Sign in to follow this  
Deeq A.

Gedo: Saddex Guddoomiye Oo Lagu Dilay Degmada Baardheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka aan ka helayno degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in xalay degmadaasi lagu dilay ilaa iyo seddex guddoomiyo waaxeed, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Gaashanle Cabdi Sheekh Xasan Taliyaha saldhigga booliska Baardheere ee Ciidamada Dowladda oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in guddoomiyeyaasha la dilay ay ahaayeen guddoomiyo waaxeedyo ka tirsanaa degmada.

Taliyaha oo sii hadlayay ayaa tibaaxay in raga la dilay ay ahayeen rag da’ ah waxa uuna magacyadooda inoogu kala sheegay sida tan; Jibriil Maxamed Nuur, Cabdi Santuug Raage iyo Carab Khaliif Cabdi.

Dhanka kale taliyaha ayaa waxa uu sheegay in ragga la dilay qaarkood loo adeegsaday dilkooda Masaar amaba Faas, isaga oo xusay in dilkaan xalay saq dhexe uu dhacay.

Taliska booliska Baardheere ayaa waxa ay inoo sheegeen in ay baadi goobi doonaan dhacdadii xalay ka dhacday degmada ciddii ka dambeysay islamarkaanka wixii natiija ah ay warbaahinta gadaal kala soo wadaagi doonaan.

Ma jirto weli cid sheegatay masuuliyadda weerarkii xalay lagu dilay qaar ka mid ah guddoomiyo waaxeedyadii degmada Baardheere ee gobalka Gedo.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this