Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland Oo Diidday In Farmaajo Yimaaddo Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Somaliland ayaa Warqad Rasmi ah u dirtay Dawladda Ethiopia, taas oo ay ku muujisay in aanay Ogolayn in uu Madaxweyne Farmaajo yimaaddo Caasimadda Somaliland ee Hargeisa.

Warqaddaasi ayaa Nuxur ahaan loogu sheegay Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Abiy ahmed, in aanay Somaliland diyaar u ahayn in ay Hargeisa ku soo dhawayso Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. sida ay Xaqiijiyeen Ilo wareedyo Muhiim ah.

Warqadda xambaarsan mawqifka diidmada ah ee xukuumadda Somaliland, ayaa maanta la gaadhsiiyay Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Dalka Ethiopia, sida la xaqiijiyey

Ila wareedyada, ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, uu Toddobaadkan gudihiisa Baarlamaanka la hadli doono isla-markaana uu faahfaahina ka bixin doono kulamadii uu madaxda kula yeeshay Magaalada Addis Ababa iyo dhamaalkan uu ethiopia u diray ee uu kaga hortagayo imaatinka Madaxwaynaha Soomaaliya.

Warkan ayaa soo baxay, Saacada uun ka dib markii uu soo baxay Warka sheegaya in Raysal-wasaaraha Itoobiya uu doonayo inuu Hargeysa u soo hor-kaco Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, kaasi oo ay Toddobaadkii hore kulan Magaalada Addis Ababa kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Xigasho: Horn Cable Tv

PUNTLAND POST

The post Xukuumadda Somaliland Oo Diidday In Farmaajo Yimaaddo Hargeysa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this