Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland oo go’aan kasoo saartay ‘safarka’ Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaarada arrimaha dibada ee Somaliland, ayaa markii u horeysay war ka soo saartay Safarka la sheegay in uu Madaxweynaha Farmaajo ku imanayo magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Somaliland, Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa sheegay inaysan suurtagal aheyn in uu Madaxweyne Farmaajo uu socdaal ku yimaado caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Wasiirka ayaa safarkaasi Farmaajo ee la sheegay inuu ku imanayo Hargeysa ku tilmaamay mid ah ‘Riyo maalmeed’ aan marnaba suurto gal noqon karin.

Wasiirka ayaa arrintaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka oo ku qornaa luuqada Ingiriiska, isagoona xusay in Xukuumada Somaliland u taagan tahay ilaalinta jiritaankeeda, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka wasiir ku-xigeenka ayaa imanaya ayada oo wararmsoo baxay ay sheegayaan in xukuumadda Somaliland ay waraaq rasmi ah u qortay Dowladda Itoobiya, taasoo lagu sheegay inaysan Somaliland ogoleyn inuu madaxweyne Farmaajo yimaado Magaalada Hargeysa.

Sida ay laga soo xigtay ilo-wareedyo rasmi ah, waraaqda, oo loo diray wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya, ayaa loogu sheegay Itoobiya inaysan Somaliland marnaba diyaar u aheyn inay madaxweyne Farmaajo kusoo dhaweyso magaalada Hargeysa.

Dhinaca kale, waxaa la filayaa in Madaxweyne Muuse Biixi uu asbuucaan Baarlamaanka Somaliland u sharaxo kulamadii uu madaxda Itoobiya kula soo qaatay Magaalada Adis Ababa, waxyaabihii looga hadlay iyo xaqiiqda safarka madaxweyne Farmaajo ee Magaalada Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this