Holac

Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?

Recommended Posts

Puntland oo ka mamnuucday in Masaajidda deegaannadeeda ku yaalla lagu tukado ciidda si loo xakameeyo faafidda COVID-19

Wasaaradda cadaaladda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cawil Shiikh Xaamud oo goor dhow la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in salaadda Ciidda aan lagu tukan Karin masaajidda deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo.

Waxa uu qeexay in arrimahaasi ay uga gol leeyihiin xakameynta xanuunka COVID-19 oo kiisas kamid ah horay looga helay Puntland, wuxuuna wasiirku qeexay in shacabka ay u dhaga nuglaadaan awaamiirta lasoo saaray.

Dhinaca kale waxa uu qeexay in maalmaha ciidda kadib ay qorsheeynayaan in ay dib u furan dugsiyada Qur’aanka kariimka ah, laakiin waxa uu tilmaamay in ay jiraan sharuudo horyaalla macallimiinta oo ay kamid yihiin in 30 arday ka badan aysan waxba bari Karin.

Deegaanno kamid ah maamulkaasi ayaa horay looga diiwaan-geliyay xaalado la xiriira Coronavirus, waxaana la ogeyn sida amarkaan soo baxay uu dhaqan-geli karo maadaama bulshada Soomaaliyeed xilliyada ciidaha ay aad isugu yimaadaan Masaajidda iyo barxadaha lagu tukado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

21 May 2020: Update on COVID-19 in Somalia.

> New cases confirmed today: 21
> Banaadir: 19
> Puntland: 2

> Male: 14
> Female: 7
> Recovery: 16
> Death: 0
------------------------------------
Total confirmed cases: 1,594
Total recoveries: 204
Total deaths: 61

For more information, please visit:

Website: www.moh.gov.so
Dashboard: www.moh.gov.so/en/covid19
WhatsApp: bit.ly/MoHSomalia

16 recoveries a day. Waa Rabi mahadiis.

99428176_2790034871119680_28692503852419

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   

Kooxda musical ka ayaa maanta farxada ciida awgeed u tagay banaanka martiini hospital si shaqaalaha caafimaadka ciida ula qeybsadaa.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan dhanka internetka ah la yeeshay dhaqaatiirta isbitaal Martiini, si uu farxadda ula qeybsado, isaga oo uga mahadceliyay dadaalka ay dalka uga badbaadinayaa safmarka CoVID19

100744297_3095263430525471_6443019644914

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiir ka tirsanaa Puntland oo u geeriyooday Coronavirus

Allaha u naxariistee waxaa saaka gudaha magaalada Muqdisho ku geeriyooday wasiirkii deegaanka iyo beeraha maamulka Puntland, Marxuum Ismaaciil Diiriye (Gama’diid) oo maalmahaan la xanuunsanaa cudurka faafa ee Coronavirus.

Geerida wasiir Gama’diid ayaa waxaa goor dhow xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedlka Soomaaliyeed ee Puntland.

AUN Ismaaciil Diiriye (Gama’diid) ayaa muddooyinkii dambe waxaa lagula taacalayey xaaladdiisa magaalada Muqdisho, kadib markii dhowaan xaalad caafimaad looga soo qaaday magaalada Garoowe oo uu kula dhacay cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Puntland ayaa ka mid ah deegaanada uu sida daran u sameeyey cudurka faafa ee Coronavirus, kaas oo haatan fara ba’an ku haya guud ahaan dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa war ka soo saaray geerida Marxuum Gama’diid, wuxuuna tacsi u diray golaha xukuumadda iyo sidoo kale hellada maxmuuka oo uu alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

25 May 2020: Update on COVID-19 in Somalia.

> New cases confirmed today: 95
> Somaliland: 72
> Benadir: 17
> South West: 4
> Galmudug: 2

> Male: 65
> Female: 30
> Recovery: 31
> Death: 5
------------------------------------
Total confirmed cases: 1,689
Total recoveries: 235
Total deaths: 66

For more information, please visit:

Website: www.moh.gov.so
Dashboard: www.moh.gov.so/en/covid19
WhatsApp: bit.ly/MoHSomalia

99152401_2799450426844791_53071017225591

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasaaradda Caafimadka oo markale kaashanaysa Nomad Innovation Lab, oo ah Urur Dhalinyaro Soomaaliyeed, oo ka caawiyay Wasaaradda Caafimaadka in ay yeelato hab casri ah ee loo soo bandhigo xogta COVID-19 ee Soomaoliya, waxaanu soo kordhinay xogta:

- Irdaha wadanka laga soo galo
- Goobaha lagu xanaaneeyo bukaanada COVID-19

Xogtaan cucub waxaad ka heli kartaan botomada ku yaalla qariidada hoosteeda.

Dashboard: https://moh.gov.so/en/covid19/

Mahadanidiin Nomad Innovation Lab.

98447646_2799644653492035_34143815759141

Share this post


Link to post
Share on other sites

26 May 2020: Update on COVID-19 in Somalia.

> New cases confirmed today: 22
> Somaliland: 14
> Banadir: 5
> Jubbaland: 1
> South West: 1
> Hirshabelle: 1

> Male: 11
> Female: 11
> Recovery: 18
> Death: 1
------------------------------------
Total confirmed cases: 1,711
Total recoveries: 253
Total deaths: 67

For more information, please visit:

Website: www.moh.gov.so
Dashboard: www.moh.gov.so/en/covid19
WhatsApp: bit.ly/MoHSomalia

100887720_2801486976641136_6789202135050

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khayre oo amray in gurmad deg-deg ah la gaarsiiyo magaalada CADAADO

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyey shir ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay xaaladda caafimaad ee ku soo korortay Galmudug.

Shirka oo ahaa mid hab Online ah ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweynaha maamulkaasi, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo warbixin laga dhageystay.

Qoor-Qoor ayaa faah faahin guud ka bixiyey xaaladihii ugu dambeeyay ee Galmudug iyo saameynta uu ku yeeshay cudurka Covid-19 oo fara ba’an ku haya maamulkaasi.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Khayre  ayaa amray in gargaar deg-deg ah la gaarsiiyo degmada Cadaado oo ah meesha ugu daran ee uu saameeyey xanuunka.

Dhinaca wararka ayaa sheegaya in saacadaha soo socda magaaladaasi uu ku wajahayn madaxeeynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) si u soo qiimeeyo halista caafimaad iyo qalab la’aanta laga soo sheegayo halkaasi.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhowaad 10 qof Covid-19 ugu geeriyoodeen gudaha magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka, waxaana haatan xaalad deg-deg ah lagu soo rogay gudaha magaaladaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.