Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka warfaafinta Jubaland oo shaaciyey ‘qiyaano lagula kacay’ ciidamadii ay DF geysay Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland Eng Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay soo qiyaantay Ciidamadii ay keentay Gobolka Gedo.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamada la geeyey Gedo markii lasoo wadayey loo sheegay inay soo xoreyn doonaan magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubada Dhexe.

Waxa uu intaas ku daray in ciidamadii halkaas la geeyey ay “ka xumaadeen” kadib markii ay ogadaeen in waxa loo soo aaday aysan aheyn xoreynta Bu’aale iyo ilaalinta xuduudaha dalka sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Eng. Cabdi Xuseen ayaa sheegay in ciidamadaas qaar ka tirsan ay usoo goosteen dhanka Jubbaland maadaama uu sheegay ay “ka xanaaqeen hab dhaqanka Dowladda iyo qiyaanada lagula kacay.”

“Ciidamadii ay dowladdu geysay weeye Gedo oo ka xun howsha loo keenay iyo in ay u socdeen cadaw, waxaa loogu sheekeeyay in la qaban doono magaalada Bu’aale ama ay xuduudaha ilaalinayaan, laakiin marka ay arkeen xaaladdu sida ay tahay ayey ka xumaadeen, marka sidaas ayey ciidamada kale ugu tageen” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland.

Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay geysay Gobolka Gedo ay sii huriyeen Khilaafka u dhaxeeyo Dowladda Dhexe iyo Maamulka uu Wasiirka ka yahay ee Jubbaland.

Wasiirka ayaa intaas ku daray inaysan suurtagal aheyn inay heshiiyaan Dowladd Dhexe iyo Jubbaland inta ay Dowladda ciidamo kusoo daabuleyso Gobolka Gedi oo hoos tago Maamulka Jubbaland.

“Ciidamadan khilaafka ayey sii badinayaan, ciidankan oo jooga wax heshiis ah maba imaan karo ayaan aaminsanahay, sababtoo ah ciidan baan soo daabulayaa aan heshiino ama aan wadahadalno wax macquula ma ahan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir Eng Cabdi Xuseen.

Xiisadda u dhaxeysa ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland ayaa wali waxa ay ka jirtaa gobalka Gedo, waxaana degmooyinka qaar ee gobalkaasi sida Beladxaawo isku horfadhiya ciidamo kala taabacsan labada dhinac.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaadacday Doorashadii ka dhacday Kismaayo ee dib loogu doortay madaxweyne Axmed Madoobe, waxayna wadaa qorsho ay maamul kale ugu dhiseyso Jubbaland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this