Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Qoor Qoor oo kormeer sameeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleed Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta kormeer ku tegay xerada ciidanka qeybta 21-aad ee Xoogga, taas oo ku taalla gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Ugu horreyn Qoor Qoor ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan xeradaasi, kuwaas oo ka warbixiyey xaaladda ciidamada iyo amniga.

Sidoo kale madaxweynaha Galmudug oo hadal kooban ka jeediyey xerada ayaa kula dardaarmay ciidamada inay xoojiyaan howlaha lagu xaqiijinayo amniga magaaladaasi.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in Galmudug ay ka bilaaban doonaan howlgallo cusub oo Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay ka heystaan maamulkaasi.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada:

Qoor Qoor 86502552_2963576540369785_3687905911029891072_o 86610538_2963576657036440_8976272986243858432_o 86708427_2963577580369681_763495720366899200_o 86979264_2963577423703030_6844361996305956864_o

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this