Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo diyaarado ku kordhiyey howlgalkiisa Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Mareykanka ayaa diyaarado dagaal oo hor leh ku kordhisay duqeymaha dhanka cirka ah oo ay ka fuliso koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Diyaaradahaan oo uu markii ugu horreysay Mareykanka u adeegsanayo dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana nuuceedu yahay B-52H ayaa lagu arkay deegaanada Jubbaland.

Dadka deegaanka ee jasiirada Koyama oo 42 KM uga beegan dhinaca koonfur galbeed magaalada Kismaayo ayaa arkay diyaarad jawi hoose ku duuleysa oo nuuceeda aan horay loogu arag Soomaaliya, waxaana diyaaradaasi ay walaac ku abuurtay dadka deegaanka.

Sawiro laga soo qaaday ayaa muujinaya diyaarada oo jawi hoose ku duuleysa, iyadoo dul heehaabeyso deegaano ku dhaw jasiiradaasi.

Taliska AFRICOM ee Mareykanka ayaa xaqiijiyey in diyaaradahaasi cusub ay ka howgali doonaan dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan kuwa ay ka howlgalan ciidamadiisa.

Diyaaradaha B-52H oo ah kuwa duqeymaha sameeya ayaa Mareykanka horay wuxuu u geeyay biyaha gacanka Persia, kadib markii uu xumaaday xiriirka Mareykanka iyo Iran.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this