Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo kulan ka yeelaneysa xaaladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dabayaaqada bishaan February yeelanaya kulan ay uga hadlayaan guud ahaan xaaladda Soomaaliya.

Kulanka oo ah mid muhiin ah ayaa waxaa ka qeyb galaya ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya , James Swan oo ka warbixin doono xaaladda dalka.

Sidoo kale kulankaan ayaa waxaa looga hadli doonaa waqtiga u harsan howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee UNSOM iyo sidoo kale qorshaha ka bixitaanka ciidamada ururka Midowga Afrika AMISOM ee dalka Soomaaliya.

Xubnaha golaha ammaanka ee QM ayaa waxaa sidoo kale si weyn loogu falan qeyn doonaa doorashooyinka Qaran ee dalka ka dhici doona sanadka 2021,iyadoo baarlamaanka Soomaaliya uu meel mariyay sharciga doorashooyinka ee dalka.

Golaha ayaa sidoo kale la filayaa in ugu dambeyn ay ka hadlaan hormaradiballaarnaa ee laga sameysay kobaca dhaqaalaha Soomaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this