Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan kuwa DF oo rasaaseeyey dad shacab ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay mid kale dhaawac ayaa soo gaaray, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa DF ay gaari rakaab ah ku rasaaseeyeen duleedka Muqdisho.

Gaariga oo ay la socdeen dad shacab ah ayaa waxaa lagu rasaaseeyey inta u dhexeysa deegaanada Xaawa Cabdi iyo Calamada ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga uu ka baxay magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday dhinaca degmada Afgooye ee gobolkaasi.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa rasaasta aan loo meel dayin ee lagu furay gaarigaasi.

Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa rasaas waxyeelo geysata fura, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda intaba.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this