Holac

Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?

Recommended Posts

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisay maanta xaalado cusub oo COVID-19 ah. Tirada waxa ay gaareysaa 69 xaaladood, waxeyna ka kala yimaadeen caasimadda Muqdisho iyo Maamuada kala duwan ee dalka.

Gobolka Banaadir ayaa laga xaqiijiyay 39 xaaladood, Maamulka Somaliland ayaa laga xaqiijiyay 11 xaaladood, 8 xaaladood Maamulka Koonfur Galbeed, 8 xaaladood Maamulka Puntland, 2 Hirshabeelle iyo Galmudug oo 1 xaalad laga diiwaan geliyay.

Wadarta guud ee xaaladaha caabuqa ayaa ah 997 xaaladood, waxaa geeriyooday 4 bukaan, waxaana bogsaday 4 bukaan.

Sida caadada aheyd, Wasiirka ayaa bulshada gaarsiisay fariimaha wacyigelineed ee lagu yareen karo faafidda caabuqa sida yareenta tagidda meelaha ciriiriga ah, gacmo dhaqashada oo la joogteeyo iyo in cudurka COVID-19 laga ilaaliyo dadka waayeelka iyo dadka qaba cuduradda raaga.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kiisaska CORONAVIRUS ee Soomaaliya oo ku dhow 1000 iyo gobollada oo uu ku faafayo

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta cudurka Coronavirus waxay ku sheegtay in labadii maalin ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 69 xaalado cusub oo COVID-19 ah, islamarkaana 4 bukaan ay u geeriyoodeen xaruunka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in 4 qof oo kale ay ka bogsoodeen cudurka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (39) Somaliland (11) Puntiland, (8), Koonfur Galbeed (8) ruux, HirShabeelle (2) iyo Galmudug (Hal) ruux.

Warbixinta ayaa muujineysa in cudurka uu hadda uu ku faafayo gobollada dalka, halka maalmihii hore uu ahaa mid ku xooggan magaalada Muqdisho.

48 kamid ah bukaannada cusub ayaa rag ah, halka 21 ay yihiin haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 997 guud ahaan, 48 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 110 ruux.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland oo shaacisay kiisas badan oo Coronavirus ah

Guddiga arrimaha Coronavirus ee maamulka Puntland ayaa caawa shaaciyey kiisas hor leh oo cudurka Coronavirus ah, kuwaas oo laga diiwaan geliyey gudaha deegaanada Puntland.

Tirada kiisaska maanta laga diiwaan Puntland ayaa gaaraya 17, halka dhimashada uu sababay cudurkaas loo diiwaan geliyay hal qof, sida lagu sheegay warbixinta guddiga.

Kiisaskan ayaa laga kala diiwaan geliyay gobollada Bari, Mudug iyo Nugaal ee Puntland, mana jirto cid kasoo bogsatay xanuunkaas oo lagu shaaciyey warbixintan.

Guddiga ka hor tagga xanuunka COVID-19 ee deegaanada Puntland ayaa tirada guud ee cudurkan uu ka baaray saacadihii u dambeeyey ku sheegay 24 qof, balse waxaa laga helay 17 qofood, kuwaas 15 kamid ah ay yihiin rag, halka labada kale ay dumar yihiin.

Tirada guud kiisaska cudurka Coronavisus ee deegaanada Puntland aya gaartay 76 xaaladood, dhimashada uu sababay xanuunkan ayaa gaartay seddax qof, halka qof kaliya uu kasoo bogsaday.

Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ayaa galabta shaacisay in 69 qofood laga helay cudurkas 48-kii saac ee u dambeeyey, kuwaas ku kala sugan dhamaan deegaanada maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, markii laga reebo deegaanada Jubbaland.

Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 997 xaaladood, bogsashada guud ayaa gaartay 110 qofood, halaka dhimashada guud ee uu sababay xanuunkaas ay gaartay 48 ruux, inta la ogyahay, sida ku xusan warbixintii u dambeysay ee heer federaal.

Tirada ay galabta shaacisay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya kuma jiraan kuwa ay caawa shaacisay Puntland, balse warbixinta dambe ayey kusoo dareysaa sidii horay u dhici jirtayba, waxaana halkaas ka cad wada shaqeyn la’aan ka dhex taagan hey’adaha caafimaadka dalka, taas sida caqabad ku ah dadaalada ka hor tagga Coronavirus.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beesha Caalamka oo Soomaaliya deeq ahaan u siineysa 16 milyan oo doollar

Beesha caalamka ayaa ka hadashay dhaqaale Soomaaliya loogu yaboohayo oo gaaraya 16 milyan oo doollar, lacagtaas oo qaar kamid ah loogu tala-galay la dagaallanka xanuunka COVID-19 sida uu sheegay danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto .

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu saxaafadda ugu qabtay khadka Online-ka ah Khamiistii shalay ayaa waxa uu tilmaamay in lacagtaasi ay bixinteeda iska kaashan doonaan beesha caalamka sidii Soomaaliya ay awood ugu heli laheyd maareynta xanuunka Coronavirus.

Danjire Yamamoto ayaa intaa ku daray in kaalmadaan ay noqon doonto mid leh laba weji , waatan koowaade in Dowladda Soomaaliya ay kula dagaallanto xanuunka COVID-19 iyo wejiga labaad oo ah in lagu xoojiyo miisaaniyadda dalka maadaama saameyn dhaqaale uu ku yeeshay xanuunkan.

“Lacagtaan taageerada ah maaha mid keliya ka imaaneysa Mareykanka ee waxaan la kaashaneynaa dhinacyo kale” ayuu yiri Donald Yamamoto.

Waxa uu sidoo kale qeexay in dowladda Mareykanka Soomaaliya ay ku garab istaageyso fududeynta lacagaha amaahda ah ee lagu leeyahay Waddanka, iyadoo la kaashanayo saaxiibada beesha Caalamka iyo Bankiga adduunka iyo hay’adda Lacagta dunida ee IMF.

Dhinaca kale wuxuu ka gaabsaday su’aal ay weydiisay HOL oo aheyd “ Mar haddii Soomaaliya dagaalka Al-shabaab uu waqti soconayay , miyaa la gaaray xilligii lala wada fadhiisan lahaa, oo xalka wada hadal lagu raadi lahaa?’

Jawaabta su’aashaas iyo kuwa kel oo ay kamid aheyd “ Mareykanka diyaar ma u yahay bixinta magta dadka rayidka ah oo ay diyaaradihiisa dileen?” waxa uu sheegay in su’aalahaasi uu u celinayo howlgalka Mareykanka ee Afrika {Africom}, waxa uuna sheegay in isaga uusan ka jawaabi Karin.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maanta oo ay tariikhdu tahay 10 May 2020, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa ku dhawaaqday xaaladaha cusub ee caabuqa COVID-19, xaaladaha la xaqijiyay ayaa ah 57 xaaladood. Xaaladahaan waxaa lagaso xaqiijiyay 3 kamid ah maamul goboleedyada dalka.

Gobolka Banaadir ayaa laga xaqiijiyay 23 xaaladood, Maamulka Somaliland 17 xaaladood iyo Maamulka Puntland 17 xaaladood.

Wadarta guud ee xaaladaha caabuqa ayaa ah 1054 xaaladood, waxaa geeriyooday 3 bukaan, waxaana bogsooday 8 bukaan.

Wasiirka ayaa bulshada ku adkeesay ahmiyada ay leedahay in lagu dadaalo xakameynta caabuqa maadama ka hortaggu uu ka wanaagsan daweynta, waxaa muhiim ah in lagu dadaalo siyaabaha looga hortago caabuqa maadama ay qatartiisu tahay mid aad badan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lataliyaha sare ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maxamed Maxamud Cali (Fuje) ayaa bulshada u sheegay in Soomaaliya ay soo gashay kaalinta 13aad kala sareynta dalalka Afrika uu sameeyay caabuqa COVID-19 ayna tahay wax laga naxo sare u kaca iyo faafidda uu sameenayo cudurka loona baahanyahay in qof walbaa uu ku dadaalo dhamaan qaababka looga hortagi karo caabuqa iyadoo ay u tahay badbaado naftaada, qoyskaaga iyo dhammaan umadda.

Wuxuu sidoo kale baaq udiray dhalinyarada in ay noqdaan badbaadiyaha qaranka iyo badqabka dadweynaha aysan noqon dilaaga daahsoon/qarsoon ay la yimaadaan taxadar iyo foojignaan badan si loo yareeyo baahidda caabuqa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr. Fawziya Abikar Nur, Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ayaa maanta oo ay tahay tariikhdu tahay 11 May 2020, la wadaagtay bulshada xaaladaha ku soo kordhay Dalka ee caabuqa COVID-19.

Wasiirka ayaa ku dhawaaqay tirada xaaladaha cusub ee maanta in ay tahay 35 xaaladood oo laga soo xaqiijiyay 3 maamul goboleed oo kala duwan.

Gobolka Banaadir ayaa laga xaqiijiyay 24 xaaladood, Maamulka Puntland 8 xaaladood iyo Maamulka Somaliland 3 xaaladood. Wadarta guud ee xaaladaha cusub ayaa noqoneysa 1089 xaaladood, waxaa geeriyooday 1 bukaan sidoo kale waxaa bogsooday 3 bukaan.

Wasiirka ayaa xaqiijisay in aan laga daaleyn ku celcelinta fariimaha wacyigelineed iyo inaan awoodeena u mideyno sidii aan u xakameyn laheyn caabuqa ku sii baahaya bulshada dhaxdeeda.

Sidii caadada ahayd wasiirka ayaa bulshada u sharaxday qaababka looga hortago caabuqa sida gacmo dhaqasho joogto ah, yareenta bixidda ama aadista meelaha dadka faraha badan isugu yimaadaan iyo xirashada af-xirka.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr. Maxamed Maxamud Cali (Fuje) Lataliyaha Sare ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa dhambaal u diray dhalinyarada isagoo yiri ‘’ Isbadbaadi oo badbaadi waalidkaa’’ iyada oo macnaheeda tahay inaad naftaada ka taxadartid oo aad iska ilaaliso, badbaadi waalidkaa oo ha noqonin mid u gudbiyo caabuqa waalidkiisa iyadoo keeni karto inaad waalidkaa uu saameeyo cudurka.

Sidoo kale wuxuu u diray fariin iskaashatada gaadiidleyda asagoo ku booriyay in ay ka qeyb qaataan xakameynta caabuqa ayna ka dhigaan shuruud in dhamaan rakaabka ay soo qaataan af-xir.

Wuxuu sii adkeeyay fatwadii culumada Soomaaliyeed in imaamada masaajidda dhaqangeliyaan maadaama ay aheyd qaab ka mid ah xakameynta faafidda caabuqa.

Wuxuu ku daray daryeelka waalidka ama dadka waayeelka ah in ay si gaara loo daryeelo aysan bulshada soo dhaxgelin, hadey dan yeeshaan aysoo xirtaan af-xir dadkana ka fogaadaan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.