Holac

Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?

Recommended Posts

Warbixinta xaaladihii u dambeeyay ee caabuqa COVID19

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawsiya Abiikar Nur ayaa ku dhawaaqay tirada xaaladaha cusub ee caabuqa COVID-19 in ay tahay 34 xaaladood oo lagasoo xaqiijiyay 3 Maamul Goboleed oo kala duwan.

Maamulka Somaliland ayaa laga xaqiijiyay 18 xaaladood, Gobolka Banaadir 14 xaaladood, iyo Mamulka Hirshabeelle 2 xaalad.

Wadarta guud ee xaaladaha cusub ayaa noqoneyso 1,455 xaaladood, waxaana geeriyooday 1 bukaan, halka ay bogsootay 11 bukaan.

Wasiirka ayaa aad u adkeeyay in xooga la saaro wacyi-gelinta oo ay bulshada iska kaashadaan, in laraaco oo lagu dhaqmo fariimaha wasaaradda caafimaadka iyo khubarada ay ku baaqaan goor walbo.

Sidoo kale Wasiir Fawsiya ayaa tilmaantay in aad looga taxadaro dadka cudurada raaga qaba iyo waayeelada dadka qaba ama leh astaamaha caabuqa maadama ay unugulyuhiin ayna qatar weyn ku keeni karto cudurka.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lataliyaha wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Maxamud Cali (Fuje) ayaa ka hadlay in uu caabuqa aad ugu fidayo gobolada dalka loogana baahan yahy madaxda maamuladaasi in ay daryeel fiican u diyaariyaan dadka uu soo ridanayo caabuqa.

Dr. Fuje ayaa si aad ah uga hadlay in la hormariyo nidaamka latacaalidda bukaanada oo ay ugu horeyso xarunta gooni-sooca ee lagu haayo dadka uu soo rido caabuqa, in daryeel gaar ah loo diyaariyo dadka qaba cudurada raaga iyo kuwa da'da ah.

Sidoo kale Dr. Fuje ayaa sheegay in aad loo qalabeeyay Isbitaal De-Martino oo ah xarunfa koowaad ee loogu tala galag in lagu daaweeyo dadka qaba caabuqa COVID-19, iyada oo ay u dhameys tiran yihiin dhaqaatiirtii iyo agabkii caafimaadka oo ku filan lana wado qalabeynta xarunta labaad ee laga sameeyay Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka banaadir.

Dr. Fuje oo hadalkiisii sii wata ayaa xasuusay maamulada gobolada in ay joogaan dhaqaatiir tababar COVID19 ku qaatay khadka internet ka oo ay tababareen khubaro talyaani loona baahan yahay in laga faaiideysto.

ugu dambeyntii Dr. Fuje ayaa hadlkiisa ku soo gaba gabeeyay in cashar fiican laga barto u diyaar garowga iyo latacaalidda cudurada lamid ka ah cudurkaan oo kale.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddiga ka hortagga Covid-19 oo shir xasaasi ah ka yeeshay dabaal-dega Ciidul Fidriga

Covi.jpg

Shirka joogtada ah ee guddiga xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus oo habeen weliba la qabto ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan munaasabadda Ciidul-Fidriga oo maalmaha soo socda fooda inagu soo heysa.

Shirka oo ahaa mid muuqaalka tooska ah (Video Conference) ayaa waxaa guddoomiyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, iyadoona ay ka goobjoog ahaa wasiirada caafimaadka, arrimaha Diinta, tala-bixiyaha Covid-19, Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) iyo xubno kale oo muhiim ah.

Intii uu socday shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saaray sida ay dadka ugu daamaashaadi karaan maalmaha Ciida goobaha lagu la isugu tago, kuwa lagu ooggo salaadda Ciidda, iyada oo la qaadayo talaabooyinka caafimaadka ee looga hortagayo Covid-19.

Sidoo kale xubnaha ka qeyb-galay shirka ayaa falanqeeyey qorshaha la soo bandhigay, si ay bulshada ugu dabaal-degaan munaasabadda Ciidul Fidriga.

“Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19 oo caawa lagu soo bandhigay qorshe ay bulshadu maalmaha ciidda ugu damaashaadi karaan faxadda ,iyada oo la joogteynayo tallaabooyinka lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Karoona sida kala fogaanshaha iyo dhammaan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah ka hor tagga safmarka” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay guddiga qaran ee xakameynta cudurka halista badan ee Coronavirus.

Dowladda federaalka ayaa wada qorshayaal guud oo lagula dagaalamayo xanuunka oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya, kaas oo asalkiisa ka soo bilowday Shiinaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is depressing hearing some religious folk talk like they can go about business as usual and "god will protect them". No caution whatsoever it seems. As though religion and god shields evil, if it did, the world wouldn't be in the turmoil that it's, where kittens are killed for meowing, and all kinds of evil including people dying from and suffering with this pandemic. To anyone religious, worship all you want, though you also have a responsibility to not recklessly" run towards* wildfire, at least not without PPE and think that god and your religion will save you and others. Don't be foolish. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
On 2/29/2020 at 2:01 AM, maakhiri1 said:

I saw people running away, towards my side, on the train, had no clue what was going, then I saw Chinese girl on train, sneezing, and flu like systems.

We live in strange world. This disease is meant to be population control

A part of me thinks so. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
7 hours ago, Come Learn Somali said:

It is depressing hearing some religious folk talk like they can go about business as usual and "god will protect them". No caution whatsoever it seems. As though religion and god shields evil, if it did, the world wouldn't be in the turmoil that it's, where kittens are killed for meowing, and all kinds of evil including people dying from and suffering with this pandemic. To anyone religious, worship all you want, though you also have a responsibility to not recklessly" run towards* wildfire, at least not without PPE and think that god and your religion will save you and others. Don't be foolish. 

You reminded me a nephew of mine in Muqdisho. A young man in his early 20s and who came back from Malaysia after many years of studying. He hadn't been to Xamar since 2005.

He told us a few weeks ago he was praying separately from the rest and alone in a masaajid with his prayer mat. Some folks came to him, while he was preparing to start salaadda. They told him he must come to the line since it is sunna. He told them it is ALSO sunna not to spread viral diseases. They did not listen, he reported. Neither did he. So he prayed alone. We told him next time gurigaaga iskaga tuko.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maanta oo ay taariikhdu tahay 19 May 2020 Wasiirka Caafimadka ayaa la wadaagtay bulshada xaaladaha ka soo kordhay COVID-19, iyadoo xaqiijisay 47 xaladood.

Waxaa laga soo xaqiijiyay 4 maamul goboleed oo kala ah Puntland 19 xaaladood, Gobolka Banaadir 13 xaaladood, Somaliland 8 xaaladood iyo Koonfur Galbeed oo 7 xaaladood ah.

Wasiirka ayaa bulshada ku booriyay in xooga la saaro ka hortagga cudurka maadama ilaa hada loo la’yahay dawo ama tallaal looga hortago, iyadoo lagu dadaalayo xirashada Af-xir, gacmo dhaqasho joogto si loo xakameeyo faafidiisa.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia’s COVID-19 cases soar to 1,502 after 47 tested positive

Somali Health Ministry on Tuesday confirmed 47 new cases of coronavirus, bringing the total tally of infections to 1,502.

Fawziya Abikar, the Health Minister said the new patients are from the semi-autonomous region of Puntland which has 19, Banadir 13, Somaliland 8 and SouthWest 7.

Abikar said two patients succumbed to the deadly respiratory disease, bringing the total number of deaths since the pandemic was reported in the country to 59.

She said 15 people recovered from COVID-19, bringing the total number of people who have been discharged from hospitals to 178.

The minister said 42 of the latest cases are male while five others are female persons amid concern from the UN that the cases are largely due to community transmission.

The Horn of Africa nation joined the long list of countries dealing with COVID-19 on March 16, when the Health Ministry of Somalia announced the first confirmed case.

Share this post


Link to post
Share on other sites
8 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

You reminded me a nephew of mine in Muqdisho. A young man in his early 20s and who came back from Malaysia after many years of studying. He hadn't been to Xamar since 2005.

He told us a few weeks ago he was praying separately from the rest and alone in a masaajid with his prayer mat. Some folks came to him, while he was preparing to start salaadda. They told him he must come to the line since it is sunna. He told them it is ALSO sunna not to spread viral diseases. They did not listen, he reported. Neither did he. So he prayed alone. We told him next time gurigaaga iskaga tuko.

Yeah we've ______ people like that. Good on him for standing his ground! I don't know what is up with people like that, they sound like the type to say, "if your house catches fire while you're praying, don't run, finish praying." No sense whatsoever. 

 

I think some of them are actually evil and dumb, knowing that they are not a high risk, though will put those at risk in higher danger than they are in. Some will encourage others to do dangerous things and not actually do it themselves. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
16 hours ago, Come Learn Somali said:

Yeah we've ______ people like that. Good on him for standing his ground! I don't know what is up with people like that, they sound like the type to say, "if your house catches fire while you're praying, don't run, finish praying." No sense whatsoever. 

 

I think some of them are actually evil and dumb, knowing that they are not a high risk, though will put those at risk in higher danger than they are in. Some will encourage others to do dangerous things and not actually do it themselves. 

It is just deep ignorance embedded with dhaga adeyg geeljire mentality of maryooleey.

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

20 May 2020, Wasiirka Caafimadka ayaa la wadaagtay bulshada xaaladaha ka soo kordhay COVID-19, iyadoo xaqiijisay 71 xaladood. Waxaa laga soo xaqiijiyay 4 maamul goboleed oo kala ah Jubbaland 46 xaaladod, Gobolka Banaadir 17 xaaladood, Puntland 6 xaaladood iyo Somaliland 2 xaaladood.

Wadarta guud ee xaaladaha cusub ayaa noqoneyso 1,573 xaaladood, waxaana geeriyooday 2 bukaan halka ay bogsootay 10 bukaan.

Wasiirka ayaa bulshada u sheegay in ay muhiim tahay inaan ku dadaalno ka hortagga cudurkaan aana xakameen karno hadaan umidowno la dagaalankiisa. Sidoo kale bulshada waxaa looga baahanyahay ina ay dhageystaan fariimaha wacyigelineed ay bixiyaan dhaqaatiirta si ay uyaraato faafidda caabuqa.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

La taliyaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fuje ayaa maanta diirada saaray dabaaldaga maalmaha ciida ee nagu soo fool leh in ay bulshadu yareyso is dhaxgalka maadama ay jirto qatar aad uweyn oo ah caabuqa COVID-19, asagoo ku booriyay in lagu dadaalo dhaqan gelinta dhammaan qaababka looga hortago caabuqa sida dhaqashada gacmaha oo la joogteeyo, xirashada af-xirka iyo kala fogaanshiyaha.

Lataliyaha ayaa soo jeediyay in la baajiyo dabaaldaga munaasabada ciida maadama uu jiro cudur dilaac ayna ka imaan karto isu imaanshiyaha bulshada inuu sii faafo caabuqa, sidoo kale wuxuu fariin udiray isbitaalada inay muujiyaan diyaar garow adag maadama ciida ay dhici karto inu caabuqa faafo oo ay hal mar qaabili karaan dad fara badan oo uu soo ritay cudurka.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.