qabanayo doorasho uu diyaar garoowgeeda ka gaabiyey, Dowladdiisa oo ku taagan taageerada beesha caalamka ayaa loo sheegay in aysan heleyn taageero haddii ay sharciyad beesho, isla markaana lagula xisaabtamayo cidkasta oo carqaladeysey geeddi socodka sida nabadda ah ku soo socdey 20 sano ee u danbeeyey, wixii ka dhashana masuuliyadeeda uu qaadayo.

Qodobada ka hor shirka maamul goboleedyada mabda’ ahaan la isla qaatey ayaa ah

—-In Golaha Shacabku hakiyo hindisaha Xaliima Yareey keentay ee muddo kordhinta ah.

—-In Doorashado noqoto mid Dowlad goboleedyada iyo Dowladda Federaalku isla oggol yihiin.

Nooca doorasho ee mabda’ ahaan la isla qaateey?

Nooca doorasho ee hadda miiska saaran ayaa ah in la qaato mid u dhaw tii 2016 ee loogu yeeri jirey doorasho dadban, tan ayaa lagu wadaa in loo bixiyo 2016+, waxaana ay uga duwanaan doontaa doorashadii hore

—-in hoos loo daadejiyo, kuraasta la geeyo degmooyinka iyo gobolada,

—-in dadka soo dooranaya Xildhibaanada tiro ahaan ay ka badnaandaan tii hore oo la gaarsiiyo 250 iyo ka badan,

—-in kuraasta Aqalka Sare loo soo doorto si lamid ah tan Aqalka hoose,

Doorashada cusub ayaa kala mid ahaaneysaa doorashadii 2016

——in ergooyinka doorashada ka qaybgeleysa ay soo xulaan odoyaasha dhaqanka, Isimka guud ee ka mid ah 132 Isim uu saxiixo ergooyinka doorashada ka qaybgalaya.

Shirka Dhuusamareeb

Dowlad goboleedyada kala ah Hirshabelle, Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa ku ballansan shirka Dhuusamareeb, waxaana shirkaani hordhac u noqonayaa shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada, shirkan ayaa la doonayaa in dowlad goboleedyadu marka hore wax isku soo waafaqaan.

Qodobada ugu adag ee Dowlad goboleedyadu shirka hordhaca ah uga hadlayaan ayaa ah.

—-Halka shirka lagu qabanaayo

—-Nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa

-—iyo metalaada Gobolka Banaadir

Qodobka saddexaad ee shirka Dowlad goboleedyada ayaa noqon doono kan ugu adag oo ay adag tahay in ay mowqif mideysan ka qaataan, waxaana ugu dhaw in ay qaataan soo jeedintii guddigii isku dhafka ahaa ee ah in Banaadir metalaad loo siiyo 8 Xildhibaan iyada oo loo marayo marka hore in dastuurka qodobkiisa 72 la furo, oo la sameeyo maqaamka Muqdisho kaas ka horeeya Metelaada, maadaama dowlad goboleed aysan ahayn.

Gebagebo

Ugu danbeyntii waxaa muuqata in meesha uu ka baxayo mugdigii ku daboolna halka loo dhqaaaqayo, sidoo kale waxaa meesha ka baxaya isku daygii Shirguddoonka Golaha Shacabka ee isu arkey in ay yeesheen awood aad u badan, iyaga oo isu arkey in ay yihiin iyaga keliya cidda nidaamka doorasho ee dalka ka talin karta, waxaana ay maalmihii u danbeeyey wadeen in ay meesha ka saaraan Xukuumada hadda jirta ee wakhtiga kooban u harey si loo soo dhiso Xukuumad cusub oo la jaanqaada muddo korosi ay samaystaan.

Waxaa la is weydiinayaa farsamo ahaa inta ay qaadan karto in doorasho lagu diyaariyo oo beesha caalamkuna taageerto, waxaana loo badinayaa in ay doorashadu dhici doono ka hor bisha ramadaan ee sanadka 2021.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxda Maamul Goboleedyada oo Dhuusamareeb Ku Kulmaya

Madaxda maamul goboleedyada Somaliya ayaa isku raacay in 8 bishan July ay shir isugu yimaadaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ka dib markii ay xalay khadka telefoonka ku wadahadleen.

Kulan socday muddo labo saacadood ah ayaa madaxdu waxay ka wada hadleen sidii ay mowqif isku mid ah uga wada qaadan laahaayeen arrimaha doorashada federaalka.

Waxaa baaqday Shir uu iclaamiyay madaxweynaha dowladda federaalka kaasi oo isugu imaan lahaayeen madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada oo looga hadli lahaa arrimaha doorashada iyo amniga dalka.

HORSEEDMEDIA

HORSEEDMEDIA.NET

Madaxda maamul goboleedyada Somaliya ayaa isku raacay in 8 bishan July ay shir isugu yimaadaan magaalada...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Deni: Guddoomiye Mursal Kama Filanayn Inuu Dastuurka Baal-maro

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbadiisa Isniinta, waxaa uu kaga hadlay arrimo badan oo kamid tahay khilaafka aqalka sare iyo golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni oo duray guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal ayaa sheegay inay nasiib darro weyn tahay inuu dastuurkii jabiyo hogaankii golaha shacabka.

” Waxaa runtii yaab leh in gudoonka golaha shacabka uu si cad u yiraahdo shaqada ku saabsan arrimaha doorashooyinka aqalka sare waxba kuma leh, waxaan ka xumahay inuu guddoomiye mursal oo saaxiibkay ah oo muddo dheer aan is-naqaanay fahamka noocaas ah inay maskaxdiisa ku jirto iyo inuu dan kale leeyahay garan maayo”ayuu yiri:- Madaxweyne Deni.

Sidoo kale Saciid Deni oo ka hadlay shirka khamiista dhuusamareeb uga furmaya madaxda dowlad goboleedyada ayaa sheegay in looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo, arrimaha doorashooyinka iyo sidii dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadu dalka uga wada-arrimin lahaayeen.

Horseed Media

HORSEEDMEDIA.NET

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbadiisa Isniinta, waxaa uu kaga hadlay arrimo badan oo...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madasha Xisbiyada Qaran Oo Taageeray Shirka M/Goboleedyada Ee Ka Dhacaya Dhuusamareeb

War saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu taageeray shirka khamiista 9ka bishan July ka furmaya dhuusamareeb ee ay isugu imanayaan madaxda maamul goboleedyada dalka.

Madasha Xisbiyada ayaa sheegtay inay ka xun tahay shirkii amniga qaranka ee dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada, kaas oo loo ballansanaa inuu qabsoomo 5-8da bishaan July.

Sidoo kale madasha xisbiyada ayaa ifafaalo aan wanaagsan ka muujiyey ka maqnaashaha hoggaanka dowladda federaalka Soomaaliya ee shirka Dhuuusamareeb.

“Ka maqnaashaha hoggaanka dalka ee shirka ka dhacaya Dhuusamareeb waxaa ay muujineysaa ifafaallo aan wanaagsaneyn, Madasha XQ waxay kula dar-daarmeysaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay u istaagaan gudashada waajibaadka ka saaran howlaha Dastuuriga ah ee suurtogelin kara doorashooyin xor iyo xallaal ah, isla markaasna si nabad ah ku dhaca” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka madasha.

HORSEEDMEDIA.NET

War saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu taageeray shirka khamiista 9ka bishan July ka furmaya...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.