Holac

Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?

Recommended Posts

Tirada wasiiradda Puntland ee laga helay cudurka COVID-19 oo gaaray 4 xubnood

Tirada wasiiradda Puntland ee laga helay cudurka Corpnavirus ayaa gaartay 4 xubnood oo dhammaantood kamid ah guddigii loo xilsaaray gurmadka dadkii ku waxyeeloobay daadadkii kusoo rogmaday magaalada Qardho.

Labo kamid ah wasiiraddaan ayaa si rasmi ah u shaaciyay in cudurka laga helay halka labo kalena aysan weli xogtooda usoo gudbin bulshada. Waxaa sidoo kale jira xildhibaano iyagana laga helay cudurka oo aan magacyadooda la helin.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland Cabdisalaan Xaaji Siciid, ayaa noqday wasiirka labaad ee shaaciyay in laga helay covdi19, isagoo wareysi lala yeeshay ku sheegay in ay jiraan illaa  afar wasiir oo isagu kamid yahay oo cudurka laga helay.

Cabdisalaan Xaaji Siciid, wuxuu tilmaamay inuu kasoo qaaday magaalada Qardho halkaas oo ay badi ku sugnaayeen xubnaha guddiga gurmadka, balse wuxuu sheegay markii uu isku arkay calaamadaha xanuunka inuu si degeg ah kusoo aaday Garowe.

Waxaa uu sheegay inuu haatan ku karantiilan yahay gurigiisa, islamarkaaan xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay. Waxaa kale oo uu sheegay in dhammaan dadkii ugu dhawaa laga qaaday baaritaanka cudurka.

Puntland, cudurka covid19 ayaa gaaray 111 kiisas, afar dhimasho ah iyo 3 bogsasho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiye Filish oo ku dhawaaqay qorsho looga hortagayo faafida Covid-19

Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filsih) ayaa sheegay in maamulka gobolka uu wado qorsho lagula dagaalamayo Cudurka Safmareeka ah ee COVID-9,kaas oo kiisas kamid ah laga helay Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Magaalada muqdisho ay ka bilaabeen howlgallo lagu buufinayo Xaafadaha iyo wadooyinka qaar si looga hortago faafitaanka Cudurka Coronavirus,dadkana looga badbaadiyo.

“Qorshaha lagula dagaalamayo waa in si hagar la’aan ah la isaga kaashado, gaadiidka waa weyn ee Dowladda Hoose waxa ay buufinayaan Degmooyinka, meelaha aan Gaadiidka geli Karin waxaa buufinaya dhalinyaro haamaha suntan xambaarsan si loosoo afjaro faafidda fayruska” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay laga guuleysto cudurka Coronavirus oo saameyn taban ku yeeshay Guud ahaan Caalamka, Duqa Muqdisho ayaa soo jeediyay in la qaato tallaabooyinka loo arko in uusan ku gudbi Karin xannuunka.

Hadalkaan ayaa Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filsih) ayaa waxaa uu sheegay xilli xalay uu kormeeray Xaafada Suuq Bacaad oo Maamulka gobolka uu ka waday howlo buufin ah oo looga hortagayo Cudurka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. @Fawziya Abikar Nur ayaa ka warbixiyay xaaladaha cusub ee ka soo kordhay caabuqa #COVID19. Wasiirka waxay xaqiijisay maanta 73 xaaladood oo COVID-19 ah.

Maamulka Puntland ayaa laga xaqiijiyay 25 xaaladood, Maamulka Somaliland 19 xaaladood, Maamulka Gobolka Banaadir 17 xaaladood, iyo Maamulka Koonfur Galbeed oo laga xaqiijiyay 12 xaaladood.

Wadarta guud ee xaaladaha cusub ayaa noqoneyso 1,357 xaaladood, waxaana geeriyooday 2 bukaan halka ay bogsootay 13 bukaan.

Wasiirka ayaa bulshada u cadeysay in ay lagama maarmaan tahay in lagu dadaalo xakameenta caabuqaan sii baahayo loona baahanyahay in la raaco talooyinka cafimaadka lagama maarmaanka ah ee looga hortagi karo caabuqa #COVID19, waxeyna ku boorisay in dhammaan bulshada ay isticmaalaan af-xir iyo gacmaha oo si joogta ah loo dhaqdo.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mogadishu, Somalia, 15 May 2020 - Today, the Federal Ministry of Health Somalia has launched its new webpage with integrated new COVID-19 data-monitoring dashboard.

The integrated dashboard will allow the public to get access of the latest updates on the covid-19 situation in the country. The dashboard has the capability to track in real-time data about confirmed cases and deaths by Federal Government of Somalia and Federal Member States. It features the breakdown of the confirmed cases by gender and age group while monitoring patient recoveries.

The new data monitoring dashboard augments MoH to report accurate, knowledge-based data that informs life-saving decisions and community intervention efforts at a time of unprecedented need.

Nomad Innovation Lab has been tremendous partner in rebuilding our website and providing us with data-monitoring dashboard which will help us facilitate highly coordinated and effective response to the pandemic.

“We are very proud to partner with the Federal Ministry of Health Somalia 

and support their national efforts to combat COVID19.” Mohammed Omer, Nomad Innovation Lab.

"We are proud to partner with Nomad Innovation Lab, a Somali-led organization, to bring you this website and its integrated COVID-19 data monitoring dashboard. This timely partnership will provide the public with a dashboard that displays real-time information and data on COVID-19 in Somalia” Minister of Health, H.E. Dr. Fawziya Abikar Nur, said.

For more resource materials and real-time updates on COVID-19 in Somalia, visit www.moh.gov.so or www.moh.gov.so/en/covid19

96769451_2774544216002079_59267532973513

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maanta oo ay taariikhdu tahay 17 May 2020, Wasiirka Fawziya Abikar Nur ayaa ku dhawaaqay tirada xaaladaha cusub ee caabuqa COVID-19 in ay tahay 64 xaaladood.

Gobolka Banaadir ayaa laga xaqiijiyay 33 xaaladood, Maamulka Somaliland 16 xaaladood, Maamulka Galmudug 8 xaaladood iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga xaqiijiyay 7 xaaladood.

Tirada guud oo la xaqiijiyay ayaa ah 1,421 xaaladood, waxaana geeriyooday 1 bukaan halka ay bogsootay 4 bukaan.

Wasiirka ayaa ku dhawaaqday in aad loogu baahanyahay in cudurkaan la xakameeyo, bulshadana ay muujiso taxadar siyaado ah ayna la xiriiraan dhaqaatiirta hadii ay isku arkaan calaamadaha cudurkan, sidoo kale bulshada in ay ku dadaalaan dhaqanka ka hortagga ah ee caabuqa COVID-19, si gaar ah dhalinyarada maadaama ay yihiin da’da uu aadka u saameeyay kana badbaadiyaan waalidiintooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

DF Soomaaliya oo qalab caafimaad gaarsiisay magaalada Buuhoodle, Togdheer

1-8.jpg

2-8.jpg

Wafdi ka socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray gudaha magaalada Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Togdheer ee waqooyiga Soomaaliya, halkaasi oo si ballaaran loogu soo dhaweeyeey.

Wafdigaan ayaa waxaa horkacaya wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame, waxaana magaaladaasi ay geeyeen qalab caafimaadka iyo daawo looga hortagayo cudurka faafa ee Coronavirus.

Wasiir Bidhaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay halkaasi u tageen sidii ay ula socon lahaayeen xaaladaha caafimaad ee ka jira Buuhoodle iyo arrimo kale.

Sidoo kale waxaa la filayaa in xubnaha wafdiga oo loo galbiyey gudaha magaalada inay kulamo la qaataan maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool halkaasi.

Buuhoodle ayaa ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee Soomaliyeed, balse dadka ku dhaqan sanadihii u dambeeyey ma arkin wax dowlad ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.