Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay safiirka Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Safiirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Mehmet Yilmaz, waxaana uu kala hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada nacfi wadaagga, gaar ahaan is-weydaarsiga ganacsiga iyo ballaarinta mashaariicda maalgeshiga.

Wasiitrka io Safiirka waxay si weyn iskula jeex-jeexeen arrimo ku salaysan ganacsiga iyo maalgeshiga, iyadoo Soomaaliya iyo Turkiga ay waqtigaan ku naaloonayaan xiriir taariikheed qoto dheer, laguna garto kobaca hallaasiga ah ee gaarka ah ee sarreeya ee ku dhisan wadatashi, iskaashi iyobooqasho isdhaafsiga heerarka kala duwan leh.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this