Holac

Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?

Recommended Posts

FARMAAJO oo shaaciyey qorshe lagu maamuusayo dhaqaatiirta Soomaaliyeed

kulan.jpg

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war kasoo saartay kulan uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la qaatay qaar ka mid ah Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee la tacaalaya xakameynta cudurka Coronavirus, oo uu ku shaaciyey qorshe lagu maamuusi doono.

Kulankaas oo ahaa mid dhiirra gelin ah ayaa looga hadlay xaaladda caafimaad ee dalka, baahiyaha jira iyo dadaallada socda ee lagu xakameynayo cudurka COVID-19.

Kulankan oo ku qabsoomay khadka internetka ayaa Dhakhaatiirtu waxa ay kula wadaageen Madaxweynaha warbixin ku saabsan halista cudurkan safmarka ah, saameynta uu ku yeeshay dalka iyo duruufaha ay ku shaqeynayaan dhakhaatiirta caafimaadka ee ku howlan la tacaalidda cudurkaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Dhakhaatiirta, kal-kaaliyeyaasha, adeegayaasha iyo guud ahaan Bahda Caafimaadka dalka dadaallada ay ku   bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku guuleysanayaan dagaalka ay kula jiraan xakameynta cudurkan, xus iyo Maamuus Qaranna loo sameyn doono halyeeyada Bahda Caafimaadka ee xilligan.

“Waxa aad noola mid tihiin halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan furimaha dagaalka, si ay cadawga uga difaacaan dalka. Waxaan idiin ka mahad-celinayaa sida halyeeynimada ah, daacadnimadu ku jirto ee habeen iyo maalinba aad ugu soo jeeddaan shacabkiinna iyo sidii aan u xakameyn lahayn halista caafimaad ee cudurkan safmarka ah” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo ayaa tilmaamay in mas’uuliyadda ugu weyn ee dalka ay haatan saran tahay Bahda Caafimaadka oo indhiho u ah wakhtigan adag. Waxuuna xoojiyey wal-walka ku aaddan inay yartahay  feejignaanta bulshada ee cudurkan iyo halistiisa sii kordheysa, iyada oo la fududaystay talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee sida naf hurnimada leh habeen iyo maalinba ugu sugan xarumaha karantiilka bukaannada cudurka Coronavirus.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kadib toddobaayo murugo ah, war wanaagsan oo kasoo yeeray Isbitaal Martiini

martiini.jpg

Maamulka Isbitaalka Martiini oo ah isbitaal gaar u ah la tacaalidda cudurka Coronavirus ayaa shaaciyay in 42 bukaan oo kamid ah kuwa xaaladahoodu adkaayeen ay bogsoodeen oo haatan isbitaalka laga saaray. Dadkaas 34 kamid ah waxay ahaayeen rag, halka sideeda kale ay dumar ahaayeen.

Inta badan bukaannadaas ayaa isbitaalka la seexiyay kadib markii ay ku adkaatay neefsashada, waxaana lagu xiray qalab u fududeeya inay neefsadaan. Sida lagu baahiyey warbixin kasoo baxday.

Baadi Duqoow Macallin waxa uu ahaa bukaan muddo todobaad ah ku jiray isbitaalka, waxuu ka baxay xaaladdii adkayd ee uu geliyay xanuunkaas, haatana dhakhaatiirta ayaa u ogolaatay in uu gurigiisa isku karantiilo.

Baadi waxa uu sheegay in uu isbitaalka yimid isaga oo aan eheladiisa ogeysiin sababo la xiriiro cabsi laga qabay in uusan daryeel ka helin, balse uu isbitaalka kala kulmay daryeel fiican, sida lagu sheegay warbixinta.

“Waxaan halkan imid aniga oo iska quustay, neefstuna igu xirmeyso, oo ay yartahay rajadeydu, Alxamdulillaah maantana cagaheyga ayaan uga baxayaa. Been fakatay run ma gaarto ee waxa aan filaayay iyo waxa aan halkaan kala kulmay waa kala duwan yihiin” ayuu yiri Baadi Duqoow.

Dadka da’da ah ee gaara xaaladaha adag oo neefsiinta u baahan, aad ayey u yar tahay inay ka badbaadaan xanuunkan, balse nasiib wanaag tiro badan oo bukaannadaas ah ayaa bogsooday, iyada oo guryahooda loo fasaxay, xaaladoodana ay dhakhaatiirtu la socon doonaan.

Sidoo kale warbixintan waxaa lagu sheegay in Dahabo Xasan oo isbitaalka la geeyay iyada oo miir-daboolan, waxay ku dardaarantay ‘inaan isbitaalka Martiini la geynin’ balse ehelkeeda markii ay ku arkeen astaamaha COVID-19 ayey go’aansadeen inay geeyaan Martiini.

“Xaalado adag ayaa isoo maray intaanan isbitaalka la i keenin, habeen dhan ayaan koomo galay, kadibna si qasab ah ayey reerkeyga halkaan igu keeneen, ilaahey mahaddiis hadda waxaan marayaa in gurigeyga la ii fasaxo anigoo caafimaad qaba”, ayey tiri Dahabo.

Isbitaalkan waxaa la sheegay in lagu sameeyay horumarin waxaana ka howl gala dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal isku bedela shaqada, kuwaas oo xilli kasta heegan ah.

Maamulka Isbitaalka ayaa bahda caafimaadka uga mahad celiyay sida ay uga go’antahay daryeel u fidinta dadka la il daran xanuunkaas ee la keeno Isbitaalka iyo xakameynta faafitaanka Feyruska Corona.

Dadka ka baxa isbitaalka ee guryahooda isku baxniininaya ayaa isbitaalka kusoo laabta todobaadkiiba mar si baaris dheeri ah loogu sameeyo, loona xaqiijiyo inuu Feyrusku jirkooda ka dhamaaday, sida lagu sheegay warbixintan.

Dowladda ayaa hirgelisay xarunta xariirka COVID19 oo ka kooban taleefoon gaaban oo dadku si toos ah usoo wacayaan iyo hab (Application) taleefannada lagu degsado oo dadka isaga shakiya xanuunka ay kula xariirayaan dhakhaatiirta si ay u helaan talo caafimaad iyo gargaagka ay u baahanyihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ku dhawaad 40 kamid ah ciidamada Amisom oo laga helay Covid19

Ilo wareedyo katirsan howlgalka midowga afrika ee Somalia ayaa u sheegay The EastAfrican in ilaa iyo hada la xaqiijiyey 30 kiis oo katirsan ciidamada Ugandha iyo 7 kamid ah ciidamada Burundi.

Kiisaska degdegga ah ee 'Covid-19' ee Soomaaliya ayaa u diidaya nabad-ilaaliyayaasha Howlgalka Midowga Afrika hawlgallada muhiimka ah ee ka dhanka ah kooxda al-Shabaab.

Amisom waxay leedahay ciidamo ka socda Ethiopia, Kenya, Djibouti, Uganda iyo Burundi.

Askarta Amisom ee xanuunka laga helay ayaa lagusoo waramayaa inay kusugan yihiin xerada Xalane, xaaladooda caafimaadna waa arin sirdoon militari ah.

Tan iyo markii uu bilowday Covid-19, Amisom waxa ay hoos u dhigeysay howlgaladeeda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna kaliya ka fulinayaan howlo muhiim ah xaafado ka tirsan shabeelaha Hoose, iyagoo ka fogaanaya in uu cudurku saameeyo.

Horraantii toddobaadkan, Cabdirisaaq Yuusuf Axmed, oo hogaaminaya kooxda wax la tacaalida Covid-19 ee Soomaaliya, ayaa adduunka uga digay inay jiri karaan kumanaan kiis oo aan laga warqabin dalka.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Eastleigh residents protest containment measures

A section of Eastleigh residents took to the street yesterday to protest restriction of movement in the area and appealed to the government to provide them with relief food.

They say their livelihoods have been disrupted, leaving them with no means of generating daily income during the 15-day period that the State imposed cessation of movement starting May 6, 2020.

They said they have not reported to their places of work since Friday last week, making it hard for them to provide for their families.

Eastleigh Business Community General Secretary Ahmed Noor pointed out that whereas shop owners are counting losses due to lack of business brought about by the lockdown, it is their employees who are feeling the pinch most since they have nowhere else to gain income.

“As business owners, we can weather the lockdown but what will happen to those who earn a living in Eastleigh such as house helps, car washers, trolley pushers, waiters, security guards and many more who depend on the Eastleigh economy to survive?” posed Mr Noor.

He said that while closure of the business-hub was a good step in containing the spread of Covid-19, he called on the government to also carry out targeted mass testing across Nairobi to establish the true picture of the spread of the virus in the capital.

He reckons that targeted mass testing will help in tracing people who work in Eastleigh but live in other parts in Nairobi.

Area MCA Osman Adow also echoed the concern that many people who depend on Eastleigh for their livelihoods risk starvation during the lockdown.

“We are not fighting the lockdown but I think our officers stationed at the various border points should be instructed to allow vehicles ferrying foodstuff in and out of Eastleigh to pass because if they ground them then this will put area residents at risk of starvation,” said Mr Adow.

Even as they called for mass testing, the government last week ruled this out in areas such as Eastleigh and Old Town in Mombasa.

Health Director General Patrick Amoth said targeted testing was only applicable in specific circumstances like when it is not possible to map contacts.

Eastleigh, known for its shopping malls, eateries and a teeming population, has registered more than 67 cases of Covid-19.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   
16 hours ago, cadnaan1 said:

Why are people spreading rumours about this useful hospital? Ilaahay ha caafiyo dadka ku jira. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   
6 hours ago, Tallaabo said:

Why are people spreading rumours about this useful hospital? Ilaahay ha caafiyo dadka ku jira. 

Unfortunately dad ayaa mucaaradnimo qalad ka fahamsan people were spreading rumours on Facebook saying people were dying because of the ventilators 

Here is one  example of this guy who was spreading rumours.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa maanta u baahisay bulshada xaaladaha ku soo kordhay dalka ee caabuqa COVID-19.

Wasiirka ayaa ku dhawaaqday tirada xaaladaha cusub ee maanta in ay tahay 81 xaaladood oo lagasoo xaqiijiyay 5 maamul goboleed oo kala duwan.

Gobolka Banaadir ayaa laga xaqiijiyay 44 xaaladood, Maamulka Jubbaland 24 xaaladood, Mamulka Puntland 6 xaaladood, Maamulka Somaliland 5 xaaladood iyo Maamulka Hirshabelle 2 xaaladood.

Wadarta guud ee xaaladaha la xaqiijiyey ayaa noqoneyso 1,170 xaaladood iyadoo ay bogsootay 5 bukaan. Majirin wax dhimasho ah 24kii saac ee lasoo dhaafay.

Wasiirka ayaa la wadaagtay fariimo waciyigelineed dhammaan bulshada gaar ahaan dhalinyarada maadaama ay yihiin da’da uu aad u saameeyay caabuqa, in laga rabo inay muujiyaan taxadar aad u farabadan, ayna si ficil ah u dhaqangeliyaan siyaabaha looga hortago caabuqa.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Istustus, laakiin we will take anything that helps our people:

Amiirka Dubai oo amray in si degdeg ah Soomaaliya loogu diro kaalmo ka caawisa covid19 iyo fatahaadaha

 Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, Madaxweyne kuxigeenka, raiisel wasaaraha iyo amiirka Dubia, ayaa amar ku bixiyay duulimaad gargaar ah oo lagu taageerayo gaarsiinta qalabka hawo-mareenka iyo alaabada kale ee muhiimka ah oo lasiinayo Soomaaliya.

Qalabkaan gargaar ayaa qayb ka ah ka jawaabida dagaalka COVID-19 iyo dadaallada gurmadka fatahaadda.

Hay’adda International Humanitarian City (IHC) oo loo wakiishay inay gargaarkaan gaarsiiso Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay magaalada Muqdisho ka dejiso in ka badan 35 tan oo ah qalabka badbaadinta nolosha iyada oo la raacayo tilmaamaha Sheikh Mohammed bin Rashiid si loogu caawiyo kuwa ugu baahi badan xilligan adag.

“Ilaa bilowgii sanadkan, in kabadan 200,000 oo Soomaali ah ayaa ku bara kacay gudaha ama ha ahaadeen musiibooyin la xiriira cimilada iyo iskahorimaadka. Waxaan ka baqeynaa in xaaladaha degdegga ah oo ay weheliso faafitaanka COVID-19 ay u horseedi doonto cawaaqib xumo, ilaa aysan jirin jawaab adag oo isku duuban oo ka socota bulshada caalamka iyo kuwa ka shaqeeya arrimaha bina-aadamnimada, ayuu yidhi, Nadia Jbor, Madaxa Xafiiska UNHCR ee UAE.

UNHCR ayaa loo wakiishay inay dirto diyaarado iyo shixnado badda ah oo gargaar deg deg ah oo ay ka mid yihiin qalabka nadaafada iyo agabka hoyga si loogu caawiyo kumanaanka barakacayaasha ah ee Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaaduhu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Soomaaliya oo laga diiwaan-geliyay kiisaskii ugu badnaa oo ah COVID-19, maalin qura

Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa waxay maanta shaacisay in dalka laga helay kiisaskii ugu badnaa ee maalin qura la diiwaan-geliyo oo ah bukaanno cusub oo qaaday xanuunka COVID-19, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda caafimaadka.

Warbixin maalinlale  ah oo ay sii daayso wasaaradda ayaa lagu shaaciyay in laga helay waddanka maanta oo keliya 81 xaalad oo cusub oo lagasoo weriyay dhowr maamul oo hoostaga dowladda faderaalka ah iyo Somaliland.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in kiisaskaan cusub laga helay Muqdisho, Hirshabeelle, Jubaland , Puntalnd iyo Somaliland.

Gobolka Banaadir ayaa waxaa laga diiwaan-geliyay 44 xaalad oo cusub, halka Jubaland laga xaqiijiyay 24 kiis,  Puntland ayaa lagasoo sheegay 6 qof oo ah bukaan cusub, Hirshabeelle ayaa lagu arkay 2 xaalad , iyadoo Somaliland-na lagasoo weriyay 5 kiis .

Xanuunkan ayaa aad hadda ugu fidayo Soomaaliya, waxaana wadarta guud ee dadka qaaday ay gaarayaan 1170 ruux, sida ku cad diiwaanka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maanta oo ay tariikhdu tahay 14 May 2020, Wasiir Fawziya Abikar Nur ayaa ku dhawaaqday tirada xaaladaha cusub ee caabuqa #COVID19 in ay tahay 65 xaaladood oo lagasoo xaqiijiyay 5 Maamul Goboleed oo kala duwan.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga xaqiijiyay 24 xaaladood, Maamulka Somaliland 14 xaaladood, Gobolka Banaadir 13 xaaladood, Mamulka Puntland 13 xaaladood iyo Maamulka Jubaland 1 xaalad.

Wadarta guud ee xaaladaha cusub ayaa noqoneyso 1,284 xaaladood, waxaana geeriyooday 1 bukaan, halka ay bogsootay 5 bukaan.

Wasiirka ayaa aad u adkeysay ahmiyada ay leedahay ka hortagga iyo feejignaanta si bulshada ay uga badqabto caabuqa waxyeelada weyn leh, waxaana ay ku boorisay bulshada in ay u midoobaan la dagaalankiisa ayna hal meel uga soo wada jeestaan ayagoo ku dadaalayo dhaqan gelinta siyaabaha looga hortaggo caabuqa oo ay Wasaaradda Caafimaadka iyo quburada caafimaadka ay ugu baaqaan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee xakameynta #COVID19 oo lagu bogaadiyay horumarka laga gaaray fulinta qorshaha ballaaran ee guddigu u dejiyay hannaanka dalka looga badbaadinayo khattarta safmarka #COVID19.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.