Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg-deg: Wariye lagu dilay magaaladda Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (SMN) – Wariye Cabdiwali Cali Online ayaa la sheegay in lagu dilay gudaha magaaladda Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ma cadda cidda dishay saxafiga.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dabley ay ka dambeysay falka, kuwaasoo la tilmaamay in ay ka baxsadeen goobta ay wax ka dhaceen.

Laamaha ammaanka oo meesha ay wax ka dhacay tegay ayaa daboolka ka qaadey in ay baaritaan kuwadaan cidda ka dambeysay.

Hay’adda Caalamka ee u dooda arrimaha saxaafadda ayaa ku sifeeyay Soomaaliya “waddanka ugu khatarta badan ee wariye ku shaqeeyo”.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this