Sign in to follow this  
Paragon

Roodo Afjano talks to you 'girls'

Recommended Posts

Malika   

Ouch! for Paragon.. :D , sucking up didnt do you good huh? icon_razz.gif

 

Go Haneefa,Go Haneefa...LOL

 

Tolow yaa yirii he has to take her to Paris,buy her a diamond ring and make sure every time they meet he has to bring her flowers and chocolate, and the future plans being he will be a stay at home father,in all manners.. :D Waa bila dhaqan celis..heh

 

Paragon[i am sure you meant well,but got confused about dhaqan iyo Islamic etiquette,were sharaaf iyo xishood come into it]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haneefah   

^ :D No, no, ha isku kaaya dirin wiilka...this is all out of genuine concern for his beloved Somali sisters, lol. Bas anigu waxaan ku waaninlahaa (if he cares for my waano) inuu miyiga wadankii iska dago, that way gabdha uu la dhaco mooyaane kuwa ka yaabiya muunan arkeen :D

 

Ahlaaan Nephy!! Xabibti, nafta ka waran? Missed you ;)

 

*Waves at Buuxo*

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

^ :D , waan iska daynaya wilka, walle miyi inuu iska dago ayaa ficaan,he will find pleanty of 'dhaqan'..Lol

 

ps.Paragon, you know am pulling your leg right? icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^Lol. Ducaysane, nin balaaya ah ayaa tahay ninyow. Adiga diirada waxeey kuu saaran tahay hal meeloo qura. :D

 

Malika iyo Nafiisa, iga qaleeya nooh. Qoftaan Haneefah aan iska dhiciyee.

 

Haneefah, adiga marna waad ila jirtaa marna waa iga soo horjeeddaa? Fiiri, I know full well inuu midabkaagu kii asliga ahaa eed ku dhalatay weli yahay (like maarriin casaan galay, sida qoraxdoo godka cirifka gelisey). Waxaa tahay naturaal. :D Marka waxba ha u baqin, aniga gabdhaha waxa aan ku boorrinayo mar horaad ka baramoostay, oo buunda sare ayaad ka taagan tahay.

 

Teeda kale sida habboon ee aad u tilmaamisey hawlaha ay hablaha miyi qabtaan ayaanba ka helay. And no, miyi uma socdo hadda intaad ogahay ineey jirto gabar dhaqanka intiisa wanaagsan iyo diinba haysata. Diintaaba ugu muhiimsan, baan aniga isleeyahay. Dhaqanka is just a foundational thing. Mid aan isla subcinno oo ilamahana quraanka barto ayaa loo baahan yahay.

 

Horta ma aragtaa sidaan isaga kaa sasabayo? Illeen nin horey loo duqeeyey baan ahaye waxaan rabaa inaan labadayada isku dhinac ka soo jeedsanno, oo aan iska dhiciyo Malika, Nafisa, Lily iyo qaar kaleba. smile.gif

 

Accept this as appeasement. Laakiin doodda about dhaqanka iyo diinta ha inoo dambeyso. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

^ Ma anigaa leedahay iigaga hiili???? Wayoo way, Walleee, waxaa tahay jazaaar! Waxaan ku mahdiyaa maalintaan Jamaal jaanis-sii lahaa, inaysan i dhagaysan :D . Saacadaan waa is-ciili lahaa, ninkaan gabadha u qal-qaaliyay baa igu jizaaray baan la uur-xumaan lahaa. Laakin hadda..aaaaxxx :D:D waa ku istareexooyaa sideey kuugu Daadisay. Sidaa u hanaq-hanaq lahayd aa lagu dhahay iska-qabo.. HOO-Bariiska, kkkkk! Carabta waxay dhahda markanoo kale: 'macal asaf' L0L.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haneefah   

Originally posted by Paragon:

Accept this as appeasement. Laakiin doodda about dhaqanka iyo diinta ha inoo dambeyso.

Waa hagaag smile.gif

 

 

Nephy, you are such a muftariya!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Rooda Ibrahim waa Abwaanad ay dadka Soomaaliyeed mel ay jogaanba aad u xiseyaan gabayadeeda waxayna in badan gabayo ka tirisay Halganka Ogadeenya ee u dhexeeya umadda Ogadeenya & Gumaysiga Itoobiya, waxay Rooda gabayga biloowday ayada oo aad u yar waxayna tirisay gabayo ay ku dhiiri galinayso umadda Soomaalida Ogadeenya.

 

Hadaba Todobaadkan oo ay Waddanka Ogadeenya ka socdaan howlgalo ciidan oo aad u xoogbadan dhamaan gobalada & dagmooyinka Ogadeenya howlgaladaas oo ay fulinayaa Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogadeenya waxay Abwaanadu kaga qayb qaadatay gulufkan cusub ee Calanside gabay aad u qiiro badan oo ay ugu wanqashay isla magaca Calanside kaas oo ay curisay 16/09/2010 Gabaygan oo si dhab ah ula jaan qaadaya howlganka Calanside & arimaha ku xeeran:

 

 

Sugaanta iyo gabayadii hibo la ii siiyey

Ilaa iyo saqiirnamada waa taan goyn jiraye

Kolkuu Eebe ii sakhiro sowdku ii furanye

Aan sifeeyo maantoo kalaan gacalka sooraaye

 

Waran hilibka saafiyoo gantaal seeda kala gooya

Siidhiga dhawaaqa watee samada jiidhaaya

Isticmaarka suudha leh codkii sirirshay weeyaane

Isaga iyo kuwii uu sixree cudurku saameeyay

Sanqadhayda goortay maqlaan khoofku wada saaqye

Ha salsalo wayaanihii baryahan sirinsirqaysnaaye

Sanbabka iyo wadnaha aan ku jaro weedha seefta ahe

sakaraadkii baa dhibahaye aan sagootiyo'ee

 

Saddexdaasi waa ararta hore sadaradeediiye

Sawaariikhdii aan ridi jiroo simantay weeyaane

Waa sarmaweydada cirkoo saydhay karadhiiye

Seqdii dhexe gudgudo hooray oo maydhay saxalkii dheh

Sururiyo niyada farxad kayimid oo siyaado ah dheh

Marna hawlgalkii calanka siday sacab tumkiisii dheh

 

Gumaysiga saqaafaha kuyimid sabadda ciidayda

Inkastoo uu na saxariiryo silic lanoolaayo

Oo uu saqiir iyo kabiir suudi noogu ooday

Isna seexad u diidanahay oo darmada seegye

Sadkuu naga macaashana waa sun iyo baarudee

 

Adoonsiga siloone inbadan nagu sabeynaayay

Surka diidnay keenada inuu waana noo sudha'ee

Shacab aan sariigtiyo ka dhiman sadaha imaanku

Sumacada ilaa shanhayoo marinka seegaynin

Saqajaana aan qaadan karin soodh la wada boobyee

 

Dadweynaha dulmigu saranyahay seefta midigaystay

Soomajeestayaal baa horkacay qaatay sahaydiiye

Sibraarna dhaansaday ONLF waa saciim dhab ahe

Safka hore waxaa galay ragay bilidu saarnayde

Geesiyaashii noo sarakacaa nacabka suun goyne

Sunbadii Ogadeeniya timid xidadka loo siibyee

 

Halgankaa salaanada fog iyo sibirta loo aasay

Sayid maxammed baa laga dhexlay iyo saahidkii Guraye

Iyagaana sees adag u dhigay saymad dirireede

Adoonsigi sumadahay badeen suulin kari waaye

Maantana waxaa dacayga sudhi jwxo oo soliye

Sidiibaan saldhiyo halgan ugu salaanaaye

Sabrigii in badan damacu waday ruuxda laga saarye

Gumaystaha sartiisiyo waxaa oloshay saantiiye

Sandulaynay caal saarahana waan ka sidanaaye

Sarar iyo hadduu xoog lahaa maanta waa salane

Saraxiyo garbuhuu taagi jiray wiilalbaa simaye

D'aba******ka saar iyo xabashi sidato rooxantu

Iyo sawaca daafida la cuna ha u saqleeyeene

Senaawiyoow walle reer Maqalle samankan waa u hooge

Soomalida Ogadeeniyana samiyo waa u guule

 

Dugaagii suuransaday sabi iyo waayeelba

Salka kiciyee shacabkaanaga wada sabooleeyay

Sarwad cadha wadani sitaa saaray geedada'e

Saf balaadhan buu gulufku yahoo ku soconaaye

Saanad iyo kolkii loola tagay gumacyo soofaysan

Wayanihii salaanka u go'yoo sabarna naafoowye

Saraakiisha iyo ciidankii daba suqdhaynaayey

Sarartoodii naaxduu dhurwaa saaka cunayaaye

Tukaha saloolanhayiyo haad saan uun rabaye

Sunbaaxada uriyo bakhtiga suuqa lala yaabye

 

Socotadii dameeraha kutimid salabka loo qaadye

Sabaaxad markii lala helee dhinaca loo seexshay

Ee sankii goraray bay kor u sanaadheene

Samadaa ku guuxdoo arlada suur kaga yeedhe

Sawaxan yaableh iyo waxaa ku kacay siigo iyo boodhe

Saylac iyo waxbaa ooga shanqadhay suufka xeebaha'e

Saxaraha banka iyo waxaa wiiray geedo seemana ahe

Sanahaadho jiiidhi bay ka fili saaxil iyo maydhe

Sool iyo libaaxyaa ka ciyey Gedo salkiisiiye

Oo saskii ayaamahan ku dhacay cadawgu saab qaadye

 

Adoonsiga sirgaxane in badan guudka naga saaran

Sutiday halyeeyo u qabteen oo sal dhigi waaye

Subagii Liiban iyo Afdheer maadh kawada soogan

Saxansaxa Hargeelaaliyo Saami dheera ahe

Samsamkii Shabeeliyo Godey miida soconaysa

Sareenkiyo waxaa laga helaa dalag la soo saaro

Sakalaha Qalaafiyo Dhanaan sarabka Feyrfeyre

Siraw iyo simaha Doolo ahe sugul ka foofayso

Sabadii Qoriiliyo Wardheer waanan siin karine

Salka Dahare seeraha bankii Qoraxay loo saantay

Sarsarada Shilaabiyo dhulkuu noo fadhiyo saadku

Saliidiyo arladay la hurdaan gaaska sibidhoobay

Dhagaxbuur sangaha daaqiyo sogabka gooloobay

Sugumaha Awaariyo Digiyo sarabka Gaashaamo

Hadal kuma sifayn karo kolaba saaca Jarareede

Salaxaad degmada Sagag iyo Sibbi banaankeeda

Sulul iyo sakaraha Garbiyo Fiiq sarsaaraheeda

Dhulka Saddexda caanaha macaan lagu sareedeyey

Macdan saxa siti malab oo Nogob ku saameelan

Sarihii Jijigiyo Adari iyo seesha Haramaayo

Saldhigii Shiniiliyo Ayshaca Diridhaba saaran

Surad iyo silsiladaha guray sararta Haadaamo

Soohdintii dalkaygiyo waa sagalka ii muuqda

Rabbigii nasiiyey dhulkuu saan u barwaaqeeyay

Wabeiyada sakaarka is dariyo togaga saaweeya

Buuraha Ilaahay simay iyo laagag kala saydhma

Dhirta sodon kun oo nooc ka badane dul saaran ciida

Kama soomaan karo dadkii sooca u lahaaye

Guumaystaha in loo saamaxoo laga sifayn waayo

Amma uu sharfta naga suuliyo abid na saarnaado

Waa si aan dhacaynoo kolba suurto gal ahayne

Xornimana sadaal iyo ka weyn shay saleele ahe

Surmiyo dhibaa loo muutaa suudi iyo oone

Ma sal dhigato gobanimo hadaan saymo loo marine

Sacab dhiig leh dabadii uun bay guuli sabataaye

 

Xaq lagaa sagsaagay hadduu sabano kaa raago

Sina looma yeeloo dulmigu inuu ku saarnaado

Adoo iilka seexdaa ka roon nolosha seegseegye

Sifihii dadaalkiyo adoo sabirba kaa muuqdo

Saacidoo Eebaa lahoo samu la tuugaayee

Sacabadana loo hoorsadaa inuu ku siiyaaye

Socod dheerna waa lagu daraa saada khayrka lehe

 

Dadku saaba saabiyo hadduu solay ku noolaado

Nafta sadaro aan muuqan baa loo sawirayaaye

Suraxaadintaasay indhahu sahal wareeraane

Kolkaasu qalbiga suus galaa kuna samaysmaaye

Siyaasada Itoobiya ninkaan dhab ula saanqaadin

Socodkiyo majarahaa ka luma wuuna salalaaye

Raga kala suucayoo haday soori idin qaaday

Amma uu si kale hadduu xaalku yahay lana siloodaaday

Itoobiya saldaniyo saad jeclaatay hortiin laga waaye

Sanbareerkii lagu bay dib u sumaysaaye

Soomalaadka iyo orodkan badan siiba shaaxigiiye

Amma jeel saldhada loo galaa wada sugaysaane

Salkuna waa Dhanaan iyo kobtaan cidina seegayne

Saylalaxadu yeyna idin la tagin sibiqdu waa jaane

 

Shacabkaa saliilyada qabee cadowgu seeteeyay

Soomali weeyan la hubo weliba waa sooce

Sinjigooda lama doorin karo waana siidh adage

Soyaalka taariikhahana waan la soconaaye

In maqaar lanoo saaroo xabashi suudhlayda

Sanka la ii marmariyaan kolnaba suurto gal ahayne

Anaga iyo sirqada baahane sidata caydhiinka

Sakooyiyo xigaal iyo manihin tol iyo saaxiibe

Saxiix iyo heeshiis lama galno Saadirka ii magane

Oo sifadiyo dhaqan xumadaan ooga siqaynaaye

Soorooyinkoodiyo orgida dhibida saydhaysa

Iyo saalixiintiyo gabdhaha saxuur ciibadaysta

Rabbaa kala sifeeyoo wallaan la isku soohayne

Suyaciyo Allow ha igu darin wada sinjiidhlayda

 

Itoobiya sidaan uga tashaday duulanka loo siicye

Sunaha kuwa xiirtiyo horinta seero(zero) ah

Sanaawiyo haddaba dhiiriyeen sawrac foolxume

Suqsuqiyo bahoolaha uu uqoday ha u sawaalaane

Sunta uu waraabshiyo jirada samo ha moodeene

Annaba socodku waa geedigii gibishu saarnayde

Oo waa halkii aan suntaday sahanka gaadhsiiye

Sadka gobonimyo waa ku hiro sahandabe iyo guule

 

Halkan ka dhagayso-mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Overrated, ma xuma laakin xogaa caadufad baa ku jirta, waa sheekadii qaar reer waqooyi ku oraneyeen Ilma Mooga baa ugu sareeya abwaanada oo kale.

 

Buraanbur iyo Gabay midna waxba ma soo dhiciyee, Amxaarta ha la iska celiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this