Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahin: Weriye Cabdi Weli Cali Online oo caawa la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee weriye Wariye Cabdi Weli Cali Online ayaa goor dhow lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose, sida ay xaqiijiyeen xarumaha warbaahineed ee uu la shaqeynayey.

“Kooxo hubeysan ayaa goordhaw ku dilay dagmada Afgooye wariye Cabdi Weli Cali online oo ahaa wariyahii TV-ga Universal ee gobolka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri war lagu daabacay bogga TV-ga uu ka howl-galayay ee Universal ee facebook.

Weriye Cabdiweli Cali Online ayaa sidoo kale aahaa wakiil wareedkii Radio Kulmiye ee Afgooye.

Kooxda weerarkaas geysatay oo tiradooda lagu sheegay laba wiil oo dhalinyaro ah ayaa waxa ay weriyaha ka toogteen qeybaha sare ee jirkiisa, gaar ahaan madaxda.

Ehelladiisa oo aan la xiriirnay waxa ay noo sheegeen in dhaawac daran kuu ka soo gaaray weerarkaas, isla markaana dhaawaciisa loola cararay cisbitaallada Muqdisho, balse uu geeriyooday intii lasoo waday.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku yiri, “Naxariista Janno allaha ka waraabiyo Wariye Abdulwali Cali Onleyn oo galabta kooxo  hubeysan ku dileen Afgooye”.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale amar ku bixiyey in laamaha amaanka degmada Afgooye looga fadhiyo dilka in baaritaan rasimi ah ay ku sameeyaan cidda ka ambeysay dilka weriyaha.

“Hey’adaha amaanka ee Degamada Afgooye waxaan farayaa inay baaritaan rasmi ah ay ku sameeyaan kooxa dilka geystay gacantana lagu soo dhigo Saaxibkeen waxa uu si dhaw ula shaqeynayay Maamulka Gobolka” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose.

Lama yaqaan cidda geysatay dilka Weriyaha, mana jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadiisa dilka loo geystay Weriye Cabdiweli Cali Online.

Dilkan ayaa imanaya maalmod kadib markii Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ay warbixin ay soo saartay 13-kii bishan ku sheegtay in suxufiyiinta Soomaaliya “la haysto,” wajahayaan qaraxyo, garaac, weeraro iyo xarig.

Amnesty ayaa sheegtay in suxufiyiinta Soomaaliya ay halis ka wajahayaan dhinac kasta, sida weerarada kooxda Al-Shabaab iyo dowladda caalamku uu taageero ee Soomaaliya.

Sida warbixinta ay tiri, ugu yaraan sided suxufi ayaa lagu dilay Soomaaliya tan iyo sanaddii 2017, ayada oo ugu yaraan sideeda kale ay dalka uga carareen cabsi ay u qabaan noloshooda, waxaana kusoo biiraya hadda allaha u naxariistee weriye Cabdi Weli.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this