Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoor Qoor “Ciddii ka hor timaado amniga Galmudug xoog baan u adeegsaneynaa”

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug ee garabka Dowladda Soomaaliya Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa Maanta booqasho ku tagay xarumaha Ciidamada kala duwan ee Maamulka Galmudug, waxaana safarkiisa qeyb ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaas.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa booqashadiisa ka bilaabay Xarunta Ciidamada Xoogga Dalka, qeybta 21-aad, wuxuuna warbixin ka dhageystay taliyaasha ciidamada.

Madaxweynaha ayaa Taliyaasha iyo ciidamadii ku sugnaa Xarunta 21-aad ku amray inay dardargeliyaan howlaha ay u hayaan guud ahaan dalka, gaar ahaan Dowladda Goboleedka Galmudug oo uu hareeyey khilaaf xoog leh kadib markii ay iska garab dhismeyn ilaa 3 Madaxweyne.

Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor ayaa booqasho ku tagay taliska Ciidamada Haramcad ee Booliska kuwaas oo dhawaan la geeyey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ciidamada Haramcad ee Booliska ku amaanay doorkii wanaagsanaa oo ay ka qaateen sugidda ammaanka xilligii ay dhaceyso doorashadii isaga lagu doortay, isagoo kula sii dardaarmay inay laba jibaaraan shaqada ay shacabka Galmudug u hayaan.

Sidoo kale Waxaa uu sheegay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay inay xaqiijiyaan Amniga Guud ahaan deegaannada Galmudug, hayeeshee aysan aqbaleyn in carqalad laga abuuro amniga ay heystaan.

“Cidna kama yeelayno in ay amniga Galmudug Caqabad ku noqoto , ciidamadu waxaan u diyaarineynaa ilaalinta amniga iyo xoreynta deegaanada maqan ,waxaana ku amrayaa in cidda ka hortimaada Amniga ay xoog iyo xeeladba u adeegsadaan.

Madaxweyne Qoor Qoor oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri ” Waxaan maanta booqdey fadhiyada Ciidamada qalabka sida ee ka howlgala deegaanada Galmudug”

Waxaan warbixin kaga dhageystey taliyayaasha Ciidamada qalabka sida,
waxaan ciidamada kula dardaarmey inay dardargeliyaan howlaha ay u hayaan dowlad-Goboleedka-Galmudug iyo Guud ahaan dalka.

Ciidamada ayuu sidoo kale uga mahadceliyay dagaaladii ay la galeen Al shabaab,waxa uuna u sheegay in ay dhawaan qaadidoon howlgalo Al shabaab looga saarayo deegaanada iyo Degmooyinka ay Maamulaan ee Goboladda Galgaduud iyo Mudug ee Bartamaha Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kariye (Qoor Qoor) ayaa maalmahaan waxaa uu waday kulamo uu la qaadanayay Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ka howlgalla deegaannada Galmudug, hayeeshee uusan weli la kulmin Madaxda kale ee kasoo horjeeda oo qaarkood ku sugan yihiin Magaalada Dhuusamareeb.

Maamulka Galmudug ayaa wajahayo khilaafkii ugu adkaa tan iyo markii maamulkaas la sameeyey afar sano ka hor, waxaana muuqato inaysan jirin ififaalo muujinayo isku soo dhawaansho dhex marto dhinacyada isku hayo maamulkaas oo kala ah Ahlu Sunna, Madaxweyne Xaaf iyo Dowladda Soomaaliya.

86193167_522708491707534_873135180187959 86254407_522708461707537_669297577649032 86245674_522708395040877_124445728213827 86280483_522708361707547_714637468199236

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this