Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Ayaa Dhagax Dhigay Garoonka Waamo Ee Maamulka Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Taageerayaasha kooxaha kubbadda cagta Jubaland ayaa dhib weyn ku qabay daawashada tartamo kala duwan ee lagu qabto garoonka Waamo waxaana cabashada ay qabeyn dhallinyarada iyo bahada ciyaaraha ka jawaabaya madaxda xirirka kubabdda cagta Soomaaliya,iyadoo madaxaweyne ku xigeenka maamulka Jubaland iyo Xiriirka Kubbadda cagta Soomaiya ay dhagax dhigeyn mashruuc dib habeynta garoonka Waamo.

87060097_1057936147899612_41200183100728

Agaasimaha Wasaarada Ciyaaraha iyo dhallinyarada Jubaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa sheegay in tani ay kor u qaaday kobaca kubbadda cagta Jubaland
87444333_1057935881232972_80376502363755

Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xiriirka uu ku mashquulsan yahay wax ka qabashada garoomada kubbadda caga Maamul Goboleedyada howshan uu kaga mahad celiyo xiriirka kubbadda cagta addunka ee FIFA.

87414573_1057935867899640_47930718331863

Madaxwayne Ku Xigeenka 2-aad ee maamulka Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (Lugga dheere) ayaa sheegay in ay muuqanayso bilicda iyo iftiinka kubbadda caga Jubaland ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan howlaha lagu horomariyo deegaanada Jubaland.

87599071_1057935927899634_35827143665852

Si kastaba Xiriirka Kubbadda cagta Soomaaliya ayaa 17 September 2018 balanqaaday in uu dib u habeyn uu ku sameyndoono garoonka Waamo oo ah kan ugu maamulka Jubbaland waxaana bahda ciyaaraha ay arinta kaga mahad celiyeen madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya iyo Kan maamulka Jubbaland oo is kaashanaya waxaana mashruuca dib u dhiska ka taageeraya hayada kubbadda cagta Aduunka ee FiFa oo Soomaaliya ka taageeraysa horomarinta iyo qurucinra garoomada.

Screen-Shot-2020-02-25-at-9.46.05-AM-102

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Dhagax-dhiga Garoonka Kubbadda Cagta Waamo

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this