Deeq A. Posted February 16, 2020 Weriye lagu magacaabo Cabdi Wali Cali Online ayaa lagu dilay saacdo ka hor degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose. Dilka waxaa geystay kooxo hubeysan, sida uu xaqiijiyey Television-ka Universal oo ka tirsanaa Weriye Cabdi Wali Cali Online. Dilka weriyehan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmo ka hor hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ay soo saartay warbixin ay ku sheegtay in weerarada, hanjabaadaha, dabagalada iyo cabsi gelinta shaqaalaha warbaahinta ay ku sii badanayaan Soomaaliya, oo ah meesha ugu halista badan adduunka ee suxufi ka shaqeeyo. Amnesty International ayaa warbixintaas ugu magacdartay ‘Lanoolaashaha cabsida joogtada ah’. Soomaaliya: Dilalka, musuqmaasuqa iyo faafreebida oo hareeyay xorriyadda saxaafadda PUNTLAND POST The post Weriye lagu dilay Afgooye appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites