Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo si adag uga hadlay dhaq dhaqaaqyada DF ee gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (Caasimada Online) – Madaxa arrimaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, Rodney Hunter ayaa isagoo khudbad ka jeedinayey kulanka golahaasi, wuxuu ka hadlay xaaladda Soomaaliya.

Mr. Hunter ayaa ugu horreyn ka hadlay dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ay dowladda federaalka ka wado gobolka Gedo ee K/Soomaaliya, wuxuuna sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid aan la aqbali karin oo weecineyso dhaqaaliihii loogu talagalay amniga.

“Ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya ee sida siyaasadeysan loogu daad gureeyey, looguna dagaal galiyey gobolka Gedo ma ahan mid la aqbali karo, waxayna taasi weecineysaa dhaqaalihii lagu heshiisyey ee loogu talagalay howlgallada amniga”. ayuu yiri madaxa arrimaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan golaha ammaanka.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) in uu soo afjaro dhaq dhaqaaqyada ciidamada dowladda ay ka wadaan degmooyinka gobolka Gedo, islamarkaana khilaafka kala dhexeeya madaxweynaha Jubbaland uu ku dhameeyo wadahadal iyo deganaan.

Ugu dambeyn Rodney Hunte ayaa carabka ku dhuftay in sanadkaan 2020-KA Soomaaliya uu u yahay mid adag, islamarkaana laga rabo inay wax ka qabato barnaamijka deyn cafinta, u diyaar garowga doorashooyinka soo socda iyo inay AMISOM kala wareegto amniga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this